Sida culuumta sayniska ee kale kemisterigu waxa uu ka bilowday wax yaalihii dadku samaynayeen ilaa inta uunku uu taagnaa. Qarniyo badan ka hor ayay dadku yaqaaneen sida loosameeyo khamrada, saabuunta iyo sida loo diyaariyo khalka.

Sida uu aqoonkii reer giriig ee Dimokraytas (Democritas) yiri “ waxa aduunka yaala oo dhami waxa ay kasamaysan yihiin saxaro yaryar oo adkayaal ah ooo il-ma aragtay ah” waxa uuna saxaradaas ubixiyey Atamyo (Atoms).

Atamyadu aad ayey u yaryar yihiin sidaa darteed lama arki karo, farqiga udhaxeeya walxahana waxaa farqiga udhaxeeya tirada, qaabka iyo sida ay isku haystaan atamya ay kudhisan yihiin.

Sidoo kale filasoofii reer giriig ee Aristatol waxa uu rumaysnaa in walxaha jira oo dhami ay jirto walax bilow ahi ay sal u tahay, walaxdaas bilowga ahi ama salka u ahi ay tahay walax aan waxba laga badali karin, taas oo ah walax uusan asalkeeda dabiiciga ah doorsoomin.

Dhamaan falsafadii gariigu waxa ay ahayd mid laxariirta aqoonta qarsoon ee maatarka halka dadyowgii kale ay raad gurayeen aqoonta lataaban karo ee la xariirta isbedalada kiimikeed ee maatarka.

Sida ay oranayaan fikrado badan kemisteruga aqoon urursan ahi waxa uu kabilowday magalada Al-iskanderiya. Al-iskanderiya waxa ay ahayd magaalo xudun u ah ganacsi xoog leh iyo dhaqan il-baxnimo, sidaa owgeed dadyow badan ayaa uga imaan jirey dunida badankeeda, taas oo ka dhigtay ishii aqoonta ee Masaarida, halkaas oo ay giriigii hore u ahayd meeshii ay aqoonsiga hagaagsan ka heleen. Marka aad u fiirsato buugaag badan oo lagu qorey Al-iskanderiya bilowgii qarnigii kowaad waxaa ku arkaysaa xoggo badan iyo sawiro muujinaya qalabka lagu isticmaalo barashada kimisteriga iyo alaabaha ay kamid yihiin Miirida, Milanka, Wiriqlaynta, iwm.

Qarnigii 10aad markii carabtu qabsatay mastar aqoontii faraha badneyd ee taalay Al-iskanderiya waa ay kafaaiidaysteen walxo badan oo waxtar lehna waa ay daah qaadeen, waxaana ka mid ahaa naytarik asiidha iyo cusbooyin badan. Ereyga “Kemiya” oo ay isticmaali jireen saynis yahanadii Masaaridu waxa ay carabtu ku dareen “Al” oo ka dhigeen “Al-kemiya”. Saynis yahanadii carabta ahaa waxa ay katageen buugaag faro badan oo ka hadlaya tijaabooyinka laxariira kemisteriga.

Markii carabtu qabsadeen dalka Isbaanishka waxa ay gaarsiiyen Yurubta galbeed aqoon badan oo kiimiko ah. Carabta ayeyna lasocotay fikrada ah in biraha loo badali karo Dahab. Casrigii loo yihiin Facii dhexe waxa uu ahaa casri ay ku koobnayd sidii biraha loogu badali lahaa dahab, sidoo kalena fikir sayniseedka oo dhan wakhtigaas waxaa gacanta kuhayey kaniisadaha Katooliga.

Fikradii ugu xooga badnaydna waxa ay ahayd tii Aristatol oo kaniisadu xoogaa badeshay. Fikrad kasta oo taas lid ku ah cidii keentana waa la dili jirey. Wakhtigaasna kimisterigu wax hormar ah kama uusan samayn Yurubta oo waxa uu ahaa mid ku kooban kaniisadaha oo kaliya iyo sida biraha loogu badalo Dahab.

Casrigii loo yiqiin “Facaha fufka” ayuu kemisterigu hormar lataban karo ka sameeyey Yurub, inkastoo dhibaatooyin badan kasoo waajahday dhankii kaniisada Katoliga. Kemisteriga cusubi waxa uu kabilowday tijaabooyin badan oo lagu baarayey sidii loo diyaarin lahaa daawooyin, kemisterigaas oo loo yaqaanay Ayatrook kemisteri (Iatrochemistry) kimisteriga daawooyinka, waxaana bilaabay nin Iswiis ah oo la oran jirey Baraasiilas (Paraceles) kaas oo rumaysnaa ujeedada ugu wayn ee kemisterigu in ay tahay diyaarinta daawooyinka oo kaliya.

Fikradiisiina wax ay heshay aqoonsi weyn, waxayna noqotay dariiqada cusub ee uu kemisterigu raacay. Qarnigii 17aad ayaa loo tiirinayaa in uu ahaa kii uu bilowday kimisteriga durugsan oo tijaabooyinka kudhisani. Roobat Booil (1626-1691) ayaana dhidibada utaagay. Maanta kimisterigu waxa weeye barashada walxaha kala duwan ee aynu deegaankeena ka helno.

Facebook Comments