Waa maqaal falanqaynaya sababta uu Islaamku saamiga dhaxalka hablaha uga yareeyay saamiga ragga. 

“لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنْثَيَيْنِ” (سورة النساء: ١١).

Maxaa ka jira in dhedignimadu ay dhaxalka naaqusiso?! Maxaa se ka fahansan tahay ayaadan kor ku xusan?! Dhowrkan mas’alo ila daraasee, deetana natiijada soo baxda aynu wada aragno:

Qof ayaa ka dhintay hanti dhan $12,000 iyo dhaxal-qaatayaal kala ah: wiil, hooyo, iyo wiil wiilki dhalay:

Hooyo: $2,000

Wiilka: $10,000

Wiilka wiilkiisa: $0

Mas’aladan waxaa ku jira laba wiil oo dhaxal qaatayaal ah, labada wiil mid wuu ka qaday dhaxalkii, mid na wax buu dhaxlay, sababtu waxay tahay maydka ayay u kala dhow yihiin. Halkan dhawaansho ayaa lagu saleeya kala badinta dhaxalka ee laguma salayn dhedig iyo lab midna, maxaa yeelay hooyada oo dhedig ah ayaa mas’aladan wax dhaxlaysa.

Qof ayaa ka dhintay hanti ah $12,000 iyo dhaxal-qaatayaal kala ah: Gabadh, aabe iyo hooyo:

Gabadha: $6,000

Hooyo: $2,000

Aabe: $4,000.

Qof ayaa ka dhintay hanti gaaraysa $12,000 iyo dhaxal-qaatayaal kala ah: hooyo, aabe iyo wiil:

Hooyo: $2,000

Aabe: $2,000

Wiil: $8,000

Mas’alada hore labadan mas’alo waxaa ku jira laba dhedig ah oo maydka u siman, hooyadii dhashay iyo gabadhii uu dhalay, waxaa se dhaxal badan gabadha, mas’alada labaad na waxaa ku jira laba lab ah oo maydka u siman waa aabihii maydka iyo wiilkiisii, wiilka ayaana dhaxal badan, sababtu na waxay tahay wiilka iyo gabdhu waa jiilka cusub oo mustaqbalka wajahaya una baahan taageero dhaqaale oo dheeri ah. Sidaas darteed halkaan kala badinta dhaxalka waxaa loo eegay jiilka dhaxal-qaataha ee looma eegin dhedid iyo lab mid na.

Qof ayaa ka dhintay hanti dhan $12,000 iyo dhaxal-qaatayaal kala ah: wiil iyo gabadh:

Wiilka: $8,000

Gabadha: $4,000.

Mas’aladan waxaa wax dhaxlay wiil iyo gabadh wada dhashay, labadu ba waa jiilka noloshu u cusub tahay oo taageerada dhaqaale u baahan, sidoo kale labadu na way u siman yihiin maydka, bal se waxaa dhaxal batay wiilka. Islaamka dhexdiisa, culayska dhaqaale ee wiilka saaran wuu ka badan yahay kan gabdha saaran, sidaas ayaana marka ay wiilka iyo gabadhu dhan walba ka sinaadeen wiilka loogu badiyay. Waa halka mar ee uu Islaamku kala badinta dhaxalka uu ku saleeyo jinsiga. Sida kuu muuqata na mas’aladu ma qusayso kala sarrayn iyo kala hoosayn ee waa mas’alo la xidhiidha waajibaadka dhaqaale ee labada jinsi kala saaran marka hore ba.

Waxaan filayaa in ay caddahay in dhaxalka Islaamka aysan ku jirin wax yasid dumar ah, sidoo kale waxaa cad in aysan jirin qaacido uu dhaxalka Islaamku ku dhisan yahay oo ah qaybinta iyo kala badinta saamiyada dhaxalka in jinsi un loo eego.

Marka dhaxal-qaatayaasha uu Islaamku u kala badinayo dhaxalka ma eego jinsiga oo qudha sida tusaalayaasha sare ku cad ee waxa uu eegaa arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

1- Sida ay dhaxal-qaatayaashu ugu kala dhow yihiin maydka: Qofka maydka u dhow wuxuu ka dhaxal badanayaa kan ka fog. Sidoo kale gabadha maydka u dhow waxay ka dhaxal badnaan kartaa wiilka ay maydka ka xigto.

2- Had ba jiilka dhaxal qaataha nooca uu yahay: Wiilka maydku uu dhalay wuxuu ka dhaxal badanayaa aabaha maydka dhalay. Maxaa yeelay wiilku waa jiilka nolosha iyo mustaqbalka wajahaya, sidaas awgeedna wuxuu u baahan yahay dhaqaale ka badan kan uu u baahan yahay waalidka jiilkiisu uu sii galbanayo.

3- Culayska dhaqaale ee qofka saaran: Waa halka mar ee jinsiga la eegay oo gabdha iyo wiilka siman dhaxalka loo kala badiyay, sababtu na ma aha jinsiga uu qofku yahay ee mas’uuliyadda dhaqaale ee saaran ayaa la eegay, kala sarrayn iyo kala hoosayn mas’aladan waxba kama galin.

Qodobkan hoose si aan kuugu sii caddeeyo aan ku tusaaleeyo: Aabe ayaa ka dhintay hanti dhan $12,000 iyo wiil iyo gabadh qaangaadh ah. Wiilkii $8,000 ayuu qaatay, gabadhii na $4,000.

Labadu na bil kadib ayay guursadeen.

  • Wiilkii meher wuxuu u bixiyay: $4,000, halka uu afartii kale na uu reerka ku dhisay. Reerka markii uu dhisay dhaxalkii aabihi waxba kama hayo, biilka reerkana isagaa looga fadhiyaa.
  • Gabadhii na meher waxay u qaadatay $4,000, wax kharash ahna kama galin arooskeedii iyo dhismihii reerkeeda. Hadda waa xaas meel degan oo biilkeeda loo qabo waxay na haysataa $8,000 oo afarna ay aabeheed ka dhaxashay afar na ay meher u qaadatay.

Waad garan kartaa hadda sababta dhaxalka loogu kala badiyay in aanay la xidhiidhin kala sarrayn ee ay si toos ah ula xidhiidho culayska dhaqaale ee labadooda ku kala waajibay. Bal adba hade is-waydiiyoo labadooda haddii mid loo doodayo kee ayay kuula muuqan in loo doodo??!!

Ogow nusuus badan oo qur’aanka ku jirta ama xaadiista oo la qalloociyo hadal badanna la galiyo waa sidaas oo kale macnahooda iyo aragtida dhabta ah ee ay ku qotomaan marka aad ogaato wax mugdi ah imaan mayaan, laakiin marka ay aqoon-darro iyo shubhayn (aragti wareerin) ay iskugu kaa darsamaan waad wareerin, wax badanna way iskaga kaa qasmin.

Facebook Comments