Waxaa waayadaan dambe soo ifbaxay xanuunka aadka ufaafay ee shanta qaaradood adduunka albaabada uxidhay. Waa fayraska saameeyay malaayiin dad ah oo ku nool caalamka, kuwaasi o noloshooda go’doon geliyay.

Fayrsankaan oo soo shaac baxay 2019-kii, dabayaaqadiisii ayaa galaaftay malaayin dad ah, wuxuuna xiriray isku socodkii adduunka, waxaa istaagay ganacsigii, waxaa khatar gashay bilyan dad ah oo caalamka ku nool.

Marabo in aan ka sii hadlo corona iyo wuxuu yahay, waxaa ka hadlay dad badan oo caalamka ku nool, si cilmiyaysana uga hadlay. Waxaan rabaa in aan ka faaloodo xanuunka loo yaqaan COVID19 iyo noolaha Hinjibiso farqiga ka dhexeeya, astaanta ay wadaagaan, sida looga hortago iyo daaweyntiisa.

Covid19 waxaan sheegnay in uu yahay fayras ilmo-aragtay ah oo si dhakhso ah ku fida, lehna astaamo lagu yaqaan oo ay ka mid tahay:

  1. Qandho saa’id ah
  2. Qufac joogto ah
  3. Naqas qabanaya qofka
  4. Hindhiso aan joogsi lahayn.

Waxaa jira bahal loo yaqaan Hinjibiso, waa noole aad u yar oo xoogaa ka yar Laxlaha. Waxa uu leeyahay qaabka Laxlaha oo kale, balse cabir ahaan, muuqaal ahaan waa ka yaryahay.

Hinjibiso waxa uu soo daayaa fayras kaas oo qofka uu kaga firdhiyo afka iyo sanka. Ma arki kartid kolka uu kugu firdhinaayo fayraska balse waxa uu caan ku yahay kolka uu kugu yaacsho fayraska, qofku wuu isbeddelayaa:

  1. Waxa uu yeelanayaa hindhiso joogto ah.
  2. Qufac aan kala har lahayn, halkii daqiiqaba wuxuu qufacaya qofka in kabadan 20-jeer.
  3. Waxa uu leeyahay xumad aan joogsi lahayn.
  4. Naqaska oo qofka dhiba balse aan ku dhegayn.
  5. Matag aan joogto ahayn.
  6. Tabar dari soo food saarta qofka, marba marka ka dambaysa.
  7. Muruqyo xanuun.

Haddaba Fayraska uu siidaayo Hinjibisadu iyo kan uu ka dhasho Covid19, waxay ka wada yimaadaan xayawaanka, gaar ahaan cayayaanka duula, IWM. Waxayna saamayn toos ah ku yeeshaan noolaha, gaar ahaan Bini’aadanka, waxayna fayraska qofka ka galaan sanka iyo afka.

Maxay ku kala duwanyihiin:

  1. Covid19-ka waa mid fida si dhakhso ah, waana mid la kala qaado halka fayraska uu soo daayo Hinjibisadu aan la kala qaadin.
  2. Covid19-ka ma ahan mid soo shaac baxa balse waqti ayay qaadataa in uu ka soo ifbaxo, halka fayraska Hinjibisada uu ka soo ifbaxo isla waqtiga uu gaaray fayraska.
  3. Covid19-ka waxa uu qofka ku xiraa naqaska, ilaa uu sababo dhimasho balse fayraska Hinjibisada qofku uma dhinto.
  4. Covid19-ka wax dawo ah malahan aan ka ahayn ka hortag balse fayraska ka dhasha Hinjibisada uu leeyahay sanco Soomaali.

Sidee la isaga ilaalin karaa Covid-19?

  1. Ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo muddo soddon ilbiriqsi ah.
  2. Iska ilaali inaad indhaha, sanka iyo afka ku taabato gacmo wasakhaysan.
  3. Iska ilaali in aad si toos ah ula xiriirto dadka kale sida salaanta, IWM.
  4. Iska ilaali dhaqdhaqaaqa badan markaad hargab qabtid.
  5. Ka fogow dadka hargabka iyo oofta qaba.
  6. Ku dabool afkaaga iyo sankaaga masar ama tiish marka qufacdo ama hindhisto.
  7. Xoor tiishka ama masarka isla marka isticmaasho, oo dhaq gacmahaaga.
  8. Nadiifi guriga iyo xafiisyada.
  9. Si fiican u dhaq miraha iyo khudradda.
  10. Iska ilaali taabashada xayawaanka.
  11. Ka taxadar markaad taabatid dhammaan noocyada hilibka.
  12. La xiriir dhakhtarka, isla marka aad dareento xumad, qufac, iyo naqaska oo kugu xirma.
  13. Iska ilaali dadka qaba covid19-ka, kana fogow.
  14. Ka fogow meelaha dadka isugu yimaadaan.

Sidee loo daweeyaa dadka uu asiibo fayraska Hinjibisada?

  1. Malahan dawo la isla yaqaan balse waxaa jira sanco Soomaali. Marka uu qofku soo gaaro fayraska Hinjibisada, waxaa loo qalaa neef.
  2. Waxaa isla markiiba laga soo jaraa xiidmaha, caloosha iyo malawadka.
  3. Waa la dhaqaa oo la sifeeyaa inta aysan qaboobin.
  4. Waxaana la shidaa dab qaxmaya, waxaana lagu oogaa ama lagu solaa dabka.
  5. Marka uu kogo oo uu dhiigii ka dhaco, bislaado ayaa isagoo kulul shay lagu soo guraa.
  6. Waxaana madiibad ama baaquli lagu soo shubaa maraqa neefka oo kulul.
  7. Waxaana la soo qaadaa buste qofka ayaa hoosta loo wadageliyaa, waxaana lasiiyaa xiidmaha, caloosha iyo malawadka.
  8. Wuxuuna isaga dejinayaa maraqa, waxaana ka soo baxaya dhidid badan.

Waxaa dhacda in saacad ama labo saacadood gudahood ku caafimaado qofku, waxaana isku waqti ka joogsanaya hindhisada, qufaca, xummadda. Wuxuuna bilaabaya qofku in uu iskiis usocdo, oo uu awoodiisa soo noqoto.

Ani labo jeer ayay fayraska Hinjibiso isoo gaaray, waan xasuustaa, maalintii igu horaysay, waxay ahayd labadii duhurnimo, waxaan joogay baadiye, geed weyn oo Canjeel ah ayaa Ido ii harsanaayeen, aniguna geedka ayaan ariga la harsanaayay, waxaan cabaayay shaah aan karsaday.

Hal mar ayaan dareemay qufac iyo hindhiso aan kala joogsi lahayn, wax aanan garanayn ayaa irooraya dhuunta, waxaan kari waayay in aan biyo cabo. Waan wareeray ilaa dhulkii ila gariiray, waxaana ahaa mid dalan baaba’a ilaa qoraxdii ka dhacday.

Waxaan aaday xaafadii anoo dhacdhacaya, wax I helayna aqoon, dadkii ayaa igu soo yaacay, waxaa korkayga ka baxaya qandho saa’id ah gaar ahaan madaxa, hindhisadu kala joogsi malahan iyo qufac qalalan. Waxaa intaasba iga daran wax aanan garanayn baa dhuunta irooraya.

Waxaan guriga jiifay muddo saddex beri ah, anigoo layga yaaban yahay waxa I helay. Waxaa safar ka yimid Aabbe, wuxuuna igu dhahay, aabbe sidee wax kuu gaareen, waxaan haleel ugu sheegay sida ay wax yihiin? Iyo qaabka ay wax igu dheceen.

Isla markiiba wuu fahmay, wuxuuna soo qabtay neef Ido ah, waa gowracay, wuxuuna ka soo riday caloosha, xiidmihii, mindhicirkii iyo malawadkii buu soo qaaday, dab weyn buu shiday waa solay, isla markiina waxa uu kariyay calooshii qeyb kamida, wuxuuna iikeenay maraqii.

Wixii baa buste laygu daday, waxaana cunay hilibkii lay soo solay, iyo maraqiina waan ka dhergay ilaa korkayga oo dhan wada qoyeen, waxaana iga yimid dhidid farabadan. Wallaahi baan ku dhaartaye saacad ka dib, reerka anaa u adeegayay.

Maalintii labaadna waxay igu heshay meel ceel ah, anigoo Ari horaya, waxaa hal mar fayraskeedii igu firdhisay Hinjibisadii, waan wareeray ilaa arigii idhaafeen, ceelkiina isku shubeen.

Maalintaas waan dareemay in ay tahay Hinjibiso, waxaan wax ka bartay tii hore, markii arigii cabay baa ceensaan soo qabanay, waan gowracnay, sidii si lamida ayaa laygu sanceeyay Alxamdullilaah, waan fiicnaaday.

Haddaba waxaan Aabbe waydiiyay sababta caloosha, mindhiciraha iyo malawadka qofka loo siiyo oo aan loo siin hilibka intiisa kale?

Aabbe wuxuu dhahay, wax kale ma ahan, neefka wuxuu cunaa malaayiin geed oo kala jaad ah, geed walbana wuxuu leeyahay faa’ido iyo khasaare, ka sokow geedka in xooluhu manafacaadsadaan balse waxay ka helaan caafimaad, waayo waxa jira dhir aynaan aqoon balse laga helo caafimaad. Waana sababta dadka loogu daweeyo fayraskaas maraqa, caloosha, mindhiciraha iyo malawadka.

Haddaba su’aashu waxay tahay tolow ma ku fiirinaa sanca Soomaaliga dadka laga helay Covid19?

Maxayse adi kula tahay?

 

Facebook Comments