Cidiyaha waxa ay qurxiyaan muuqaalka faraha,waxayna ka illaaliyaan jugta. Cidaya waxa ay kamid yihiin xubanaha jirka ee uu san soo gaarin wareegga dhiigga ee loo yaqaano nudaayasha dhintay “Death Tissue”, taasina waa sababta aadan u dareemin xanuun marka aad cidiyaha iska jareyso.

Waxaa jiro cuduro badan oo ku dhaca cidiyaha, qaarkood waa lagu dhashaa kuwa kalena qofka asga oo weyn ayey ku dhacdaa. Haddaba kaallay aan isla oggaanee Cuduradaan.

Cudurda Ku Dhaca Cidiyaha Waxaa Kamid Ah:

Cidida oo ay ku sameysmato xariiq kale baro cididada, taasoo muqaalka xariiqa uu u muuqdo mid saameyey caafimaadka cidida.Waxaana sababo xariiqaan:

Cudurada ku dhaco xidida wadnaha.
kolba’aariyada ama oofta hadba saa u taqaano.
Cudurka Macaanka oo aan la lala tacaalin.

Waxaa ugu caansan cudurada ku dhaco cidiyaha cudurada ay sababaan fangaayga. Calaamadaha lagu gartana waxaa kamid ah:

Cidida oo adkaato.
Midabka cidida oo is badasho.
mad madow lagu arko cidiyaha.
Burbur ku imaado qaab dhismeedka cidida.
Cidida oo Ur yeelato.

Yaa Halis Ugu Jira Cudurada ku dhaco Cidiyaha?

Dadka uu yar yahay wareeggo dhiigooda.
Dhaawac soo gaaro cidiyaha.
Dadka ku socda kabo la’aanta meelaha adagg.
Dadka qabo cudurka Macaanka.
Dadka dhidid kooda badan yahay.

Sidee Ayaa Looga Hortaggi karaa Cudurada Ku Dhaco Cidiyaha?

Mar waliba qalaji gacmaada haddii aad tahay dadka dhididka badan.
Ka taxadar in aad ku socoto meelaha adagg kabo la’aan.
Ha dhayalsan haddii dhaawac kaa gaaro cidida.

Mahadsanid

Facebook Comments