Waa maqaal ka hadlaya dhibaatooyinka ay tuulayntu u leedahay degaanka iyo bulshada ku dhaqan ba. Laamiga dheer ee magaalooyinka Soomaaliya isku xidha marka aad ku safarto waxaad arkaysaa dhacdada (phenomenon) tuulaynta degaanka, meel walba waxaa laga dhisay tuulo yar oo dadkeeda iyo degaankeeduba xadidan yahay, hadana tuulooyinkaasi waxay isku jiraan inta badan kiilo mitiro kooban, waxaad arkaysaa sedex afar tuulo oo isku xiga laba walbaana ay shan kiilo mitir wax ka yar isu jiraan.

Degaanka Soomaalida marka aan eegno waa sedex degaan nololeed: miyi daaq iyo degaan xoolo leh oo reer miyigu ku nool yihiin xoolahana ku dhaqdaan, magaalo dad badani ku nool yihiin hor-umar iyo adeeg bulshana ay ka jiraan, iyo tuulooyinka oo ah degaanka ugu liita dhanka degaanka iyo dhanka bulshadaba, tuuladu maaha magaala wayn oo hor-umar iyo il-baxnimo ka jirto, sidoo kale miyi uu dhaqan iyo xoolo ku dhaqan yihiina ma aha.

Hadii aan soo koobo dhibaatada ay tuulayntu u leedahay degaanka iyo dadka ku noolba waa:

1- Tuulooyinka faraha badan waxay ka qayb qaataan nabaad-guurka degaanka, marka meel walba tuulo laga dhigo waxaa sahlanaanaysa in aagaasi dhir iyo dhaqaal degaan wixii uu lahaa ay idlaadaan, waxaa ku faafaya bacaha iyo qashinka kale ee degaanka iyo dhirtaba bi’iya marka ay ku faafaan, taas oo keenta nabaad-guur degaan, waxaa intaas sii dheer dadka qudhooda oo dagaanka xaalufin ula-kaca ah u gaysanaya iyagoo dhirta iyo baadka kale ee dhulka yaalba u isticmaalaya si baahidooda ka baxsan.

2- Tuuladu had iyo jeer waa degaan kooban oo aan saamaxayn in hor-umar baaxad leh uu ka hirgalo, tusaale-dhig: ma suuroobi karto tuulooyinka in laga hirgaliyo adeegyada bulshada ee muhiimka ah sida xarumo caafimaad iyo kuwa waxbarasho, shirkado isgaarsiin, biyo-galin, adeegyada dawladda iwm, adeeg la’aantaasina waxay abuurtaa xaalad il-baxnimo la,aan ah oo degaanka hesha.

3- Tuuladu waa meel miyi iyo magaalo dhex taal u ah, malaha astaamihii miyigeena ee wacnaa, dhaqankii dhowrsanaa, xoolo dhaqashadii wacnayd, bilicdii degaan, sidoo kale malaha il-baxnimadii magaalo lahayd, waa meel dadka jooga reer miyina aysan ahayn reer magaalna aysan ahayn, meel-raacsanaan la’aanta tuuladu waxay abuurtaa dhaqamo bulsho iyo hab nololeed ay reer miyi iyo reer magaalba ka dudaan, in badan waxaan maqalnaa tuulada iyo dhaqan xumada oo la isa surayo, arrintaasina ma aha wax iska samaysmay iyo hadal-hays iska abuurmay ee waxa tuulada yaal oo ay dadku arkayaan ayay ku hadal qabsadeen qof walbana isha ayaa u macalin ah.

4- Nolosha ka jirta tuulada had iyo jeer waa mid adag waayo shaqo maleh, dhaqma miyina maleh, qoyska ku nool sidii reer miyiga intuu xoolo dhaqdo uma noolaan karo, sidii reer magaalkana uma noolaan karo oo ma aha meel shaqo iyo nafci yaal dadkuna dakhli ka samayn karaan ay naftooda ku dabbaraan.

5- Inta badan tuulooyinku malaha xarumo waxbarasho; dugsiyo sare, kuleejyo, bareefadyo, iyo jaamacado, qaarkoodna maleh xitaa dugsi hoose-dhexe, halkaas waxaa ka dhasha bulsho aan aqoon iyo il-baxnimo lahayn, mar walba oo jaanisyada waxbarasho ay yaraadaan waxaa bata aafooyinka bulshada oo dhammaan il-baxnima la’aantu hoyga u tahay. Waxaa bata dhalinyarada daraagiska ah, kuwa nolosha ka dhacay, hablaha saaqida, iyo dhalinyaro aan wax hadaf ah nolosha ka lahayn.

Dhibaatooyinka tuulayntu ay leedahay ma aha kuwa intaan oo kaliya ku kooban inaan soo koobana uguma tala galin qormadaydaan, ujeedkaygu wuxuu yahay in aan mawduuca furo arrintan wax ka qabashada mudanna aan farta ku fiiqo si ay caqliyo iyo qalimo badan uga qayb-qaataan ka faalaynteeda iyo xal u raadinteedaba.

Eegmadayda kooban iyo ogaalkayga aan daahiradaan (phenomenon) bulsho u leeyahay waxaan ku ogaaday sababta u wayn ee ka dambaysa hanaankan degaan tuulaynta ah in ay tahay caqliyada qabaliyadeed ee aan bulsho ahaan u leenahay, qabaa’ilka iyo jifiyaha soomaalida oo ah dad Illahay tarantooda barakeeyay ayaa jifi walba waxay doonaysaa in jidka laamiga ah ay degaan u gaar ah ku yeelato, damacaasi wuxuu noqday mid tartan oo kale u muuqda, reer walba wuxuu danaynayaa si uu isku muujiyo miisaankiisa bulsho iyo kiisa siyaasadeedba u xoojiyo in uu degaanada badsado.

Degaano ku tartankaas falsafad qabyaaladaysani wuxuu dhalay in hal mar shan tuulo oo aan waxba isu jirin wada abuurmaan mid midda kale ku darsanna aysan jirin, tuula walbana waxay u magacaaban tahay reer gaar ah. Sidaas awgeed waxaa dhacaysa in shantaas tuulaba aanay helin wax hor-umar bulsho ah maxaa yeelay mid walba waxay doonaysaa adeeg bulsho oo dhamays tiran hadana u gaar ah, waana wax awoodda dadka tuulada degan iyo tan dawladduba karayn.

Waxaan caqli-gal ahayn awooduna aysan saamaxayn in tuulooyinka ciidaas ka badan oo ay mid walba dad koobani ku nool yihiin in ay gaar gaar u kala helaan: isbitaalo, iskuulo, jaamacado, biyo-galin, isgaarsiin, saldhigyo boolis iyo adeegyada kale.

Halka marka degaanka la mideeyo oo intii tuulooyinkaan yar yar la isu geeyo magaalo wayn laga dhigo ay wax walba ka hirgali karaan bulshaduna ay adeegyadii ay u baahnayd wada helayso, degaankuna uu badbaado heli lahaa.

Waa xaqiiqo in nidaamka tuulayntu uu yahay mid fara kulul ku haya degaankeena waayadaan dambe, gaar ahaan degaanada Puntland oo aan xog ogaal u ahay meelo badanna aan ku arkay tuulooyinkaan iska feer samaysmaya, waxaa muuqata in falsafad qabyaaladeedka ku dhafan caqli soomaaliyeedkeena ay tahay mid dhinacyo badan dhaawacyo aynaan dareemayn inooga gaysanaysa, waa inaan ka dirirnaa tirtirnaana caqliyadda dib-udhaca iyo hor-umar la’aanta u horseedaysa bulshadeena.

Facebook Comments