Noolaha Alle uumay waxay leeyihiin dhiig, haddana kala duwan dhiigooda. Waxaa jira afar dhiig oo caalamka laga aqoonsan yahay in uu jiro, waxayna kala yihiin: A, B, O, and AB. Waxaa jira kuwa ka fircama afartaas qeybood ee dhiiggu ka kooban yahay.

Waxyaalaha aan ka hadlayno ma ahan in 100% sax yihiin balse waa cilmibaaris la sameeyay, laguna sameeyay dad badan oo caalamka ku nool. Waana mid shakhsi walba ufuran in uu ku sameeyo baaritaan. Waxaan soo qaadanaynaa astaamaha lagu garto qofka leh dhiigga B, wuxuu ku wanaagsanyahay, waxyaalaha uu ku xunyahay, cunada nooca ku haboon, xanuunada uu unugul yahay, qaabka uu useexdo IWM.

Muxuu ku fiicanyahay ruuxa leh dhiigga B

  1. Waa dad aad u dabeecad wanaagsan, qalbi furan.
  2. Waana dad dhaqankoodu aad uwanaagsanyahay.
  3. Waana dad wax hoggaamin kara balse waa 20% inta ku haboon sida la sheego.
  4. Waa dad farxad badan.
  5. Waa dad firfircoon.
  6. Waa dad naftooda keliya ka fikira.
  7. Waa dad aad u maarayn kara dhibaatooyinka soo wajaha, xalna uraadsha, wixii ku dhaca markaas.
  8. Waa dad jecel haddii ay wax go’aansadaan in ay gaadhaan isla markiiba, mana niyad jabaan wax walba oo soo wajaha.
  9. Waa dad inta badan xiiseeya wararka, madadaalada, dhacdooyinka IWM.
  10. Waxay dulqaad uleeyihiin in ay inbadan meel fadhiyaan.
  11. Waa dad ku fiican saaxiibtinimada.
  12. Waa dadka inta badan sharxa naftooda, ka faalooda, waxaan ahay ruux aqoon durugsan u leh shaqadaas, cilmiga IWM.
  13. Waxay mustaqbal lawadaagayaan nin ama naag qurux badan.
  14. Boqolkiiba waxay dadka adduunka ka yihiin 9%.
  15. Qofka dhiigga B, iyaga ayaa isasiin kara, waxaana siinkara oo kale dhiigga O, waa haddiise la waayo.

Maxay ku xun yihiin dadka leh dhiigga B-da ah

  1. Waa dadka aan waxba hubsan oo sal fudaydka leh.
  2. Waa dad xanaaq badan 90-ka, waa nerfas isagoo dhan.
  3. Waa dad ilow badan.
  4. Ma ahan dad dhinacyo badan waxka eega.
  5. Haddii xil loo dhiibo masuuliyad iskama saaraan.
  6. Waa dad wahsi badan, haddii shaqo utaal mar walba xoogaa qabtaan, ma ahan dadka howsha isdhaafsha.

Shaqada ay ku fiicanyihiin dadka B-da ah

  1. Waa dadka ku fiican cilmibaarista.
  2. Waa dadka ku fiican weriyanimada.
  3. Dembi baaritsa.
  4. Dadka cilmi nafsiga barta, waxa uu ka soo baxaa dadka B-da ah.

Cuntada nooca ku haboon

  1. Waxaa ku haboon sida la sheego caanaha iyo wixii laga dhanbaalo yacni laga sameeyo.
  2. Cuntada miraha ahna waa ku fiicanyihiin jirkooda.
  3. Shaaha waa dad jecel.
  4. Hilibka iskuma fiicna.

Xanuunada ku badan B-da

  1. Waxaa ku badan xanuunada maskaxda.
  2. Waxaa la sheegaa haddii la baaro toban qof oo waalan, 6 ama 7 qof oo kamida waa dadka waalwaalan.
  3. Waxaa ku badan ilowga waayo ilowga waxaa sababa waa xanuunada ku dhaca maskaxda.

Qaabka ay u seexdaan dadka B-da ah

Waxay u seexdaan qaab gedis ah, yacni beerka ayay dhigtaan.

Facebook Comments