Qaadku waxa uu ka baxaa wadamo badan oo Afrikaan ah, ogaanshaha kiimikada ku jirtaa waxay soo martay jaranjarooyin kala duduwan waxaanay ahaayeen sida tan:

  1. In la diwaan galiyo qaadka 1775(catha edulis forsk , waa magiciisa scientific_ga ah)
  2. Waxa la diyaariyay ephedrone iyo mephedrone 1928/1929
  3. Waxa la ogaaday inay caleemaha qaadka ku jirto maadada cathine la yidhaa 1930.
  4. Waxa la diyaariyay maadada pyrovalerone bilawgii 1970’s
  5. Waxa la ogaaday inay maadada cathinone ku jirto qaadka sanadkii 1975.
  6. Waxa lagu daray liiska daroogada ee maraykanka maadada cathinone 1993.
  7. Waxa la diyaariyay maadada methylone 1996.
  8. Waa la gaday iyadoo adeegsanayo qarax ahaaheed maadadan(methylone) Natherlands iyo Higigat, cathinone Israel (2004).
  9. Waxa lagu gaday maadada ‘Neodove’ (mephedrone) Israel 2007.
  10. Maadooyinka flephedrone, butylone iyo MDPV waxay ahaayeen kuwo lagu gado Europe (2009).
  11. Naphyrone, 15 new derivatives waxay ahayd mid lagu sheegay Europe (2010).
  12. Mephedrone waxa laga mamnuucay maadadan EU_da, waxana pannel lagu qiimaynayo dhibaatooyinka ay keento lagu qabtay Hungry (2010)
  13. Waxa liiska daroogooyinka ee maraykanka lagu daray mephedrone ,methylone iyo MDPV, sido kale kulan cilmiyeed lagu eegayo dhibaatooyinka maadooyinkan ayaa lagu qabtay Finland, waxa si balaadhan loo Soo bandhigay cathinone_ta oo lagu daray qaynuunka daroogada ee talyaaniga (2011).
  14. Waxa gabi ahaanba la mamnuucay 33 maado oo kiimiko ah oo loo adeegsado marka la diyaarinayo cathinone_ta wadanka Portugal (2013). Haddii aad qaadka cuntid ama aad qayishid quud awliyo maahee, quutal daruuriga haseejin qoys aad isku qoomiyad tihiine, qanjuhu intay ku barari lahaayeen wax ku qaadshaduba waa qaaliye!!!!.

Wali ma isweydiisay maxay ula degdegaan gaariyaasha qaadku? maxaa lala yaac yaacaa marka uu soo galo ‘soo dhacyeey?

Waxyaabaha keenay in la dedajiyo qaadka waa maado kiimiko ah oo ku jirta qaadka,maadadani waatan ugu muhiimsan kiimikada ku jirta qaadka ee xaga fir_fircoonida, waxana aad loo ilaaliyaa inuu qaadku fresh ahaado waana sababta aad u aragtid in lagu duubo caws oo la qooyo oo hadana lagu sii duubo jawaan!!!

Si kastaba haloo duubo maadadani waa midku jireysa in yar waanay is dhala rogeysaa waayo waxa saameyn ku leh hawada waana tan keentay in wax kasta lagu dado si aanay uga bixin, haday baxdo micneheegu waxay ka dhigantahayaan caleemuhu inay dhadhi dabadeedna qaadku baarixi noqon doono, dhawr maalmood kadibna lama arko marka uu qalalo geedku maadadan.

Caleemaha freshta ahi waa isha ugu muhiimsan ee laga helo maadadan oo lagu magacaabo “CATHINONE”, xiliyada aadka looga helo mirqaanka (murqaamka) ayaa ah xiligan caleemuhu freshta yihiin !!!!!,

Caleemaha freshta ahi waa isha ugu muhiimsan ee laga helo maadadan oo lagu magacaabo “CATHINONE”, xiliyada aadka looga helo mirqaanka (murqaamka) ayaa ah xiligan caleemuhu freshta yihiin!!!!,

Inkasta oo ay ku xidhantahay nooca qaadka tusaale ahaan qaadka cas cas noocyadiisa kala duwan waxa layidhaa aad ayay u jecelyihiin dadka mirqaamaayi marka labar bardhigo kan cad,sababtuna waa in kan casi maadada “CATHINONE” ay ku badantahay, cilmi baadhisyada qaarkood waxay ay timaamayaan inay maadadani ku jiri karto qaadka ilaa 48 saacadood haddii laga ilaaliyo hawda!!.

Cilmi baadhis la sameeyay ayaa waxa ay muujisay in marka qaadka laga soo uruuriyo meelo kala duduwan ee uu ka baxay in kiimikada ku jirtaa isku celcelis ahaan ay tahay:

  1. 36mg cathinone
  2. 120mg cathine
  3. 8mg norephedrine ah

100 kii gram ee caleen ahba intaasi ayaa ku jirta (numberadani maaha kuwo lagu dabiqi karo meelkasta ee waxa ay ku xidhantahay meelaha laga Soo ururiyo waayo deegaanku saameyn ayuu ku yeeshaa inta ku jirta, arintanina maaha mid ku gaara qaadka oo waa ay kala simanyihiin dhiraha kale gaar ahaan marka la diyaarinayo qaybta layidhaa phytochemical ka).

Qaadku (oo ka mid ah qoyska geedaha loo yaqaan Catha edulis Forsk, Celastraceae family) waa geed gaaban oo caleemo cagaaran leh oo noqda geed weyn. Caleemaha curdanka iyo curubyada geedka qaadka ayaa loo takhsiimaa in laga helo saamayn fi rfi rcoonaan iyo marqaan.

Maxaa loo adeegsadaa Cathinone?

Waxyaabaha loo adeegsado maadadani waxa ka mid ah:

  1. Social reaction
  2. Stimulation
  3. Reducing hungry

Maxay saameyn ah oo ay leedahay cathinone?

Waxa aan u kala qaadaynaa saameynta ay leedahay maadadani laba nooc mid togan(positive) iyo taban(negative).

Saameynta togan ee ay leedahay cathinone waxaa kamid ah:

  1. Euphoria
  2. Stimulation
  3. Qofka oo ay noqoto fir_fircoonidiisu mid aad usareysa
  4. Niyada qofka oo aad ukoreysa
  5. Hadalkiisa oo Bata.

… Waxa laga yaabaa inaad aregtay waxa dood ka dhacda koleyada !!!!.

6. Increased motivation

Saameynta taban waxa ka mid ah

  1. Dhiig kar
  2. Afqaleyl
  3. Hurdo badni,

…. Had iyo goor waxaad moodaa inuu wahab(caajis) saaranyahay!!!!. aad ayay ubadantehey maadadani saameynteedu waxaanaynu aad uga hadli doonaa insha allah qoraalyada danbe.

Cilmi baadhis la sameeyay October 2019 ayaa waxa ay tilmaamaysaa in marka qaadka la calalinayo in maadada CATHINONE ay ku soo baxdo 15-45 daqiiqadood!!!. Haddii aad qaadka cuntid ama aad qayishid quud awliyo maahe, quutal daruuriga ha seejin qoys aad isku qoomiyad tihiine, qanjuhu intay ku barari lahaayeen wax ku qaadashaduba waa qaaliye,.

*..Tani waxa ay isoo gaadhay goordhawayd laakiin magaranayo cida leh 👇

Kan sigaarka goobe canka

galiyaha buuriga ee indhaha guduudshiyo

geed daaquhu nama geeyo !!!!!.

 

Wali ma isweydiisay maxay u degdegaan gaariyaasha qaadka qaada? 

CATHINONE DERIVATIVE waxaan kaga Soo hadalnay qaybtii labadaad maadada cathinone oo ah maadooyinka ugu muhiimsan marka laga hadlayo kiimikada ku jirta qaadka, qaybtana waxaan kaga hadli doonaa cathinone derivative qaybihii ugu danbeeyay ee laga sameeyay cilmi baadhis waxana loo qaybiyaa afar qayboob ama kooxood iyadoo waxa ka mid qaybahan:

N alkylated cathinone derivatives

a. Buphedrone

b. Ethcathinone

c. Ephedrone

d. Flephedrone

e. Mephedrone

f. Pentedrone

g. 3 ,4 DMMC.

 

Qaybtii labaad

3,4_methylenedioxy N alkylated cathinone

b. bk MBDB

t. bk MDEA

j. bk MDMA

x. bk MBDP

Qaybtii sadexaad

N pyrrolidine cathinone

b. MPHP

t. 1 (2 (pyrrolidin 1 yl) pentan 1 only) benzene

j. ……… 4_methylbenzene

Qaybtii afraad

3,4 methyllenedioxy N pyrrolidine cathinone

b. MDPBP

t. MDPPP

j. MDPV.

Fiiro Gaar ahaaneed

Waxay ka dhigantahay inuu kala mid yahay qaybta hore maadada ka horaysa. Xuruufta aan qorey maadooyinka qaarkood waa comman name ka maadooyinka. Haddii aad qaadka cuntid ama aad qayishid quud awliyo maahe’e, Quutal daruuriga ha seejin qoys aad isku qoomiyad tihiine, Qaadhaan qaadka lagu ururiyo qayrkaa shaxaadba waa ceebe.

“” stop chewing khat.

Facebook Comments