Waxa dadka badankiisu hidde iyo dhaqan u yaqaan iyo waxa dhaqan yahay ayaa cirka iyo dhulka isu jira. Hiddaha iyo dhaqanka ma Seddex-qayd la xidho iyo timo la tidcaabaa? Ma laba go’ oo bafto ah oo midna la guntado midna garbaha laga kala ridaabaa?, Ma aqal Soomaali iyo Haamo qabo ahbaa?, Ma dhaanto iyo saylaci la boodaabaa?

Run ahaantii la yaab maaha in Soomaalida badankeeda marka erayga ” dhaqan amba hidde” la soo qaado ay maankooda kusoo dhacayso inta magac ee kor ku xusan iyo wax lamid ahi. Inta aynu soo sheegnay midna hidde iyo dhaqan maaha. Qormadan yar ee kooban waxaynu bulshada kaga saari doonnaa khaladka ay ka fahmeen “hidde, dhaqan iyo Caado”.

Mid kaste bal gaarkiisa ayaynu u qeexi doonnaa oo Tuslaayaal ayaynu ka bixin doonnaa. Buugga Waayeel iyo Waano ee uu qoray qoraa Maxamed-Keyse boggiisa 255aad ayuu saddexdan ku kala qaaday.

Waa maxay CAADO?

Haddii ciyaar Soomaalidii, aqal Soomaaligii; boqorkii; dhaclihii; seddex-qaydkii iyo subeeciyaddii ay dhaqan iyo hidde noqon waayeen maxay yihiin? Waxa ay yihiin waa “Caado”. Waxa la yidhaa Caado wixii bulsho isticmaalkeeda badsato ee caado ka dhigato in ay samayso.

Waa maxay dhaqan?

Bandhigyada lagu soo bandhigo dhaqamada Soomaalida ayaa ah mid dadyowga caalamka soo jiito.

Dhaqan waxa lagu magacaabaa waxii qof amba bulsho aaminsantahay haddii ay ku xad-gudubto in ay dambi gashay, ee la rumaysanyahay in la fuliyo amba la xaq-dhawro. Qofka waxa dhaqan u ah waxa diinta uu rumaysan yahay farayso. Tusaale ahaan xishoodka iyo asluubta, cibaadada, sadaqada IWM ahi waa dhaqan. Waa arrimo Diintu farayso qofka haddii uu guto uu ka helaayo abaal marin wanaagsan.

Waa Maxay HIDDE?

Hidde waa ka duwanyahay caado iyo dhaqan. Waxa ugu mudan ee marka la arko qof lagu baadi-soocaa waa hiddihiisa. Haddii ay kaasoo hor baxaan qof Hindi ah; mid Shiineys ah iyo qof reer Yurub ahi waxa aad kala garanaysaa iyada oo aan laguu kala sheegin.

Waxyaabaha ugu mudan ee muuqa qofka kuu sheega meesha uu ka yimid asal ahaan waxa ugu horreeya: midabka timaha, indhaha iyo iwm ah. Si kooban haddii aan u nidhaahno “hidde waa muuqa (qaab-dhismeedka) qofku ka dhaxlo isirka uu kasoo jeedo”.

Bisha Ramadaan ka hor ayaan waxa aan akhriyay buug badan oo ka hadlaysa Suugaanta Soomaalida, bulshada soomaaliduna waa dad suuqaan ku nool ah. Waxyaabaha ay ka maansoon jirteyna waxa kamid ah xoolaha ay dhaqato. Sida: Geela, awrta, adhiga, riyaha, idaha, maqasha, fardaha, baqalaha,Lo’da, dibida, dameeraha.

Intan bisha Ramadaan ee barakaysan lagu jiro haddii alle idmo; maalin kaste waxaan idin la wadaagi doonaa suugaanta iyo heesaha loo qaado iyo waliba wakhti walba heesta gaarka ah ee loo qaado. Tusaale ahaan marka geela la waraabinayo, la foofinayo, la maalayo, la foofinayo.

Markasteba xooluhu waxay leeyiin hees hawleed u gaar ah, oo ku salaysan wakhtiga ay joogaan. Dadkeennii hore ee soomaaliduna uqaadi jireen. Haddaba oxoogay yar oo intaa kamid ah oo aan soo ururiyay waxaad kala Socon kartaa dhammaan ciwaannada aan Baraha bulshada ku leeyay ee “Cabdiqani Qorane”.

Facebook Comments