Noolaha Alle uumay waxay leeyihiin dhiig, haddana kala duwan dhiigooda. Waxaa jira afar dhiig oo caalamka laga aqoonsan yahay in uu jiro, waxayna kala yihiin: A, B, O, and AB. Waxaa jira kuwa ka fircama afartaas qeybood ee dhiiggu ka kooban yahay.

Waxyaalaha aan ka hadlayno ma ahan in 100% sax yihiin balse waa cilmibaaris la sameeyay, laguna sameeyay dad badan oo caalamka ku nool. Waana mid shakhsi walba ufuran in uu ku sameeyo baaritaan. Waxaan soo qaadanaynaa astaamaha lagu garto qofka leh dhiigga O, wuxuu ku wanaagsanyahay, waxyaalaha uu ku xunyahay, cunada nooca ku haboon, xanuunada uu unugul yahay, qaabka uu useexdo IWM.

Muxuu ku fiicanyahay ruuxa leh dhiigga O

  1. Waa dad kalsooni badan.
  2. Waa dad bulshaawi ah.
  3. Waa dad firfircoon oo galangal badan.
  4. Waa dad jecel in ay caan noqdaan, dadka ka dhex muuqdaan.
  5. Waa dad adkaysi badan oo wax walba u dulqaata.
  6. Waa dad muuqaalkoodu aad uwanaagsanyahay.
  7. Waa dad maareeya dhibaatooyinka soo wajaha.
  8. Waa dad nasiib wanaagsan.
  9. Waa dadka ugu hurdada badan.
  10. Waa dad meel walba ku gam’I kara, aanan jeclayn raaxada.
  11. Waxay ragga O-da ah guursadaan dumarka ugu quruxda badan, sababtoo ah waa dad isku wadikara inkabadan toban dumar ah. Waana dad shukaansi badan.
  12. Waa dad la dhaqan wanaagsan, bulshadana u dhimriya, waana dabeecad wanaagsanyihiin.
  13. Waa dad aan dabeecadooda la saadaalin Karin.
  14. Waa dad saaxiibo badan, qof walbana dabeecadiisa bay kula dhaqmaan.
  15. Waa dad ku wacan xiriirinta barnaamijyada, IWM.
  16. Waa dad adag oo howlkar ah.
  17. Waa dad qableh.
  18. Boqolkiiba waxay dadka ka yihiin 46%.
  19. Dhiigga O, waa bixiye guud.

Dabeecaddaha aan wanaagsanayn uu leeyahay qofka O-da ah

  1. Waa dad muran badan dadka dhiigoodu yahay O.
  2. Waa dad dhexdhexaad ah, haddii labo qof is haysta arkaan, ma dhahaan adaa khaldan, waa dhexdhexaad.
  3. Haddii shaqo utaal, waa dadka aan ka welwelin, waxayna qabtaan maalinta u dambaysa. Waxaa laga yaabaa shaqadii loogu talo galay asbuuc in uu ku qabto maalinta u dambaysa.

Shaqooyinka ku wacan qofka O-da ah

  1. Waxay ku fiicanyihiin xiriirinta xafladaha, barnaamijta gaarka ah iwm.
  2. Waxay ku fiicanyihiin suuqgaynta, waayo waa dad la dhaqmi kara malaayiin dad ah oo kala duwan.
  3. Waxay ku fiicanyihiin hoggaaminta dadka.
  4. Waa dad ku wacan xagga siyaasadda sababtoo ah waa dad jecel ismuujinta.

Cunada ku haboon qofka O-da ah

  1. Waa dad jecel hilibka, haddii cuno loo soo dhigo, waxa u horeeya ee cunayaan waa hilibka, waxayna halkaas ka matalaan dugaaga hilib cunka ah sida Libaaxa, dhurwaaga IWM.
  2. Waxayna aad u isticmaalaan waxyaalaha barotiinka leh, waana sababta ay uga soo baxaan dadka buurbuuran.

Xanuunada ku dhaca inta badan

  1. Waxaa ku badan xanuunada maqaarka ku dhaca.
  2. Waxaa ku badan xiiqda.
  3. Waxaa inta badan ka cowdaan lowyo xanuunka IWM.

Qaabka ay u seexdaan dadka O-da ah

Waxay u seexdaan labo hab:

  1. Jeego-jeego.
  2. Iyo dhinac dhinac.
Facebook Comments