Soomaalida iyo aqoontu waa isku marti. Weli si fiican iskumay baran. Mararka qaarna waxaabad is odhanaysaa cadaawad ayaa ka dhaxaysa. In cid u kala sheekaysay oo isku dirtayna waa suurogal. Horta xilliga ay is barteen ayaaba iska dhawayd oo marar badan waxa aad is odhanaysaa malaha wakhti fiican isku may helin oo ay isku bartaan.

Somaliland ardaygii u horreeyey ee dugsi la qoro ayaa weli nool. Halkaa ka qiyaas qaado. Waa xilligii Ingiriiska. Dugsigii u horreeyey ee Hargeysa laga furay waxa uu ahaa Fisher School oo hadda loo yaqaan Dugsiga Hoose Dhexe ee Sheekh Bashiir. Fasalkii u horreeyey waxa la diiwaangeliyey 1943kii. Waxa uu ahaa fasal ka kooban ilaa 18 arday. Waxa nasiib u yeeshay in uu noqdo ardaygii ugu horreeyey ee lagu qoro diiwaanka ardayda Dr. Cali Sh. Ibraahim Sh. Cumar Sh. Madar (Dr. Cali Qaadi).

Dr. Cali waxa uu sidoo kale noqday digtoorkii ugu horreeyey ee Soomaalilaand yeelato, waxaana markii xorriyadda la qaatay lagu wareejiyey Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa. Digtoorku mar dambe waxa uu soo maray guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo aan wax ka bartay, haddana wax ka dhigo. Fasalkaas waxa sidoo kale ka mid ahaa laba Madaxweyne oo Soomaalilaand soo maray: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).  

Waxbarashada Soomaalidu horumar fiican bay samaysay intii xorriyadda la qaatay ka dib. Weliba xilligii ay askartu dalka qabsatay ayaa wax badan la gaadhay. Furitaanka dugsiyo badan oo dalka oo dhan ah, tababarka barayaal badan, far Soomaalida oo la qoray, samaynta manaahij waxbarasho, furitaanka jaamacado iyo kuliyado waxbarasho sare lagu qaato, dad badan oo dalka dibeddiisa waxbarasho loogu diray iqk. Hase ahaatee, waxbadani dagaaladii ayey dib ugu burbureen oo meel hoose ayaa haddana laga soo bilaabay.

Aniga ayaaba geed hoostii iyo daasad aan ku fadhiisto waxbarashada ka bilaabay. Malaha Dr. Cali Qaadi ayaaba iga nasiib badnaa?

Soomaalilaand jaamacaddii u horraysay waxa la furay 1998kii. Waa Jaamacadda Cammuud. Waxa ku xigtay Jaamacadda Hargeysa oo 2000 hawl gashay. Dhallinyar badan ayaa maanta tacliin sare dhammaysatay. In kasta oo dadku yar saluugaan tayada, haddana tirada dadka jaamacado ka baxay maanta ayey ugu badantahay taariikhda Soomaalida. Welise waxa aad mooddaa in aan aqoontii qiimeheedii la siin.

Bulshadu weli may gaadhin heer ay aqoon wax ku qiimayso. Haddii uu guri dhisanayo qofku xataa isma yidhaahdo yaa aqoon fiican u leh, iskabadaa masuul xil loo dhiibayo iyo wax ka sii weyn. Arrinta se aan u socdaa waxa weeye, dadku aqoonta jacayl badan uma hayaan. Xataa kuwa jaamacadaha ka baxay ayaa astaantan leh. Xilligan jaamacadaha waxa loo galaa qayrkaa ha ka hadhin. Dhallinyartuna waxay u badanyihiin kuwo shahaadada koowaad ee jaamacadda dirqi iyo daalaa-dhac ku dhammeeya.

Aqoonta sii wadisteedu badankooda qorshaha uguma jirto. In dadku takhasus iyo digtoora gaadhaan aad uma daneeyaan. Cilmi baadhis, akhris badan, iyo qoraal isaguna ajendaha kuma jiro. Ujeeddada ugu weyni waa ku bariisee iyo wax ku cun. Dadka goobaha wax barashada ka hawl gala ayaad marar badan is odhanaysaa xataa ehel uma aha. Waa kuwii ay ahayd in ay noloshooda u hibeeyaan aqoon iyo waxbaris.

Qofka ay dhallinyartu arkaan in uu aad ugu mashquulsanyahay aqoon, ka salgaadhiddeedana jecelyahay way la yaabaan. Mar kasta waxa lagu yidhaa “war niyow intaasi kaa badane iska shaqayso”. Goorma ayeynu aqoontii ka maarranay? Ma innagaa aqoonba aragnay weli?

Miyeynaan rabin in aynu dunida la tartanno? Sowkuwa qayrkeen dhulka hoostiisa iyo dayaxaba ka warkeenay. Aqoonta ma cid kale ayaynu weligeen marti uga ahaan?

Habeen annaga oo gole asxaab ku sheekaysanayna, ayaa waxa la soo qaaday tallaalka carruurta. Rag asxaabta ah ayaa ku dooday in uu halis yahay oo bulshooyinka dalalka soo koraya lagu dabargoynayo. Carruur badan ayaa xannuuno ka qaaday ayaa la yidhi, Autism-ku ha ugu badnaadee. Rag kale ayaa yidhi arrinta ilaa aynu innagu xaqiijinno oo baadhno kama hor imaan karno, waayo carruurtu haddii aan la tallaalin cudurro badan ayey u nuglaanayaan oo tallaalku waa difaac.

Haddaba weydiinta meesha timid ayaa ahayd: innagu ma leenahay aqoontii aynu ku baadhi lahayn? Ma haysannaa tiknoolajiyaddii arrintaa innaga caawin lahayd? Tan oo keli ah ma ahee ma haysannaa tiknoolajiyad aynu ku hubinno tayada raashinka iyo daawooyinka la innoo keeno? Sow ma ogid in hay’adaheenna dawladda qaarkood ay dad shisheeye strategic plan u sameeyaan?

Sow ma ogid in la innagu dhaliilo in aynaan warbixin fiican qori karin oo dad shisheeye hay’aduhu shaqalaaysiistaan? Intee in le’eg oo innaga mid ah ayaa uu wax akhriskoodu joogto yahay? Immisa buug oo tayo leh ayeynu sannadkii soo saarnaa? Immisa ayeynu turjunnaa? Horta ummadan yaa u fekera? Yaa u indho ah oo u dhego ah? Yaa ceelalyo u ah? Yaa u soo sahamiya halka ay degi doonto mustaqbalka?

Nimanyahow haddii aynu runta isku sheegno jahli baahsan ayeynu dhex yuururnaa. Inteenna badani se warkaa ma hayno. Bulshada dhinac kasta oo aad eegtana jahliga ayaa hoggaaminaya. Aqoonta marwalba tixgelin lama siiyo oo waa la garbiyaa; hoos ayaa loo celiyaa oo arrimo ka liita ayaa la saaraysiiyaa. Dunidu aqoon iyo feker bay isku dhaaftay oo taa isaga warrami mayno. Innaga haddaba maxaa innoo nafa? Aqoonta maxaynu ku beddelanay oo kaga maarranay? Horta aqoonta maxaa innagu diray?

Facebook Comments