Waxa aan kahadleynaa cudur ku dhaco maqaarka Aadanaha oo afka qalaad lagu yiraahdo (Albinism), kaas oo ah in qofku uu ku dhasho  maqaar gooni ah (Casaan ah), timaha illaa iyo jirka aadanaha dhanna waa uu kamuuqdaa.

Hadaba inta aan cinwaanka sharraxaaddiisa ugalin waxa aan isku dayay in aan eray bixin usameeyo cudurkaan, waxaana iisoo baxay (Cudurka Dhiinka-Albinism disease), sababtoo ah dhiin waa midab ka turjumaayo kalarka gaduudka ah. Sameynta eray bixin ma’ahan wax sahlan sidaas oo ey tahayna cinwaan waliba oo larabo in lagu qoro luqadda hooyo waxa uu ubbaahanyahay “Eray bixin”!.

Waa Maxay Cudurka Dhiinka (Albinism-ka)?

Cudurkaan waxa uu kamid yahay cudurada ku gudba dhaxalka (waalidiinta ayaa usoo gudbiya caruurtooda qaab dhaxal ahaan ah), iyada oo jirka ilmaha dhashay uu sanba lahayn ama ey ku yartahay maadada kalareysa maqaarkeenna ee afka qalaad lagu yiraahdo (Pigment melanin). Nuuca iyo xaddiga milaniin ee uu jirkeennu soo saaro waxa ey go’aamisaa kalarka maqaarkeenna, timaheenna iyo indhaheennaba.

Waalidiin Caadi Ah Madhali Karaan Ilmo Midab Dhiin Ah Leh (Albinisim ah)?

Haa, waliba waxaa la’arkaa qoys heysta hal ama laba canug oo cudurkaan qaba, guud ahaanna caruurta kale ey fiicanyihiin iyo waalidiintoodaba, balse aan ogaanno sababta uu ilmaha ku noqon karo midab dhiin.

Marka uu qofka Aadanaha ah abuurmayo waxa uu Alle SWT ugu talagalay in uu ka’abuurmo ugxanta Hooyada iyo shahwada Aabaha, (halkaas waxaa kujira cilmi aadanaha wax weyn utaray oo barashadiisa illaa iyo maantay wax cusub ku soo biiriyo dunidaan aanu kunnoolnahay waana cilmiga DNA-ga), sameysanka ilmaha waxa uu kabbillaabmaa hal unug oo kayimid labada dhinac ee waalidka ah.

Unugaas waxa uu wataa aqoonsi katurjumaayo waalidiinta, halkaa sifiican usoo fiiri….. maskaxdaada halkaan isugu keen waxbaan rabaa in aan isla fahanno….aqoonsiga kayimaada waalidiinta ee usoo gudba ilmaha waa mid taxane ah (Jiilba Jiil ah), waa mid la’isku dhiidhiibo oo kale tusaale Aabahaa ayaa kusiiyay qalin qaddiisu madowdahay waxa uuna kugu yiri qalinkaan hatuurin ee marwaliba uu kaa dhamaado qad cusub oo madow ah ku shubo, waxa kale ee uu kugu yiri udar-daaran caruurtaadana qalinkaan oo iyagana caruurtooda ha’usii dardaarmeen in ey qaddaas madow uun ku shubaan!! Qiyaas cunnugaada shanaad marki lamaraayo qalinkii oo dhowr gacan soomaray, nuuca qad ee uu hadda qoraayo!, Waxa ey ubadantahay in eynan ahayn qaddii Aabahaa kaaga dhintay! Kaba soo qaad qaddu in ey tahay hida side (DNA).

Taasi waa tusaale oo kali ah balse sababta uu cudurkaan kuyimaado waa  Cillad ku jirta mid ka mid ah hiddo-sidaha dhowrka ah ee soo-saara ama qaybiya melanin-ka. hiddo-wadaha cilladaysanna waxa uu uga soo gudbay ilmaha dhanka labada waalid, balse waalidiintu cudurkaan kama uunan muuqan maqaarkooda kaliya hidahooda ayuu ku qarsanaa.

Calaamadaha uu Goonida Layahay Cudurkaan:

Calaamadaha albinism-ka badanaa waxay ka muuqdaan maqaarka qofka, timaha iyo midabka indhaha, dadka cudurkaan qabana badanaa waa ey isku egyihiin waliba iyaga oo ksoo kala jeedo qaarado kala gaddisan. Dadka albinismku sidoo kale waxay u nugul yihiin waxyeelada qorraxda, sidaa darteed waxay halis ugu jiraan in uu ku dhaco kansarka maqaarka.

F.G: intabadan dadka cudurkaan ku dhasho maskaxdooda wax dhib ah kama jiro, sida dadka caadiga ah ayayna u noolyihiin ; waxbarasho, shaqo aqoon iyo hormarna Aadanaha ayay kala simanyihiin.

Sidookalena dhibta ugu badan waxa ey kaga timaadaa indhaha iyo maqaarka, taas oo keentay in dadka qaba cudurkaan loo tixgaliyo in ey naafo yihiin (Disability).

Adduunka Xaggee Ayuu Kaga Badanyahay Cudurkaan?

Xaaladdaan qof kasta waa ey ku dhici kartaa, laakiin adduunka waa uu ku kala badanyahay sida qiyaasaadka laga aqrisan karo. Wadamada ka hooseeya Sahara Afrika, albinism-ku wuxa uu ka saameeyaa 5000 ilaa 15,000 (kii kunba) hal qof oo kali ah, Yurub iyo Mareykanka, waxay ugu dhowdahay 1 qof in uu kasaameey 17,000 ilaa 20,000.

Facebook Comments