Ma ogtahay safarka in uu leeyahay faa’iido badan,Bulshadeenna waxa ay ku maahmaahdaa “ Nin aan dhul marin dhaayo ma leh”. Aqrista waligaa ma safartay? Inkastoo safarka uu leeyahay dhib iyo daal badan haddana waxaa ku jirto faa’iido badan.

Dadka qaar marka ay safraayaan waxaa is badalo guud ahaan shucuurtooda waxa ayna dareemaan cabsi mararka qaarna waxaaba ku dhaco calool xanuun la xariirto isbadalka shucuurtooda,halka kuwa kalena cunnada ay ka soomaan.

Haddaba Kaallay Aan Isla Ogaana Faa’iidooyinka Laga Dhaxlo Safarka.

Safarka wax-yaallaha laga dhexlo waxaa kamid ah:

Waxa uu xoojiyaa kalsoonida qofka.

Waxaad ku baranaysaa wax-yaallaha cusub sida, Dhul, Dhaqan iyo Bulsho.

Waxaa uu kobciyaa garaadka qofka.
Waxa uuna yareeyaa welwalka.

Safarka waxa uu soo saaraa dabeecadaha qofka ku qarsoon ee uusan iska aqoon. 
Safarka Waxa uu xoojiyaa xasuusta maskaxda.
Waxa uuna kor u qaaddaa caafimaadka shaqsiga.Sidoo kale
Waxa uu kobciyaa hab la dhaqanka bulshada.
Safarka Waxa uu xoojiyaa farxada qofka.sidoo kale
Waxaa uu kobciyaa aqoonta.
Waxa uu qofka siiya dhiiranaan.
Sidoo kale safarka waxa uu kobciyaa hal abuurka qofka.
Safarka waxa uu ka qeyb qaataa in aad barato luuqadda looga hadlo meesha aad u safartay.

Waxaa wanaagsan qofka ugu yaraan sanadki in uu hal mar safro haddii ay u suurta gali karto,sababtoo waxa aad u bbaahan tahay in aad jawiga badalato, si ay u sii qurxoonaanto noloshaada.

Facebook Comments