Waligaa ma maqashay hebel waxa uu noqday hor iyo gadaal (shuban iyo matag), Adiga makugu dhacday intaad cunno cuntey in aad isku aragto shuban iyo matag xad dhaaf. Inta badan way dhacdaa oo waan aragnaa.

Haddaba Aqristow Maxaa Sababo In Cunnada Lagu Sumoobo?

Cunno sumoobida waxaa xaalad halis haddii uu qofka sida ugu dhaqsiyaha badan aan loo caawin waxa ay keentaa in qofka uu miir daboolmo.mararka qaarna waxaa lagu xalin karaa guriga haddii la siinaayo qofka biyo badan.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto In Cunnaa Lagu Sumoobay?

 Haddii an ku araggno calaamadahaan soo socdo qofka marka uu cunteyo ka dib waxa ay cadeyn u yihiin in uu qofka ku sumoobay cunnada.
Calaamadaha waxa ay kale yihiin:
Lalabo iyo matag.
Shuban aad u badan.
Calool majiir.
Qandho aad u daran.
Jir xanuun iyo
Jareys badan.

Sidee Ayaan Cunno Ugu Soobi Karna?

In aad cunno cunto aan si wanaagsan loo karkarin.
In aan cunno Cunto aan si wanaagsan loo keydin,sida marka aan doolsho soo gadano ood ku keydsano meel aan hawo lahayn, oon cunno asago is badal ka muuqdo.
In aan cabno caanno waqti badan yaallay. Tusaalle in aad cabnno caanno Geell yaallay 3 bari, Dadkeenna Soomaaliyeed waxa ay dhahaan caanaha geello ma halaabaan. Ogow haddii ay waqti badan yaallan waxaa ku dhasho bakteeriyo.

Wax-yaallaha keeno in cunooyinka lagu sumoobo, Waxay tahay inay jaanis u heleen in ay ku dhex noolaadan cunnada  cayayaanka ilma aragtada ah sida Bakteeriyo, Fayrus iyo Gooryaano. taasoo sababta in uu qofka ku sumoobo marka uu cunada cunno ka dib.
Sidoo kale wax-yaallaha sababo sumoobida cunnada waxaa kamid ah in aad cunto cunno aad xasaasiyad ku qabto.

Sidee Looga Hortaggi karaa ln Cunno Lagu Sumoobo?

Mar waliba nadiifi gacmahaada, Bulshadeenna Muslimiinta waa ay ku amaanan yihiin nadaafada.
Sii fiican uga taxadar marka aad cunneyso cunnada baakadeysan oo hubi waqtiga ay dhacayso cunnada.
Marka aad cunno keyd sanayso ku keydso heelka kulka 5C° ah.
Waxaa wanaagsan inaad ka fogaato cunnada aad xasaasiyada ku tahay marba haddii aad oggaato.
Waxaa wanaagsan in aad ka fogaabto cabista iyo cunista cunooyinka waqti badan yaallay.

F.G:

Haddii aad aragto qof ku sumoobo cunno waxaa habboon  in aad siiso biyo badan,si uu qofka jirkiisa u helo  badal, Sababtoo ah qofka marka uu fuuq baxo waxaa lumo macdanta jirkiisa, marka waxaa wanaagsan in qofka la siiyo cabitaano badan sida liinta ama Ooaaris.

Ogow haddii aadan heysan Ooaaris waxaad ku sameysan kartaa gurigaaga adiga oo  waliba biyaha caadiga ku daraayo sonkor iyo cusbo yar.

 

Facebook Comments