Dhallinyaradu waa xoog, xeelad, xubin iyo xurmada bulsho waliba, qof waliba oo da’ah waxa uu soomaray marxaladdaan dhallinyaranimada, waana meesha ugu mudan ee uu qofku ugu xoogga badan yahay, ugu caafimaad badan yahay, ugu waqtiga fiican yahay, ugu nadiifsan yahay-dhanka qaladaadka iyo danbiga-, waa marxalad u bbaahan jihayn, qofka in lagu jiheeyo waxa mudan in uu waqti iyo xoogba uu ku bixiyo si’ey noloshiisa oo dhan u wanaagsanaato.

Taas oo kali ah maahane haddii qofka dhallinyarada ah uu toosnaado waxaa hagaagaya bulshada uu kamidka yahay- waxaa qasab ah in aan ogaanno dhallinyaradu in ey saameyn leeyihiin, bulshada waxa eykulleeyihiin saameyn xooggan- annaga ka Soomaali ahaan marumeysnin in hal qof uu bulsha dhan saameyn karo balse aan xasuusanno dadkaan si’aan u qirno saameynta shaqsi uu yeelan karo;- Sayid Maxamed C.lle Xasan- mawaxa uu ahaa qof dhallinyaranimo soomaray balse ogaa mas’uuliyadda saaran!! mise asaga oo weyn ayuu dhashay oo dhallinyaro iyo fudeedkeeda ma’uusan soomarin!!

Sidookale haddii aan fiirinno saxaabada Nabiga NNKH maxay u ahaayeen dad waxtar badan, waalaga yaabaa in aan isdhahno Nabiga NNKH ayaaba lanoolaa. Hayeh kasoosoco…  gumeysi diidkii Hindiga ahaa ee Gaandhi maxaa saaciday? Nelson Mandeella maxaa kadhigay ninkaas halyeeyga ah?

Maxaa Ku Qasba Dhallinyarada Soomaaliyeed In Ey Tik-Tok Qaabkaas U Isticmaalaan?

Waxaa jiro xogo shaac ah oo aan qarsoonayn, inta badanna aad ka maqleyso dhallinyarada isticmaasha aaladdaan, waxa ey ku andacoona yaan in halkaasi tahay meesha kaliya ee qofka Soomaaliga ah uu ku soo bandhigi karo xirfaddiisa, hal-abuurkisa (Talent)!, gaar ahaan dhallinyarada! Waxaa isticmaasho dhallinyaro badan oo Soomaali ah qofka waxa uu kuyeelanayaa taageero, shacbiyad,Magac iyo caannimo-waxa aad isweydiineysaa qofka maxay utarayaan waxaasi??

Su’aashaan jawaabteeda masahlana oo waxa ey qaadan kartaa Maqaal dhan in aan kaga jawaabno, balse aan xoogaa qalinka ku xadno..caannimo aan cilmi lagugu baran balse caksigeeda lagugu bartay maxay adduunyada katartaa? Aaqirase xaggee ayay kugeyn kartaa? Su’aalahaan oo dhan muhiim u ma’ahan qofka tik-toogga magaca ka raadinaya, balse marki uu magac yeesho ama uu caan noqdo waxa uu helayaa seddexda natiijo ee hoos kuxusan:-

  1. In uu qofku dareemo in lajecelyahay: in ey jiraan dad jecel oo asaga usacaba tuma, Aadanaha dabeecaddiisa waxaa kamid ah in qof waliba uu jecel yahay in la’ixtiraamo, xitaa haddii uu tuug ama qaa’inul wadan yahay. Ufiirso halkaas meeqa siyaasi Soomaaliyeed oo da’ah aya raba in la’ixtiraamo lasharfo waliba iyaga oo qiyaamaya dadka ey kasugayaan ixtiraamka.

2. In tartan haasaawe loo soogalo qofka: marki uu qofku ku dhax yeesho magac aaladdaas tiktok waxaa u furmaya suuq tartan ah-dhanka haasaawaha, waxaa usoo tartamaya dhallinyarada halkaas kujirta oo dhan, qofki si magaciisa uu kor u sii aado waxa uu xulanayaa qofkale oo halkaasi caan ka’ah, sida dhacdayba oo ey isku guursadaan gabadha tiktook ugu caansan iyo wiilka ugu caansan, waxa eyna fursad u helayaan in arooskooda kayiga Soomaalida oo idil laga hadal jaayo!!!.

Ma’ogi in ey horay udhacday qof aan lacag badan heysan, madax ahayn, madaxweynana uu dhalin in arooskiisa raas kanbooni illaa iyo raas caseer laga maqlay- taasi waa ey sameeyeen reer tiktok sababtoo ah Soomaali oo dhan ayaa tiktoogga isticmaasho- haddii aadan adigu isticmaalin qof guriga katirsan ama aad daris tihiin ayaa isticmaala oo kaaga sheekeynaya waxa socda!!! Taasi miyaynan dhiirigalinayn dhallinyarada aan lahayn hal’abuur kale oo ey ku soo caanbaxaan?!

3. In qofku dhaqaale ku helo magaciisa: qodobkaan waa uu u hirgalay dhallinyarada qaarkood, inkastoo ey lanbar yar kayihiin (%1 ayaan dhihi karnaa), hadana waxaa jiro dhallinyaro marka hore kusoo caanbaxay tik-tok, kaddibna u soo wareegay dhanka iyo Yuutiyuubka-Youtube-, waxa ey isugu jiraan qaar ku soo caanbaxay; kaqoslinta dadka, shactarada, sameynta muuqaalada tiktoogga iyo jilliinka heesaha. Dhallinyaradaan waxa ey yuutiyuubka kasameysteen kannaalo, magacooda ayaana usaamaxay in ey fiirsadaan boqollaal kun oo qof. Taasi miyaynan dhiirigalinayn dhallinyarada ka da’da yar kuwa natiijadaan gaaray!

Qodobada aan kor ku soo xusnay waxa ey dhaliyeen in qaarbadan oo dhallinyara-deenna ah ey ku fakaraan Maxaan soo gudbiyaa si’aan caan u noqdo? Wax uun iisheeg? Wax allaale iyo wixi ey doonaan ha’ahaadaan? Taasina waxaa kadhashay Foolxumada iyo mucjisada tiik-togga kadhax jirta!!

Maxaa qasbay in ey aaladdaani noqoto halka meel oo kali ah ee u furan qofka dhallinyarada Soomaaliga ah in uu hibadiisa ku soo bandhigi karo?

  1. Waxaa doorkoodii gabay goobaha waxbarashada bixiya: haddii ey mideysnaan lahaayeen goobaha waxbarashada oo ey waqti iyo juhdi ku bixin lahaayeen sidi ey dhallinyarada u jihayn lahaayeen. Waxaa lagu jihayn karay tartamo heer qaran ah oo ey kaqeybgalayaan guud ahaan ardayda dalka, marba gobal lagu qabanayo (waliba jaamacadaha ayaa mudnaa in ey howshaas qabtaan ). Taasi waxa ey kadhigi lahayd in ey wax barashada ku mashquulaan si’uu qof waliba u hammiyo in uu asaga kuguuleysto koobkaas!

  2. Waxbarashada oo qiimo badan aan kalahayn dalkeenna: sababta aan sidaas u lleeyahay waxaa dareemi karo qof joogo gudaha dalka uun, dhallinyarada intooda badan waxbarasho ma’aysan helin, qaar tahriibkii ayaa waxbarashada dhaafsiiyay, qaarna inta ey waxsoo barteen ayay guryaha lafadhiyaan shaqo la’aan. Dhammaantood marki la’is wareystay waxaa caddaatay in mustaqbalkoodu isku mid yahay, oo waxaaba lagu jeejeesaa qofkii wax bartay oo lagu yiraa maxaad nadhaantaa hadda oo qasaaro ahayn!! Qofkii dadaala ee waxbarta ee shaqo raadsada marnaba mahelo shaqo ku habboon!! Waxbarashadaas yaa jeclaanaya markaa??

  3. Shaqo la’aanta: majiro kambani ama shirkad siisa dhallinyarada fursad ey ku soo bandhigaan hal’abuurka! Xitaa hadii aad shaqo hesho waa mid aan kuu saamaxayn in aad hal abuurimadaada lasoo baxdo, waa mid kugu qasbeysa in shaqaalanimo oo dhan nacdid, sidaas oo ey tahay maba heleysid shaqo!!

  4. Hal’abuurka dhallinyarada oo u guuray hal dhinac: waa dhinaca la’isku yiraahdo fanka iyo suugaanta (balse asaga xitaa waa lagu tuntay oo xaqiisii ayay dayaceen dhallinyaradu), dhallinyaradeenna 90% waxa ey ku soocaan baxaan sanadkaan waa jilliinka heesaha, isqaawinta,shactaraynta iyo isdabaliska.

  5. Howsha tiktoogga laga qabto oo ah mid aynaan kaaga baxayn wax juhdi ah: hhh haddii dhallinyarada wax ku soo gudbiso dhankooda aan u fiirinno waxa ey nadhihi lahaayeen juhdi badan ayaan ku bixinnaa si’aan wax u soo duubno, juhdigaasna waxaa kamid ah (xulashada dharka, isqurxinta, barashada heesta aad duubeyso, muuqaalka qaabka aad u duubi lahayd iyo kasii badan) yaalkadeedse taasi ma’ahan juhdigii noloshaan naga mudnayd!! Bucaad cidlaa ayaan qoorsagaaro kuheynaa inta aan tik-toogga juhdigaas ku bixineyno!

Yaalloo Baahanyahay In Ey Wax Kabadalaan?

Dhallinyaradu waxa ey ka dayacmeen qoysaskooda kaliya maahan balse waa isirka Soomaaliga ah, annaga oo dhan ayay naga dayacmeen, dhibtaas dhacday wey nawada gaartay, arrinkaas waxaa lagu xallin karaa oo kali ah In loowada kaco, guud ahaan in bulshadu u wada kacdo, kabillaaw dowlad, culimo, waxbarasho, waalidiin, Abwaanno, Qalinleyda iyo guud ahaan qeybaha mujtamaca uu kakoobanyahay. Xaqiiqdii waa laxallin karaa dhibka halkaas naga soo gaaray bulsho ahaan balse waa haddii aan u helno halyeeyo dhiirran!

Intaas ayaan ku simayaa, qoraalku waa aragti shaqsiyadeed balse katurjumaayo dhallinyarada tik-toogga, iigu cudur daara qaladaad keyga, iguna caawiya sixitaankiinna.

Mahadsanidiin

Facebook Comments