Waa maqaal falsafadeed oo qaadaadhigaya sababta aynu u qalano xoolaha oo noole ah si aynu ugu noolaano iyo macnaha falsafadeed ee ku jira arrintaas. Qof hadaad qalatid kuna doodid waan hilibsanayay kuu noqon mayso dood, halka haddii aad neef qalatid waan hilibsanayay ay noqonayso wax la ogolaan karo.

Waxaa su’aal maan-gal ah oo taagan ah: labada nafley maxaa midna naftiisa raqiis ka dhigay oo mid ay naf kale isticmaali karto ka dhigay si ay ugu noolaato, midna naftiisa qaali ka dhigay? Halkaas waxaa ku xayraamay faylasuufyo waawayn kuwaas oo ugu dambayn go’aan ka qaatay in ay naflayda hilibsadaan nooc ay tahayba.

Aduunka maanta waxaa si shaac baxsan uga jira ururo u dooda xuquuqda xayawaanka, kuwaas oo ay qaarkood u ololeeyaan siddii sharciyo qalashada xayawaanka mamnuucaya ay dawladduhu u soo saari lahaayeen loona joojin lahaa hilibsiga xayawaanka oo dhan, waxay ku doodaan digaaga aad jikadaada ku shiilayso iyo Yahuudii lagu dubay foornooyinkii Jarmalka waa isku mid, sababtoo ah labadu ba waa nafley inay noolaato u baahan xaqna u leh nolosha. Waxaa shaac baxay ololaha la magac baxay “Holocaust on Your Plate” oo ay sameeyeen kooxda la yidhaahdo “People for Ethical Treatment of Animals (PETA)”.

Dhan kale aan iska taagno, hadaan labo dhalo oo cabitaan ah soo qaato, dabadeed mid aan ku siiyo tan kalana aan miiska saarto, taan ku siiyay hadii aad cabtid waa caadi laakiin midda aan miiska saartay hadii aad cabto idan la’aan waa gardaro waxaana ii furan inaan kugula xisaabtamo, halkaan waxaa macna samaynaya labo arrin: lahaanshaha iyo idmida.

Xoolaha iyo dadka Illahay baa leh isaga ayaana midna inoo idmay midna aan inoo idmin, fahankaas waxaan uga badbaaday xayraamida ku dhacday rag caqli badnaa balse mas’aladu ay dhinacyo kale iska tustay, hada niyadaydu way ku santahay in xayawaanaadka la hilibsan karo, dadkana aan la hilibsan karin, laakiin intii noole naftiisa loo dayn karo in loo daayo ayaan jeclahay, maxaa yeelay anba waan jeclahay in naftayda yartaa la iidaayo.

Waxaa jirta lahaanshaha Eebe iyo idmidiisa arrin dhinac taal oo tixgalin leh, nafteenu waxay leedahay “waxyi” aad u qayma badan oo waxyaaba badan ina ka caawiya siiba dhinaca falsafadda iyo garqaadashada caqliga, waa duxda caqligu uu ka helo samayska Eebe Wayne, eray-bixinta diinteena waxaa lagu dhahaa “Fidro”.

Marka aan “Fidrada” su’aalo waxaan ka helayaa jawaabteeda kala duwanaansho u dhexeeya hilibsiga xoolaha iyo qalashada dadka, kalmadda “dad-qal” waxay maqalka aadanaha ku tahay jug culus oo dareenkiisa wada kicisa, halka kawaanle ay tahay kalmad maqalkeedu uu caadi iska yahay, dhandhankaas caqliga la xidhiidha waa waxyiga nafta ama “Fidrada” wax badan ayuuna ina tusaaleeyaa.

Dadka aad u darsa cilmiga bulshada iyo dhaqan isqaadsiinta bini’aadamka waxay iswaydiin karaan: dareenkan aan soo xusnay daliilkana ka dhiganay amuu yahay dareen dhalan-rogmay oo dhaqamada bini’aadamku saameeyay? Hadaan kuu sii faahfaahiyo iswaydiintan, “Fidrada” waxaa daxaleeya dhaqamada dadka oo iska daba taga dabadeedna u samaysma hab caadooyin ama aaminaado, caadooyinkaas iyo aaminaadahaasi waxaa laga yaabaa in ay yihiin kuwa maanka saafida ah “wax-sheegiisa” khilaafsan.

Iswaydiintaan hadaan wax ka niraahno waa iswaydiin booskeeda taal, hayeeshee arrintan aan ka hadlayno marka aan taariikhda aadanaha u eegno ma helayno xilli dadka oo la qasho iyo xayawaanka oo la hilibsado ay dareenka bini’aadamka ku sinaayeen, dhanka diidmada iyo dhanka ogolaanshaha midna kuma simin abid, taasna waxay inoo sheegaysaa dareenka aan ka soo sheekeeyay aragtidaydana aan ku xoojiyay in uu yahay mid saafi ah oo wali aan sidiisii u haysano ee uusan ahayn mid la barxay oo taariikhdu ay dhex-muquurtay.

Facebook Comments