Cudurada aan faafin ama aan la’isqaadsiin karin waa kuwa aan awood ulahayn, in qofka qaba ey uga gudbaan qof kale. Waa cudur aan u kala gudbi karin dadka. Waxa eyna ubadan yihiin cudurada aan laga bogsoon ama nolosha laxiriira (Chronic Disease).

Cuduradaan waa ey noocyo badan yihiin waxaana kamid ah nuucyada ugu badan ee dalkeenna kajira :- Dhiig-karka, Wadno xanuunka, Kansarka, Macaanka, Cudurada Killiyaha. Nuucyada aan dalkeenna kajirinna waxaa kamid ah: Cudurka Parkinson’s-Kuma badno waddankeenna ama waxa aanba dhihi karnaa lagamaba helo-, Lafo bur burka, iyo cudurka Alzheimer’s-ka.

Yaa U Nugul Cuduradaan:

1.Qofka aan jimicsi sameyn.  

2.qofka quuta cunno aan dheelitirnayn.

3.qofka qaata duxda badan gaar ahaan duxda aan u fiicnan caafimaadka.

4.Dadka Muqaa daraadka isticmaala.

5.qofka cayilan.

Hey’adda caafimaadka Adduunka (WHO) waxa ey sheegtay in Soomaaliya 32% ay dadkeedu u dhintaan cudurada aan la’isqaadsiin, xaqiiqdii waa tiro aad ubadan,

Hadaba Maxay Tahay Sababta ugu Badan ee Keenta Cuduradaan?

Marki lafiiriyo bulshadeenna Soomaaliyeed waa dad leh dhaqan cunno oo gooni ah, balse dhaqankaas oo xilli hore soo billaawday waxa uu ahaa mid faa’iido u leh dadki waagaas noolaa balse hadda Maya?! Sabab? Dhaqanka cunto ee reer guuraagu lahaayeen waxa uu ahaa mid caafimaad leh tusaale haddii ey reerku neef cayilan qashaan kuna cunaan muddo seddex casho ah, wax dhibaato caafimaad darro ah kama soogaari jirin reerka sababtoo ah waxa ey ahaayeen dad socda, dad maantay oo idil taagan oo shaqo diyaar u ah, dad socanayo masaafooyin aad u fog fog, taasi waxa ey fududeyneysay in jirka uu shidaal ahaan u isticmaalo wixi dux ahaa ee lagu shubay.

Balse maantay marki ey reerku soo iib sadaan hilib dufan leh todobaadkii labo jeer ama hal jeer, qofkiina uu yahay qof aan socan macnaha aanba lugayn maalintii, ee uu yahay mid gaari uraaca shaqada, shaqada marki uu tagana xafiiskiisa fadhiista marki uu kasoo noqdana gaari soo raaca intaa kaddibna guriga ku nasta. Waxa jirkeenna ku aruurayo dux (Cholesterol) taas oo ah billowga caafimaad –darrada nolosha Aadanaha!

Dhaqan cunneedka aan leennahay waxa uu kasoo guuray Miiga waxa uuna usoo guuray Magaalada, wixi aan miiga ku cuni jirnay ayaan magaaladana ku cunnaa, ujeedkeygu ma’ahan in cunnada aan heysanno aan kaguurno, balse qaabka aan wax u cunno in aan baddalno, Tusaale:- in aan kafakarno cunnada aan cuneyno waxa ey jirkeenna kusoo kordhineyso sida; borotiin, tamar, fitimiin iyo duxba.

Sidookale waa muhiim in aan kafakarno xaddiga dufanta ee aan cuneyno!, miiga marki aan joognay kama fakirayn xaddiga duxda ee aan cuni jirnay. Cusbada, Macaanka iyo Duxda aan xadka lahayn oo lacunaa waa musiibada koowaad ee sababta cudurada loo yaqaan dilaaga aamusan oo ah cudurro aanan la’is qaad siin (Non-Communicable Disease).  Bulshadeenna intabadan kuma dadaalno jimicsiga taasina waa qodobkale oo dhalin kara dillaacista cuduradaan.

Ugu danbeyn waxaa kale oo aan usababayn karnaa waa Muqaaddaraadka, iskama wareysanyno saameynta uu caafimaadka bulshada kulleeyahay qaadku. Waxaana kaaga siidran inta isticmaasha muqaadaraadkaan waxa ey saameyn caafimaad ugeystaan deegaanka iyo inta kunnoolba.

DHAMAAD!

F.G: Haddii aadan wax badan kafahmin iigu cudur daar, Haddii aad wax uun kafahantay waa Alle mahaddii.

Tixraaca:

  1. https://en.wikipedia.org/wiki/Non-communicable_disease.
  2. https://bmcpublichealth.biomedcentral.com/articles/10.1186/s12889-019-7101.
  3. https://www.youtube.com/watch?v=dqMxDNW2U_U.
Facebook Comments