Waa maqaal si cilmiyaysan u soo koobaya tirada axaadiista saxiixa ah ee laga wariyo Rasuulkeena (CSW).

Tiro-koob cilmiyaysan:

Waxaan isku dayayaa inaan si cilmiyaysan oo kooban halkaan ugu soo bandhigo tirada axaadiista saxiixa ah ee laga wariyay rasuulka (CSW).

Waxaa jira boqolaal kitaab oo axaadiista Rasuulka (SCW) qorta, waxaa jira kumanaan xadiis oo Rasuulka (SCW) loo tiiriyo, waxaa jira kumanaan dariiq (sanad) oo ay axaadiistan ku soo aroorto, waxaa jira in qarniba qarniga ka horeeyay kutubta axaadiista ee la qoray ay ka xadi iyo xajmi yartahay tan qarniyadii dambe la qoray waa sidda badane, taas oo dad badani shaki iyo doodo ka abuuraan, iyagoo oranaya axaadiista Rasuulka (CSW) laga wariyo qarniba qarniga ka dambeeya ayay sii badataa halka la rabay in ay sii yaraato.

Mas’aladan ah tira badnida axaadiista Nabiga (SCW) laga wariyo waxay ka mid tahay masaa’isha ay dad badan dood ka keenaan, doodaas oo aan hadda billaban ee ah dood soo jireen ah, waxaa la is waydiiyaa axaadiista boqolaalka kun ah ee Nabiga (SCW) loo tiiriyo saxnimadooda iyo sidda ay arrintani mid caqli gal ah u noqon karto, amaba ay u suuroobi karto in tira intaas le’eg saxdeeda iyo khaladkeeda lakala sooco.

Waxay waydiimahani sii laba jibbaarmaan marka aynu ku aragno kutubta maqaawiirta Cilmi Xadiiska oraahda caanka ah ee ah: “dhammaan axaadiista Nabiga laga wariyay ee saxda ah qiyaas ahaan waa 4,000 oo xadiis”, hadalkan iyo kuwo la macna ah oo ay leeyihiin culumo waawayn sidda Imaam AL-dahabi iyo Imaam Ibnu Xajar oo culumo waawayn oo culumadii qarniyadii hore joogtay uga soo raray kitaabkiisa “Al-nukat Calaa Ibnu Salaax”, innagoo og Sixiixu Al-Bukhari oo kaliya in tirada axaadiistiisu gaarayso: 7,563 xadiis, Saxiixu Al-Bukhari waa kitaab ay culumadda xadiisku isku raaceen in axaadiista ku taal ay wada saxiix yihiin, waxay siddoo kale isku raaceen Saxiixu Muslim-ka oo isna axaadiistiisu ku tira dhowdahay kitaabka hore in axaadiistiisuna saxiix tahay, labadaas kitaab waxaa feer yaal tobanaan kitaab oo iyana kumanaan xadiis oo saxiix ah ay ku yaalaan.

Hadaba dad badan oo aan aqoon durugsan Sunnaha Rasuulka (SCW) u lahayn ayaa ku wareera macluumaadkan uu muuqda kuwa isdiidan marka aad si dul mar ah u eegto. Si dhab ah aan isu waydiino ragga kutubta axaadiista qoray waxaan oo axaadiis ah tolow xagay ka keeneen?

Aan ku bilowno kutubta loo yaqaan “ Sagaalka Kitaab”, innagoo xusayna mid walba tirada axaadiistiisa: Saxiix Al-Bukhaari: 7,563 xadiis, Saxiix Muslim: 3,033 xadiis, Sunan Abi Da’ud: 5,274 xadiis, Jaamac Al-Tarmidi: 3,956 xadiis, Sunan Al-Nisaa’i: 5,774 xadiis, Sunan Inbu Maajih: 4,341 xadiis, Sunan Al-Daarami: 3,503 xadiis, Muwada’ Maalik: 1,740 xadiis, Musnad Axmed: 27,647 xadiis. Aan ku darno dhowr kitaab oo kutubta caankaa ka mid ah: Saxiix Ibnu Khusayma: 3,079 xadiis, Saxiix Ibnu Xabaan: 7,491 xadiis, Al-Mustadrik cala Al-saxiixayn (Xaakim): 8,803 xadiis, Al-Sunan AL-kubraa (Bayhaqi): 21,712 xadiis. Sadex iyo tobankan kitaab axaadiistoodu waxay kor u dhaafaysaa 103,900 oo xadiis.

Waxaa hubaal ah in hadda wareerkaagii sii kordhay wax bandanna aad iska waydiinayso farabadnida axaadiista kutubta ku taal.

 Tira-koob Cilmiyaysan:

Halkan waxaan ku soo bandhigayaa tira koob ku saabsan Sunnaha Nabiga (SCW) oo uu sameeyay Sh. Saalix Axmed Al-shaami; Sh. Saalix wuxuu leeyahay mashruuc uu ugu magac daray “Mashruuca soo dhawaynta sunnaha” mashruucan wuxuu ku soo bandhigay kitaabkiisa “Macaalim Al-sunnah” oo ah kitaab uu ku soo khulaaseeyay 14 kitaab oo kutubta axaadiista kuwa ugu muhiimsan uguna caansan kamid ah, waa sadex iyo tobankii aynu horay ku soo xusnay iyo kitaabka la yiraahdo “Al-Axaadiis Al-mukhtaara” (Al-maqdasi).

Sh. Saalix wuxuu sheegay in wadarta guud ee tirada axaadiista kutubtaasi tahay: 114,194 xadiis, marka laga saaro axaadiista soo laalaabatay waxay noqotay tiradoodu: 28,430 xadiis, tiradan oo ka yar afar meelood hal meel tirada hore. Midna xasuusnow erayga ah ‘xadiiska soo laalaabashadiisa” culumada xadiisku waxay u adeegsadaan marka xadiis hal saxaabi warinayo uu dhowr jeer kitaabka ku soo noq-noqdo, balse isla xadiiska haddii rag kala duwan wariyaan oo uu sidaas dhowr jeer kitaabka ugu soo noqdo ma yiraahdaan xadiiskan wuu soo noq-noqday ee way kala tiriyaan, waxayna xisaabiyaan axaadiis kala madax banaan iyaga oo kala duwanaanshaha Raawiyaasha eegaya ee aan eegayn isku mid ahaanshaha axaadiistaas isku midka ah macna ahaan.

Sh. Saalix oo mashruuciisa sii wada intaas ugama harine wuu sii kala hufay axaadiistii dhowr iyo labaatanka kun ahayd ee u soo baxday, wuxuu ka saaray:

  • axaadiista daciifka ah.
  • aathaarta laga wariyay saxaabada iyo taabiciinta ee aan axaadiista Rasuulka (SCW) ku tirsanayn.
  • siddoo kale mar labaad ayuu axaadiista isku eg ka saaray isaga oo kooxdii axaadiis ah oo isku mid ah (isku macne ah laakiin rag kala duwan ay wariyeen) hal mid ka soo qaadaya isaga oo aan u eegayn kala duwanaanshaha ragga wariyay ee axaadiistii isku macna ah ba hal xadiis ka soo qaadaya.

Markan dambe tiradii axaadiista 14-ka kitaab waxay ka soo dagtay: 28,430, waxayna noqotay: 3,931 xadiis, oo ah axaadiista uu ku soo bandhigay kitaabkiisa “Macaalin Al-sunnah”, sidda uu Shiikhu sheegay axaadiista kitaabkiisa ku taal waa wada saxiix marka laga reebo 33 xadiis oo daciif ah, iyo 10 xadiis oo Xasan ah, oo uu mid walba xukunkiisa ku sheegay meeshiisa, wuxuuna xusay in uu sababo gaar ah uu ugu qoray kitaabka.

Tira koob kan cilmiyaysan wuxuu ina xasuusinayaa hadalkii qarniyo fara badan ka hor ay yiraahdeen Culumo waawayn oo ahaa: “tirada axaadiista saxiixa ah qiyaas ahaan waa 4,000”. Waxaa jira tira koobyo kale oo aad u qayma badan oo uu soo bandhigay Sh. Saalix:

Nisbadda axaadiistan (3,931) ay ka tahay wadarta guud ee tirada axaadiista 14-ka kitaab oo ah (114,194) waa 3.4%. nisbadani waa mid macna wayn leh, waxay tilmaamaysaa riwaayadaha faraha badan ee boqolka kun kor u dhaafaya in ay iskugu soo biya shubanayaan aakhirka tira axaadiis ah oo afar kun ka yar,

……..sidda muuqata riwaayadahan faraha badan waxay leeyihiin hal bar-kulan oo dhamaantood kulminaysa taas oo ah afarta kun ee xadiis, siddaas ayaana waxaa ku cadaatay in tirabadnida riwaayadaha axaadiista Rasuulka (SCW) ay caddayn u tahay saxnimada iyo sugnaanshaha Sunnaha, halka ay ka dhigayaan kuwa Sunnaha shaki galiya farabadnidaasi inay tahay mid wax dhaawacaysa, Sunnaha iyo axaadiistana wax u dhimaysa.

Tirada axaadiista laga soo doortay Saxiix Al-Bukhaari iyo Saxiix Muslim ee kamidka ah 3,931-da xadiis waa 2,131 xadiis, taas oo u dhiganta 55% ka mid ah. Arrintanina waxay muujinaysaa dhabnimada waxa ay culumadu ka yiraahdeen qaymaha labadan kitaab ee Saxiixaynka la isku yiraahdo iyo miisaankooda dhabta ah ee ay ku dhex leeyihiin kutubta axaadiista.

Isu gaynta axaadiista laga soo doortay “Sagaalka Kitaab” ee ka midka ah 3,931-da xadiis ee kitaabka “Al-macaalim” ka kooban yahay – waxay noqonaysaa 3,691 xadiis oo u dhiganta 94%. Halka lixda kitaab ee hartay oo taariikh ahaan iyagu dambeeyay axaadiista laga soo doortay oo ah 230 xadiis ay u dhiganto 6% ka mid ah tirada guud ee ah 3,931 xadiis.

Tira koob kaana wuxuu caddayn u yahay in axaadiista Rasuulku qarniba qarniga ka dambeeya ay sii yaraanaysay, waxa badanayayna waxay ahaayeen duruqda lagu warinayo axaadiista iyo dadka warinaya,

…….ee axaadiistu ma ahayn waxa badanayay, taas waxaa caddayn u ah lixda kitaab ee dambe oo tirada axaadiistoodu gaarayso marka la isku daro: 46,741 xadiis, waxaa laga soo doortay 230 xadiis oo qura halka labada Saxiixayn oo kaliyana laga soo doortay: 2,131 xadiis, doorashada axaadiista laga soo kala dooranayo kutubta kala duwan waxay ku salaysan tahay kitaab walba waxaa laga soo qaadayaa dhammaan axaadiista saxiixa ah ee aan soo noqnoqon oo isaga u gaarka ah kutubta kale na aysan qorin.

Waxaan filayaa hadda in wax badan kuu kala cadaadeen, waxaan ku xasuusinayaa in cilmigu muhiim yahay, wax walba inta aadan humaadtiisa ka cabir qaadan in loo baahan yahay in daraaso dhab ah aad ku samayso markaas kadibna aad go’aankaaga iyo xukunkaaga aad jaangoyso, dad badan ayaa ku sirma hadalada caadifadda iyo qiiq afuufka ah ee ay xaqiiqooyin waawayn isku dayayaan dad danaystayaal ah in ay ku qariyaan.

Waxaa si hubanti ah u cad in axaadiista Rasuulku (SCW) tahay mid kooban oo si fudud loo ogaan karo waxa ka saxda ah iyo waxa aan saxda ahayn ee lagu soo dhex khaldo, waxaa iyana cad in boqolaalka kun oo riwaayadood oo kala duwan ay iskugu soo ururaan afar kun oo xadiis in ay tahay xaqiiqo aad u wayn oo Sunnaha sugnaatiisa u marag ah, sidda qormadeena aan ku soo sheegnayna xaqiiqadani ma aha mid hadda la ogaaday ee waa xaqiiqo ay culumadeenii waawaynaa ee cilmigan xeel dheerida ku lahaa ay qarniyadii horaba sheegeen.

Waxaa siddoo kale qormadaan kuugu caddaaday kutubtan faraha badan ee qaarkood tobaneeyada mujalad yihiin in waxa ku qoran ee xajmigooda balaarinaya ay iskugu jiraan axaadiis saxiix ah oo soo laalaabanaysa, axaadiis daciif ah, kuwo xasan ah iyo aathaar saxaabada iyo culumadii ka dambeysay laga warinayo oo aan Rasuulkaba loo tiirinayn, sidaas awgeed marka la kala hufo oo axaadiista saxiixa ah oo qura dhan loo sooco kitaab walba waxa ku qoran waxay noqonayaan axaadiis aad u kooban oo mararka qaarkood yaraantoodu kadiso iyo amakaag ay kugu noqonayso.

Inta badan macluumaadka maqaalkan ku qoran waxaad ugu noqon kartaa labada Masdar ee hoos ku xusan:

1- Macaalim Al-sunnah — Sh. Saalix Axmed Al-shaami.

2- Maqaal: Xagee ayay ka keeneen axaadiistan oo dhan? — Shariif Maxamed Jaabir. (Mudawana Al-jazeera).

Facebook Comments