Noolaha Alle uumay waxay leeyihiin dhiig, haddana kala duwan dhiigooda. Waxaa jira afar dhiig oo caalamka laga aqoonsan yahay in uu jiro, waxayna kala yihiin: A, B, O, and AB. Waxaa jira kuwa ka fircama afartaas qeybood ee dhiiggu ka kooban yahay.

Waxyaalaha aan ka hadlayno ma ahan in 100% sax yihiin balse waa cilmibaaris la sameeyay, laguna sameeyay dad badan oo caalamka ku nool. Waana mid shakhsi walba ufuran in uu ku sameeyo baaritaan. Waxaan soo qaadanaynaa astaamaha lagu garto qofka leh dhiigga AB, wuxuu ku wanaagsanyahay, waxyaalaha uu ku xunyahay, cunada nooca ku haboon, xanuunada uu unugul yahay, qaabka uu useexdo IWM.

Muxuu ku fiicanyahay ruuxa leh dhiigga AB

  1. Waa dad hal-abuur leh.
  2. Waa dad isbeddel badan.
  3. waa dad ku fiican diblomaasiyadda.
  4. Waa dad jecel in ay ahaadaan xoriyad, waxkastana loo madaxbaneeyo.
  5. Waa dad saaxiibtinimada ku wacan.
  6. Waa dad taxadar badan.
  7. Markii ay la macaamilayaan dadka, waa kuwo aad uga fiirsada heshiiskooda, IWM.
  8. Waa dad wixii loo dhiibo aad u ilaasha.
  9. Waa dad run badan.
  10. Waa dad farxaaniyiin ah oo qosol badan.

Dabeecadaha aan wanaagsanayn ee ay leeyihiin AB

  1. Waa dad aan la saadaali Karin daacadnimadooda, maadaama ay yihiin dad isbeddel badan.
  2. Waa dad xanaaqooda aan la dareemin.
  3. Waa dad wax walba unugul sida xanuunka, jacaylka, welwelka, IWM.
  4. Waa dad aan waxba cafin, mar walba waxay hadal hayaan wixii mar hore dhacay.
  5. Waa dad aan dhakhso jawaab laga helin.
  6. Waxaa inta badan ka soo baxa dadka labo wajiilaha ah.

Shaqada ku haboon dadka AB-da ah:

  1. Waxay ku fiicanyihiin hoggaaminta.
  2. Masraxyada.
  3. Diplomaasiyadda.
  4. Doodaha.
  5. Mala’awaalka.

Xanuunada ay unugulyihiin AB

  1. Waxay unugulyihiin kansarka ku dhaca beeryaraha ama ganaca.
  2. Waxaa ku dhaca xanuunada uurku jirta.

Cuntada nooca ku haboon

  1. Waxaa ku haboon sida la sheego caanaha iyo wixii laga dhanbaalo yacni laga sameeyo.
  2. Cuntada miraha ahna waa ku fiicanyihiin jirkooda.
  3. Shaaha waa dad jecel.

 

Facebook Comments