Qanjirda waa xubin soo daayo dheecanno jirka muhiim u ah, waxa ayna leeyihiin hab-dhis dhan oo loo yaqaano Hab-dhiska Qanjirada.Waxaa loo qeybiyaa qanjirada labo qeybood oo kale ah:

Qanjirada sida tooska ah u sameeyo hormoonnada kun daro wareegga dhiigga noocaan waxaa Afka qalaad loo yaqanaa “Endocrine Glands”

Noocaa labbaad waaa qanjirada sameeyo dhididka waxaana Afka qalaad lagu dhahaa “ Exocrine Glands”.

Haddaba Maxay Qanjirada Jirka U Qabtaan?

Qanjirada waxa ay soo daayaan hormoono maamula shucuurta qofka sida Xanaaqa, Farxadda, Murugada IWM.

Qanjirada waxa ay ka qeyb qaata koritaanka maskaxda iyo kuritaanka jirka. Waxa ay soo daayaan hormoono la sheeqaan Hab-dhiska Taranka.

Qanjirada waxa ay ka qeybtaan bur-burinta uu Beerka ku sameeyo cunnada. Waxa ay xukumaan Hormoonada uu soo daayo jirka.

Qanjirada waxay hormoonada ku daraan wareegga dhiiga si ay u gaariiyaan dhammaan jirka.
Qanjirada waxa ay ka qeyb qaataan sameynta difaaca jirka.
Waxa ay soo daayaan hormoonnada: Hurdada, Gaajada IWM.

Sidoo kale qanjirada waxaay soo daayaan hormoonada Dagaalka Iyo Daganaanta. Waxa ay soo daayaan dheecano ka qeyb qaato shiditaanka cunada waxaana qanjirakaas hoy u ah Beeryada. Qanjirada waxa ay soo daayaan hormoonnada: Qaan gaarka, Uurka, Caadada iyo Naas-nuujnta.

Qanjiada waxa ay ku yaallaan qeybo badan oo jirka kamid ah waxayna kale yihiin:
Maskaxda oo ay ku yaallaan sadax qanjir oo waaweyn.
Sidoo kale luqantana waxaa ku yaallo qanjir.

Meelaha kale ee ay qanjirada jirka ugu yaallaan waxaa kamid ah:

Sanbabada.
Killiyaha.
Beeryarada.
Ukxan sida ah.
Xaniinyaha.

Iyo meelo badan oo jirka kamid ah.

Facebook Comments