Hurda la’aantu waxa ay sii xumaysaa dhibaatada xanuunnada dhiminka ee haya gabdhaha da’da yar ee Scotland, khubaro ayaa sidaasi sheegay. Cilmi-baaris ayaa muujinaysa in ku dhawaad saddex meelood oo meel hablaha da’da yar ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyiin dhinaca hurdada ah oo ka soo gaaray saameyn xun oo dhinaca caafimaadka dhimirka iyo jirka kalaba.

Hasayeeshee gabdho ay da’doodu ka wayn tahay 15 sanadood ayaa waxa ay wajahaan cadaadis sare kaas oo ka qeyb qaata walaaca iyo walwalka ay qabaan. Dadkii cilmi-baaristan hogaaminayay ayaa sheegay in xaaladdu ay adag tahay.

Cilmi-baaristan, oo ay hogaaminaysay Jaamacadda Glasgow waxaana maalgaliyay hay’adda caafimaadka Scotland ee NHS, iyadoo warbixintanna laga soo aruuriyay carruur iskuulay ah sanadkii 2018. Cilmi-baarista waxaa lagu ogaaday in qeyb ka mid ah carruurta ay ka cabanayeen dhibaato ka haysata hurdada in ka badan mar todobaadkiiba ay ka korortay 23% tiradaas oo aheyd 2014 halka ay 2018 gaartay 30%.

Meelaha qaar waxaa lagu arkay waxoogaa horumar ah – sida in ay hoos u dhacday isticmaalka maandooriyaha, aalkolada iyo tubaakada, halka ay korodhay hab cunitaanka caafimaadka leh iyo in la soo tabiyay in 85% ay sare u kacday ku qanacsanaanta nolosha.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, cilmi-baarayaasha ayaa waxa ay ogaadeen in in waxyar ka badan saddex meelood oo meel (37%) dhalinyarada la ogaaday inay xaaladoodu deggan tahay (33% wiilal, 41% gabdho) iyo in 14% ay halis ugu jiraan qulub (11% wiilal, 17% gabdho).

Dr Jo Inchley, oo horkacaysay daraasaddaas, kana tirsan Jaamacadda Glasgow, ayaa sheegtay in dhowr arrimood ay ka qeyb qaadan karaan xanuunka dhimirka, oo ay ka mid yihiin baraha bulshada ay ku wada xiriirto, hasayeeshee hurdadu ay muhiim u tahay caafimaadka maskaxda iyo jirkaba. “Waxaa jiro arrimo badan oo u baahan si wanaagsan loo fahmo taageerana loogu muujiyo dadka da’yarta ah – gaar ahaan gabdhaha.

“Markii aannu la hadalnay dad da’yar ah waxaannu ogaannay in gabdhaha ay da’doodu yara wayn tahay uu cadaadis uga yimaado howsha iskuulka iyo sidoo kale arrimaha la xiriira noloshooda – maareynta saaxiibadood, maareynta xiriirkooda guriga, fikirka shaqooyin ay mustaqbalka qaban doonaan, iyo fikirka ku aaddan hab dhiska jirkooda iyo caafimaadkoodaba.

“Marka dhammaan waxaasi oo dhan ayey suuragal tahay inay ka qeybqaataan walaaca heerka sare ah iyo dareenka walwalka aannu ku aragnay cilmi-baaristeenna.”

Gabdhuhu aabayaashood ayey caawin waydiisteen

Daraasado hore ayaa dhibaatada hurdada ee haysata dadka qaangaarka ah waxa ay ku xiriirisay aaladaha dabka ku shaqeeya iyo baraha bulshada. Halka cilmi-baaristii ugu dambaysay ay sidan oo kale ogaatay, ayey Dr Inchley waxa ay sheegtay in daraasadoodu ay muujisay in kiisaska qaar ay jiraan carruur taageero waydiisanaysa qoysaskooda – gaar ahaan gabdho dhibaatada haysata kala hadlay aabayashood dhibaatooyinka haysta.

Dhanka kale, Dr Justin Williams oo ka tirsan the Royal College of Psychiatrists Scotland ayaa sheegay in qoysaska qaniga ah ee taageera carruurtooda ay “muhiim u yihiin iska caabinta xanuunadaas oo kale”.

Waxa uu sheegay: “Waxyaabaha faraha badan ee ay carruurtayada ka helaan warbaahinta ayaa badanaa waxa ay keeneen dhibaatooyin sababtoo ah wax badan ayey halkaas ka helaan ama waxa ay helaan xog khaldan.

Dr Rory Mitchell, oo ka tirsan Hay’adda caafimaadka Scotland ee NHS, taas oo maalgalisay daraasaddan, lagu ogaaday carruurta ka soo jeedda qoysaska qaniga ah ay ka caafimaad wanaagsan yihiin kuwa kale. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay “in si joogta ah diiradda loo saaro sidii loo xakamayn lahaa isu dheeli tirnaan la’aanta ka taagan caafimaadka Scotland.”

Facebook Comments