Maqaalkan waxaa uga hadli doonaa:

  • Qaboojinta matoorka
  • Ciladaha kudhaca gaariga
  • Baarista ciladaha
  1. Qaboojinta matoorka:

Waa nidaam ay biyuhu ku dhexmarayaan balookada matoorka ayaga oo qaboojinaya galaasyada (meesha uu kadhaco qaraxa iyo gubashda, kadhasha hawada iyo shidaalka), biyaha kulul ee soo qaboojiyey matoorka waxay dib ugu laabanayaan raytooraha halkaas oo lagu qaboojinayo.

Habka qaboojinta matoorka:

Matoorka waa shay ay gudihiisa ka socdaan olol ay dhaliyaan bostomada waxa uuna ubaahan yahay qaboojin oo kala ah:

  • Matoorka oo kuqabooba biyo iyo hawo
  • Matoorka oo kuqabooba hawo kaliya

Matoorka kuqabooba biyaha iyo hawada; waxaa matoorkaas qaboojiya biyaha sidoo kalena waxa biyaha qaboojiya hawada, hadii ay biyuhu waayan hawo qaboojisa biyuhu ma qaboojinayaan matoorka.

Habka biyugu uqabooiyaan matoorka:

Biyuhu waxay matoorka kuqabooiyaan wareeg ay kudhex wareegayaan iyagoo qaboojinaya Olyada uu Matoorku isticmaalayo, galaasyada matoorka iyo dhamaan matoorka qaybihiisa. Biyaha qabow waxay matoorka ka soogalaan Hoosbeebka hoose, biyahakululna waxay kabaxaan Hoosbeebka sare. Biyaha kulul waxay dib ugu soolaabanayaan matoorka iyagoo qaboobay. Faaiidada wareega biyaha waa in ay kabaxaan biyaha kulul oo ay soogalaaan iyagoo sooqoobay.

Biyaha soogalaya raaiyitooraha waa biyo kulul oo xajmileh biyahaas markay soogalaan waaskada sare ee raaiyitooraha waxaa dhumaya awoodoodii waxayna raacayaan beebab yaryar ah oo tiro badan beebabka dhexdooda waxaa ku jira shini ama shabaq loogu talogalay in hawada marwaxada soojiidanayso ay kudhexmaraan si aayar ah. Markaas kadib bay uu daataan ama iskugu tagaan Waaskada hoose, waxaana soo laabanaya xajmigoodu waxayna Waaskada imaanayaan iyagoo qaboobay.

Raaiyitooraha:

Raaiyitooraha biyaha waxaa uu leeyhay hawo celiye loogu talogalay in hawada ay maranawaxadu soojiidayso aysan beeldaroobin, hawo celiyuhu waxa uu uruuriyaa hawada marawaxada, waaskada hoose waxay leedahay kaag loogu talogalay in laga daadiyo biyaha kujira raaiyitooraha. Waxaa mamnuuc ah in lafuro furka raaiyitooraha gaariga oo kulul, furka raaiyitooraha godka uu xiro waxa uu leeyahy tuubo layiraahdo saaid.

  1. Ciladaha kudhaca Baabuurka:

Ciladaha Baabuurku ladaarmi waayo:

  1. Bilaashidaal
  2. Batariga oo dab la’aan ah
  3. Dab xumaan
  4. Salafka oo xumaada
  5. Matoorka oo dukheeya

Ciladaha kudhaca kileeshka:

  1. Saliida oo uu gudbi wayda kitka
  2. Saliida oo uu daadiyo
  3. Godka oo faaxa
  4. Salid kabaxaysa oo yaraata
  5. Godka saliidu kabaxo oo xirma
  6. Warank oo gaabta ama dheeraada

Ciladaha kudhaca islef kileeshka:

  1. Salida oo uu daadiyo
  2. Waranka oo uu riixi waayo
  3. Godka niiibelka oo xirma
  4. Godka kitka oo faaxa
  5. Eer gala saliida
  6. Tuubo farasiibilaha oo dilaacda
  7. Waranka oo dheeraada ama gaabta

Ciladaha kudhaca bilatoonka iyo saxan kileeshka:

  1. Ilkaha bilatoonka oo daga
  2. Cadaaadiska bilatoonka oo yaraada
  3. Degis kudhacda cagafka
  4. Nuglaan kudhacda bilatoonka
  5. Gubasho kudhacda saxan kileeshka
  6. Godka aasbariinada oo daga ama jilca
  7. Dagis kudhacda cadka saxanka

Ciladaha bareega:

  1. Istaajin waa ama qaban waa
  2. Lugaha oo uu qaar qabto
  3. Kukala hormarid qabashada lugaha
  4. Awooda istaajinta oo yaraata
  5. Qabasho salka ah
  6. Qaylo timaada marka bareega laqabanayo
  7. Adkan kutimaada bareega

Ciladaha Hashkada Matoorka:

Waa maxay hashkadu?

Hashkadu waa matoorka marka uu sameeyo gariir, taas oo ka dhalata bostomada oo aan shaqo wacan samayn. Sidoo kalena shaqada matoorku waxa ay noqon kartaa labo:

  1. Matoorku marka uu Miinimo yahay (marka uu sax yahay matoorku): waa marka uu matoorku ushaqaynayo siwanaagsan oo uu san lahayn wax hashkad ah ama gariirka khaladna uusan ka jirin bostomadiisa.
  2. Iyo marka uu Maarsimo yahay (marka wax ka khaldan yihiin matoorka): waa marka matoorka gaariga wax ka khaldan yihiin, sida in gaariga faasadu isdabo marsan tahay oo aysan haysan sidhinka saxda ah, ama in biindadu wareegsan tahay sida gaariyaasha batrolka ah. Waxaana keena in faasada gaariga laga shaqaynayey oo aan sidii larabay loo sixin. Waxaana taas lagu daawayn kara gaariga oo miinimo looceliyo oo faasadiisa lasaxo.

Qaybaha hashkada keena:

  1. Faasada
  2. Shidaalka
  3. Kaalbeedherka
  4. Dabka
  5. Waalasha
  6. Riimanka
  7. Xariga balaagyada
  8. Maskaxda
  9. Irbadaha
  10. Jiktarada
  11. Bumbaada

Ciladaha kudhaca biyaha iyo hawada

  1. Kulayl kudhaca matoorka
  2. Kulayl yimaada marka gaarigu socod dheer sameeyo
  3. Wareega biyaha oo istaaga
  4. Wareega biyaha oo yaraada
  5. Hawada oo yaraata
  6. Hawada oo istaagta
  7. Naqas raaca biyaha
  8. Raaiyitooraha oo ay hawadu so dhexmariwaydo
  9. Raaiyitooraha oo juuraato noqda
  10. Olyada oo biyaha kudarmata
  11. Haydarooliga oo kudarmata biyaha
  12. Biyaha oo olyada kudarma

Barista Ciladaha:

Inta aadan bilaabin baaris waa in aad hubisaa kuwan soosocda:

  1. Hubin in gaariga naafto kuirto
  2. Hubin in raasku naaftada sooqadayo
  3. Hubin raasku in uu naaftada joogto
  4. Hubin in naaftadu soo galayso bumbada
  5. Hubin in naaftadu kabaxayso bumbada
  6. Hubin in naaftada soobaxaysa ay awood leedahay

Barista ciladuhu waa hab ama wado laraaco marka labaarayo taas oo kuusahasha in aad sifudud uhesho cilada aad baarayso dabadeedna aad uxaliso cilada aad heshy, hadii aadan aqoon habka loobaaro ciladaha, waxaa dhacaysa in aadan helin cilada aad baarayso ama aad waydo. Waa in aad raacdaa habka barista ciladaha si aadan ugaysan dhibaato horleh. Barista ciladuhu waxay leeyihiin qawaaniin looraaco marka aad cilad baarayso:

  1. Waa in aad taqaano shayga aad baarayso
  2. Waa in aad aqoon uleedahay habka loobaaro shaygaas
  3. Waa in aad shaygaas kabaartaa shaqadiisa
  4. Shayga aad baarayso waa in aad ubaartaa qayb qayb
  5. Baaritaanku waa in aad kala hormarisaa sida uu ukala xaqleeyahay
  6. Hadii aad hesho cilad waa in aad baaritaan kusamaysaa
  7. Waa in aad baaritaan kusamaysaaa in ciladaan saamayn kuyeelatay shaykale
  8. Hadii aad hesho cilad waa in aadan warbixin dhiibin inta aad kasoo afmeerayso
  9. Waa in aad isticmaasha masuuliyad inta aad baaritaanka kujirto
  10. Baaritaanka aad samaynayso waa in aad kusamayso uruurin si aad usokoobtid ciladaha.
  11. Waa in aad kala saartaa shayga aad baarayso inuu yahay mid wareega ama aan wareegin.
  12. Cilada aad baarayso waa in aad xaqiiiso marka ay imaanayso iyo marka aysan imaanayn.
  13. Baaritanka marka aad samayso waa in ay ciladu joogtaa ama ay imaanaysaa.
  14. Ciladaha khatarta keeni kara waa in aad kubaartaa hab taxadar leh
  15. Inta aad cilada kujirto waa in aad iska ilaalisaa dagdag iyo sahlashada cilada.
  16. Baaritaanka inta aad kujirto waa in aad iska ilaalisaa baqdin iyo argagax.

F.G. Badbaadada guud: Sidee looga hortagi karaa dhibaatada? Waxaa looga hortagi karaa inta aysan dhicin kahor in laga digtoonaado waxkasta oo aadan aqoon hadii aad kashaqaynaysid iyo hadi kaleba.

Gaari marka aad kashaqaynso waa in aad marto sidan soosocota:

  1. Dhig gaariga meel banaan ah oo siman.
  2. Waa in aad damisaa gariga inta aadan shaqada bilaabin.
  3. Waa in aad udhigtaa taako adag.
Facebook Comments