Dunida waxaa hadda ka jiro cudur safmareen ah oo saameyey caafimaadka dad ku kale nool daafaha caalamka,qaar ayaa la il daran daraada cudurka karoona fayrus, kuwa kalane god ayey u galeen. Halka inta soo hartayna lagu xukumay in ay guryahooda joogaan si ay caafimaadkooda iyo bulshadaba ay u badbaadiyaan.

Dalkeenna Soomaaliya waxa uu kamid dalalka uu saameyey Allah baanse baryeeyna in uu naga samata bixiyo.

Haddaba Waa Su’aalle Ma Jiraan Cudurdo Kale Oo Soo Maray Dunida oo ku noqday Safmareen?

Haa waa ay jiraan oo waliba aad ayey u badan yihiin waxaana kamid ah:

Kaduudiye waa cudur uu sababo fayrus waxa uuna ku gudbaa qaniinyada kaneecada,calaamadaha ugu caansan ee lagu garto cudurkaan waa qandho iyo kale goysyo xanuun.

Daacuun waa cudur halis cilmi baarayaasha waxa ay sheegeen in 1.3_ 4.0 milyan oo dad ah in ay sanad waliba u dhintaan.

Ebolla waa cudur billowgiisa hore ka dilaacay Afrika waana cudur dilaa ah, dunidan waxa uu ku noqday safmareen.Calaamdaha ugu caansan ee cudurkaan lagu garto waa qandho iyo qofka oo Afka iyo Sanka dhiigg ka keenno.

Caabuqa ku dhaca dahaarka maskaxda ee dadkeenna u yaqaanaan maskax garaad, waxa uu kamid yahay cudurda safmareenka ee dunida soo maray, waxaana sababo Bakteeriyo,Calaamadaha ugu caansan ee cudurkaan lagu garto waxaa kamid luqunta oo qof taagmato, Qandho aad u daran, Madax xanuun,Matagg iyo isku dhex yaac.

Saaris waa cudur soo booda ah oo ku dhaca neef mareenka, sanadkii ugu horeyey ee la arko cudurkaan waxa ay aheyd 2003dii waxaana lagu arkay Dalka Shiinaha, Calaamadaha cudurkaan ugu caanan ee lagu garan karo waxaa kamid ah:

  • Madax xanuun.
  • Jir xanuun.
  • Shuban.
  • Qufac qalalan iyo
  • Oofta ama kol ba’aariyo.

Cudurka Furaqa waxa uu kamid ahaa cudurada safmareenka ee dunida soo maray, waana cudur gabi ahaanba laga ciribtiray dunida.Calaamadaha cudurkaan ugu caansan ee lagu arkay dadka waxa ay ahayeen: Nabro jirka kasoo yaaco, Madax xanuun aad u daran, shuban,dhabar xanuun.

Halkaan kuma soo koobi karo dhammaan cudurada safmareenka ee dunida soo maray balse intaan waxa ay kamid yihiin cuduradii ugu caansanaa ee dunida Safmareen ku noqday

Facebook Comments