Kemisterigu waa barashada maatarka iyo isbadala kudhaca. Kemisteriga waxaa loogu yeeraa ama lagu magacaabaa tiir dhexaada sayniska, waayo barashada aasaaska kemisteriga waxa ay lagama maarmaan u tahay dhigashada Bayoolojiga, fiisikiska, Juquraafiga, culuumta deeganka iyo maadoyinkale oo badan.

Sidoo kale kemisterigu waxa uu boos muhiim ah uga jiraa sayniska iyo tijnolojiyada sida, caafimaadka, tamarta iyo deeganka, cuntada iyo beerashada iyo kuwo kale oo badan.

Sida kor kuxusan Kemisteriga waxaynu ku qeexnay in uu la xariiro barista maatarka iyo isbedelada kudhaca, sidaa darteed kemisterigu waxa uu jawaab uraadiyaa labadan suaalood:

  1. Maatarku muxuu kasamaysan yahay?
  2. Iyo side xariir u leeyihiin isbadalada kudhaca maatarka marka laga badalayo nooc loona baladayo nooc kale.

 Caafimaadka:

Qarnigan waxaa aad loogu baahan yahay in lahelo kahortagga iyo daawaynta cudurada, sidaa darteed wax soosaarka guud ee caafimaadka waxaa la hindisaa talaalo iyo nidaam difaaceed looga hortago in cuduradu saameeyaan dad badan, sida soo saarista daawooyinka bakteeriyada iyo kuwa talaalka (ka hortaga). Sidaa darteed si loo soo saaro waa in la maraa wado, taas oo ka dhigaysa dektoorku in uu leeyahay ama bartay aqoonta ama ciliga kiimikada si uu u ogaado astaamaha kiimikeed ee isku dhisyada.

Tamarta iyo deegaanka:

Tamarta waxaa soo saara geedi socodyo badan oo kiimikeed, sidaa darteed kiimiko yaqaanadu waxay baarayaan markasta il-tamareed cusub. Wakhtiga lajoogo ilaha ugu waa weyn ee tamartu waa shidaalka sida; dhuxusha, naaftada iyo gaaska dabiiciga ah, sidaa awgeed soo saarida tamartta waxa ay ubaahan tahay aqoon kiimikeed si loo ogaado geedi sosocodka ay tamartu ku imaanayso.

Soosaarista tamartu waxa ay raad wayn kuleedahay deegaanka iyo cimilada, gubashada iyo wasakhowga kudhaca hawada waxa ay hoos udhigaan tayada deegaanka.

Qalabka iyo tiknoolojiyada:

Cilmi baarista iyo hormarinta kiimikada ee qarniga 20aad waxay soosaartay qalab cusub kaasoo la jaanqaadaya nolosheena sidoo kalena wadooyin badan ka caawinaya tiknoolojiyada hormarsan; tusaale ahaan Rinjiga, Koolada waxaa loo isticmaalaa dahaar ahaa iyo isku dhajin labo shay.

Cuntada iyo beerashda:

Wadamada faqriga ah 80% waxa ay ku tiirsan yihiin wax soosaarka beeraha taas oo a dhigaysa isha dhaqaale ee dowladahaas. Wax soosaarka beeraha waxaa saameeya nafaqo la’aanta carada, cayayaanada iyo cudurada kudhacada dalagga, sida awgeed waxaa la isticmaala bacrimiyaal kiimikeed iyo suntan cayayaana si looga hortago dhibaatooyinkaas kudhaca dalagga. Taas oo kadhigaysa in lahelo aqoon kiimikeed oo hormarsan si looga hortago saamaynta ku imaanaysa beeraha iyo wax soosaarkooda.

Facebook Comments