Haweenku waa furaha bulshada, waana wax soo saarka dabiiciga ah ee Alle ugu galadaystay adoomihiisa. Waxaa ii muuqatay inay tahay halka ay haweenayda muslimada ah ama Soomaaliyeed ay ka bilaabi karto horumarinta bulshadeena waana boos muhima.

Soomalidu waxay ku maah-maahdaa “ Haani gun bay katolontaa”

Ujeedkayga waxaan aaminsanahay horumarinta bulsho inay ka bilaabanto horumarin qoyseed, sababtoo ah bulshadu waa qoysas isu tagay, haddii aanay gabadha muslimada ahi u istaagin horumarinta iyo wax ka beddal ay kusamayso qoyskeeda, awood uma yeelanayso wax ka beddal iyo horumarin bulsheed, mana buuxinayso kaalinkii ay ku lahayd bulshadeeda.

Waxaa iswaydiin mudan siday haweenaydu uhorumarinkartaa qoyskeeda?

Ugu horayn guri yaa ku nool ama yaa la odhankaraa qoys?

Qoysku  waa lamaanayaasha macnahayga hooyada iyo aabaha iyo caruurtooda iyo  wixii qaraabada kula nool gurigooda laakiin asalku waa labada Waalid iyo ubadka. Hooyadu waa tan majaraha uhaysa qoyska, waa hagaha guriga, waxay qabataa howl aad u adag inaan helno bulsho dhankasta ka horumarsan.

Waxay ku xidhantahay inaan helno hooyo u istaagta howshaan ah soo saaritaanka caruur tarabiyaysan, Aabbe garankara in dalkiisu uu xaq ku leeyahay isla mar ahaantana guta waajibaadkiisa.

Hooyadu iyadoo gurigeeda joogta ayay haddana soo saarikarta jiil tayaysan, waxay bulshada ka horumarinaysaa gidaarka shishadiisa. Waa tii uu abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi lahaa:

 Ruuxaanad habinoo

Kolna aadan heesiyo

Hoobeey ku sabinoo

Hawshaada waayaa

Hanaqaadi maayee.

Ilmihii  waaya hooyo habta oo habaysa, kuna tarabiyaysa hab dhaqan toosan, ma noqonaayo ilmo hanaqaaday.

Qaabka bulsho wax looga beddelo Waa labo dhinac

  1. Horumar la’arko oo muuqata, badanka shaqadaan waxaa qabta ragga.
  2. Iyo mid laga saamaynayo gidaarka shishadiisa, waana udub dhexaadka ay bulshadu kataagan tahay, haddii aan dhaho waxay kaalinkeeda ka gudanaysaa gidaarka shishadiisa macneheedu ma aha in aanay awood ulahayn inay qabato shaqooyin kale laakiin ta ay bulshada uhayaan ayaanay jirin cidkaloo buuxin kartaa.

Waxay ina hor keeni kartaa da’yar, baraarugsan, aqoonyahano, awood hoggaamineedna leh, waa goorma? Waa marka aynu meesha ka saarno fikradahaan reer galbeed ee kusii baahaya bulshada dhexdeeda.

Waxaan soo qaadanayaa Maqaal uu qoray Dr – Mahdi Elmand, waa caalim udhashay dalka Marooko, waxa uu noolaa intii udhaxaysay 1933- 2014.

Waxaa uu yidhi isagoo ka hadlaya, hababka bulsho dhisan oo jirta loo dumin karo, dhulkana loola simi karo oo aan kasoo xigtay wuxuu ahaa sidaan.

Haddii aad damacdid inaad burburiso bulsho dhisan xadaaradeeda.  Xakamahana aad uqabatid  oo aad ka dhigtid, bulsho baa’ba, uma baahnid inaad adeegsato hubka wax gumaada ee nukliyeerka, kaliya waxaad ubaahantahay inaad xididada usiibto saddex wax .

  1. Qoyska
  2. Tayada waxbarashada
  3. Kaalinka hal doorka bulshadaas

Isaga oo faahfaahin ka bixinaya sidii loo fulin lahaa qorshayaashan ayaa waxa uu yidhi:

  1. Si aad udumiso qoyska, meesha kasaar xallinta ay hooyadu ku leedahay barbaarinta ubadka, si ay taasi kuugu suura gasho bulshadaa usheeg, sinaanshaha ragga iyo dumarka, ka hadal waxa Looyaqaan afka qalaad,{Chandar Planc}ama xuquuqda haweenka inay dumarku galaan meel walba oo ay raggu galaan, kana shaqeeyaan,taasi waxay keenaysaa inay hooyadu ka faanto joogi taanka guriga, isla mar ahaantaas waxaa dayacmaya jiil kamida bulshadaas. Waxaana meesha ka baxaya barbaarintii ubadka , waxaa soo baxaysa caruur bilaa tarabiyadda iyo qoys iska dhaaf inay wax soo kordhiyaan bulshada inteeda kale fasahaadinaya.

Waa run bulsho la burburiyay kaalinkii ay hooyadu kulahayd, qoyska ayna dayacantay tarabiyadii awlaadeedu, waa bulsho laga adkaaday dhan waliba.

Inaan helno bulsho horumarsan, lana jaan qaadi karta caalamka, waxay ubaahantahay in aan hagaagsanaano fahansanaano oo garano in cadaw lagu yahay jiritaankeena isla mar ahaantaana usoo saarno bulshadeena caruur tarabiyaysan oo aan soo dhisnay xoogga saarno hagaajinta qoyska iyo bulshada , noqon karana hoggaamiyayaasha beri, kana digtoonaano afkaartaas, markaasaan ka qayb qaadan karnaa, horumarinta bulshadeena.

  1. Tayada waxbarashada, waxyaalaha ugu muhiimsan ee bulsho laga liido waa dhanka waxbarashada. Haddii waddanku burburo, waxaa meesha ka baxaysa tayada waxbarashada, waxaa yaraanaya cilmibaarista iyo wax soo saarka dalka. Waxayna taasi sababaysaa in ay soo baxdo bulsho waxbartay, haddana aqoon waxay barteen.

  2. Haldoorka bulshada. Reer galbeedka iyo dadka faafiya diimaha, waxay bulshada ka abaaraan qeybaha bulshada ee firfircoon, kuwaas oo ay u arkaan in ay yihiin waddada keliya ee hadafkooda ku meel marin karaan. Waxay usoojeediyaan mowduucyo xasaasiya, iyagoo ubalan qaadaya in ay ka taageeri doonaan dhaqaalaha ku baxaya waxaas IWM.

Waxayna taasi noqotaa waddada ay ku burburshaan bulshada iyagoo ka faa’idaysanaya bulshada iyo qeybaheeda kala duwan. Haddii lagaa soo galo qoyska, waxbarashada iyo iyo haldoorka waxaa wiiqmaya awooda bulshada, waxaana halkaas lagu baabi’in karaa waddanka.

 

Facebook Comments