Waa Maxay Suuqa Xorta Ah? Suuqa xorta ah ”waa erey lasoo koobay oo macnahiisa noqon kara isweydaarsi’ oo bulshada dhexdeeda ah. Isweydaarsi kasta waxaa loo fuliyaa sidii heshiis ikhtiyaari ah oo u dhexeeya laba qof ama u dhexeeya kooxo dad ah oo wakiilkoodu matalayo.

Labadan shaqsi (ama wakiilo) ayaa isdhaafsada laba badeecadood oo dhaqaale ah, ama badeecooyin la taaban karo ama adeegyo aan la taaban karin.

Tusaalle, markaan iibsado joornaal wargeys ah oo konton senti oo shillin Soomaali ah, wariyaha iyo aniga waxaan isdhaafsanaa laba baddeecadood: Waxaan dhiibaa konton senti oo shillin Soomaali ah, wariyaha iibiyana wuxuu iska dhigayaa wargeyska.

Tusaallaha labaad:, haddii aan u shaqeeyo shirkad, waxaan u beddelayaa howlahayga shaqo, hab aan ku heshiinay, mushaar lacageed; halkan shirkadda waxaa matalaya maareeye (wakiil) awood u leh inay shaqaaleysiiso cida ay rabto.

Labada qayboodba waxay wadaan isweydaarsiga maxaa yeelay mid walba wuxuu rajaynayaa inuu ka faa’iideysto. Ganacsi, ama isweydaarsiga, ayaa si kumeel gaar ah ugu hawlan maxaa yeelay labada dhinacba way ka faa’iideystaan; haddii aysan filayn inay kasban doonaan, ma oggolaan doonaan is-dhaafsiga.

Sidee labada dhinacba uga faa’iidaysan karaan isweydaarsiga?

Midkastaba wuxuu qiimeeyaa labada badeecadood ama adeegyadooda si kala duwan, isla markaana khilaafaadkan ayaa u ah goobta isweydaarsiga. Aniga, tusaale ahaan, waxaan la socdaa lacag jeebka ku jirta laakiin ma jiro wargeys; wariyaha, dhanka kale, wuxuu leeyahay wargeysyo badan laakiin wuxuu ka walwalaa inuu lacag helo. Markaa, markaan helno midba midka kale, heshiis ayaan gaarnaa.

Guud ahaan suuqa xorta ah, waa suuq aan nidaam ahaan sharciyeysnayn oo isweydaarsiga badeecadaha, kaas oo aysan jirin illaalinta tayada badeecadaha, mana jiraan qaabab kale oo faragelin dhexe lagu sameeyo marka loo fiiriyo dhinaca dowladda.

Maaddaama suuqa xorta ahi uu u taagan yahay bar-tilmaameed aan dhab ahaan jirin, bulshooyinka casriga ahi waxay u dhowaan karaan oo keliya ama qiyaasi karaan qaabkan habboon ee qoondeynta kheyraadka oo waxaa lagu sharxi karaa iyada oo ay u dhexeyso min hoose illaa xaddi aad u sarreeya oo sharciyeyn ah.

Dhaqaaleyahanno badan ayaa u arka in qoondaynta kheyraadka ee suuqa xorta ahi ay tahay mid si fiican u wanaagsan, oo aan cidna looga fiicnayn karin. Intaas waxaa sii dheer, iyada oo la raacayo aragtidan, habka aan la arki karin ee habka is-xakamaynta, bulshada ayaa faa’iido u leh iyada oo ay leeyihiin jilayaal xiisaynaya go’aanno dhaqaale oo xor ah oo naftooda u faa’ideeya.

Qaar ka mid ah aqoonyahaanada anshaxa, ayaa ku dooday in hufnaanta suuqyada xorta ahi ay kuxirantahay dhowr cabirro anshaxeed sida xaallada baaxadda, miyir-qabka, is-xakameynta, tartanka ka dhexeeya qeybaha siman, iyo iskaashiga.

Dhaleeceynta nidaamka suuqa xorta ah waxay u muuqataa fashilka suuqyada qaarkood ay u baahan yihiin faragelin dowladeed.

Marka hore, qiimaha suuqa waxaa laga yaabaa inaysan si buuxda uga tarjumin kharashyada ama faa’iidooyinka badeecadaha ama adeegyada qaarkood, gaar ahaan kharashyada deegaanka. Badeecadaha dadweynaha inta badan waa kuwo aan hoos u dhicin ama looga faa’iideysan waxyeelada haddii aan si sharci darro ah looga mamnuucin nidaamka dowladda.

Midda labaad, suuqa xorta ah ayaa laga yaabaa innuu u tartamo kuwa kula tartamaya inay isku dhacaan, taas oo ka dhigaysa sharciga ka soo horjeedda aaminaada daruuriga. Diidmada qawaaniinta la midka ah ayaa si gaar ah oo muhiim ugu ah kiisaska qaar ka mid ah suuqa, sida shirkadaha, helay awooda suuqa ugu weyn.

Suuqa xorta ah waa suuq xor ah oo aysan jirin cid oo farogeliso, ilaa ay dowladdu go’aansato inay soo dhex gasho shuruucda suuqa ama barnaamijyada daryeelka bulshada, muwaadiniinteedu ma leh ballanqaad ku saabsan dhaqaalaha suuqa.

Dhaqaalaha loo yaqaano ‘leissez-faire Economics’ waa wax caadi ahaan lagu kala duwan yahay heerka taageerada siyaasadeed iyo tan shacabka ee faragelinta dowladaha ay ku kala duwan yihiin. Sidaas awgeed, si loo barto saameynta suuqyada xorta ah ay ku leeyihiin dhaqaalaha, dhaqaaleyahannadu waxay dejiyeen dhowr tilmaamood oo caan ah oo ah xorriyadda dhaqaalaha.

Kuwaas waxaa ka mid ah Tusmada Xoriyadda Dhaqaalaha ee ay daabacday Heritage Foundation iyo Xoriyadda Dhaqaalaha Adduunka iyo Xoriyadda Dhaqaalaha Waqooyiga Ameerika oo ay daabacday Machadka Fraser.

Facebook Comments