Atamku waa wax yar oo il-ma’aragto ah, sidaa awgeed waa walaxda ugu yar kiimikada, ereyga Atam waxa uu ka yimaaday eray Giriigah oo ah Atamos macnaheeduna yahay maqaybsanto.

Atamkasta waxa uu ka kooban yahay borotoono togane ah (+), niyuutaroono dhexdhexaad ah (0) iyo elektaroono tabane ah (-) marka laga reebo atamka loo yaqaan haydarojiin kaas oo aan lahayn niyuutaroono.

Borotoon iyo niyuutaroon waxa ay kujiraan bu’da atamka waxaana la ogaaday in tamar wayni isku hayso bu’da atamka, tamartaas isku haysana waxaa loogu yeeraa tamar iskudabar bu’eed.

Saxarada Sumada Cufnaanta faallo
Elektaroono e 9.109×10-31kg Elektaroonadu waxa ay maraan majiiro go’an oo ku wareegsan bu’da atamka
Borotoono P+ 1.672×10-27kg Borotoonku waxa uu elektaroonka ka culus yahay 1840 jeer
Niyuutaroono N 1.672×10-27kg Niyuutaroonadu waa saxaro dhexdhexaad ah.

 

Tiro atamka:

Tiro atamka ama tiro borotoonka (calaamada Z) ee curiye kiimikeedka waa tirade borotoonada kujira bu’da atamkasta oo curiyeyaasha kamid ah. Isku darka tiro atamka (tiro borotoonka Z) iyo tiro niyuutaroonka waxa ay kusiinaysaa tiro-cufka ee atamka (A).

Tirada atamka waxaa xadida nooca curiyaha kiimikada ee jadwalka curiyayaasha. Atamyadu aad ayey u yaryar yihiin mana ku arki karno indhaheena, sidaa darteed waxaan isticmaalaa heemaal si aan usawirno sida uu atamku u eg yahay. Heemaal waa hab loosameeyey si ay ugu ekaato wixii dhab ahaan. Heemaashaas inta badan la isticmaalo waxay leedahay majiirooyin go’an. Majiirada elektaroonada waxa ay ku wareegan wareegtooyin u jira heerarkala duwan bu’da ama xudunta atamka.

Majiirtada (wareegtada) gudaha xigta waxay qaadi kartaa 2 elektaroon, wareegtada labaad waxay qaadi kartaa 8 elektaroon halka wareegtada sadexaad ay qaadi karto 18 elektaroon. Tirada elektaroon ee ay qaadi karto majiirtada elektaroonka waxaa lagu soosaari karayaa ayadoo la adeegsanayo qaanuunkan 2(n2), n→ waxa ay utaagan tahay tirada wareegtada (majiirtada). Tusaale ahaan wareegtada 5aad elektaroonada galaya ama ay qaadayso waxaa lagu helayaa sidatan:

2(n2) = 2(52) = 2(25)=50.

Markii aan xisaabinay elektaroonada ay qaadi karto majiirtada 5aad waxa aynu helnay in ay qaadi karto 50 elektaroon.

Tusaale oksijiin:

Atamka oksijiin waxa uu leeyahay 8 elektaroon sidaas darteed wareegtada gudaha xigta waxaa galaya labo elektaroon halka wareegtada ugu saraysana ay galayaan inta soo hartay (6 elektaroon).

Atamyada leh tiro atam (tiro borotoon) isku mid ah oo kukala duwan tiro niyuutaroonka iyo tiro-cufka waxaa lagu magacaabaa aysatoobyo (isotopes). Tusaale ahaan curiyaha kaarboon waxa uu leeyahay sadex aysatob oo kala ah C12, C13 iyo C14.

oksijiin

Facebook Comments