Noolaha Alle uumay waxay leeyihiin dhiig, haddana kala duwan dhiigooda. Waxaa jira afar dhiig oo caalamka laga aqoonsan yahay in uu jiro, waxayna kala yihiin: A, B, O, and AB. Waxaa jira kuwa ka farcama afartaas qeybood ee dhiiggu ka kooban yahay.

Waxyaalaha aan ka hadlayno ma ahan in 100%  sax yihiin balse waa cilmibaaris la sameeyay, laguna sameeyay dad badan oo caalamka ku nool.

Waxaan soo qaadanaynaa astaamaha lagu garto qofka leh dhiigga A, wuxuu ku wanaagsanyahay, waxyaalaha uu ku xunyahay, cunada nooca ku haboon, xanuunada uu unugul yahay, qaabka uu u seexdo IWM.

Muxuu ku fiicanyahay ruuxa leh dhiigga A

  1. Waa dad ku fiican akhriska iyo qoraalka, waa dad inta badan wax qora, waxna akhriya. Waqtiyada ay leeyihiin jaaniska waxay 85% ku baxshaan in ay cilmi faa’idaan.
  2. Daawashada TV-yada aad bay uxiiseeyaan iyagoo ka hela barnaamijyada ila qosolka ah, riwaayadaha noocooda majaajilada ah, IWM.
  3. Waxay jecelyihiin in waqtigooda ku qaataan deegaanka dabiiciga ah sida buuraha, golaha ay biyuhu ka soo rogmadaan, xaaxiga badda, beeraha, webiyada IWM.
  4. Ma ahan dad waqtigooda isaga ciyaara, waa dad aan dhacdhac badnayn, waxaan shaqadooda ahayna maba galaan. Waxay jecelyihiin in aysan faraha lagalin waxaan qusayn, mana ku khaldamaan dadka.
  5. Waa dad jecel 80% xaragada, waxay aad uxiiseeyaan in ay xaragoodaan, isqurxiyaan, dhar nooca u dambeeya xirtaan.
  6. Waa dad aad u xishood badan, ma ahan dad wax walba isaga hadla, waa dhowrsoonyihiin, waana ka fiirsadaan waxay ku hadlayaan.
  7. Waxay inta badan ka werweraan shaqada utaal, ma seexdaan hadday utaal shaqo. Waxay ka fikirayaan sidee ku qaban kartaa? Talaabadee uwacan in aad qaado, ma ku guulaysan kartaa shaqadaas, IWM.
  8. Waa dad daryeel badan.
  9. Waa dad feejigan oo aan la gaadi Karin.
  10. Waa dad jecel in balanta oofiyaan, ma jecla balamaha, hadday galaana waa fuliyaan.
  11. Waxay cilmibaarisyo la sameeyay sheegaan in dadka dhiigoodu yahay A, ay yihiin dadka aadka u maskaxda badan, caqligooduna yahay mid aad ushaqeeya.
  12. Waxaa inta badan ka soo baxa dadka hoggaamiyayaasha ah. Walow ay jiraan kuwa iyaga lamida oo ka soo baxa sida O. Waa dadka ugu fiican ee xagga hoggaanka.
  13. Waa dadka adduunka ugu hurdada yar. Waxay ka seexdaan baa la dhahaa inyar waqtigooda, meel walbana ma ku gam’aan dadkaan, mana jecla in ay seexdaan meelaha buuqa badan, sharqantu ka baxayso, IWM.
  14. Waxay guursadaan baa la dhaha dadka dhiigoodu yahay A-da nin ama naag foolxun maadaama aysan dookh samayn.. Sababta aysan uhelin baa la dhahaa waa dad aan dhacdhac badnayn, hadday bartaan hal gabadh ah, taas ayay ku mitidaan.
  15. Haddii shaqo loo dhiibo, waa dad ka soo baxa 99%, waxayna iska saaraan masuuliyad.
  16. Waa dad ku wacan maaraynta waqtiga, shaqo walbana waxay ku qabtaan waqtigii loogu talo galay.
  17. Boqolay ahaan dadka adduunka ku nool waxaa la sheegaa in ay ka yihiin 42%.
  18. Qofka dhiigga A leh, isagaa isasiin  kara, waxaana siin kara oo kale O.

Dabeecaddaha aan wanaagsanayn uu leeyahay qofka A-da ah

  1. Waa dad aad ucaro badan, waxay dhibsadaan waxyaalaha yaryarka ah, waana dadka hadday xanaaqaan aan soojeesan ama ay ku qaadato waqti dheer.
  2. Waa dadka ugu welwelka badan.
  3. Kuwa balwada leh, waxaa la sheegaa in aysan seexan hurdo.
  4. Waa dad aan asxaab badan samaysan, waxay jecelyihiin in ay keli ahaadaan ama qof keliya la saaxiibaan.
  5. Waa dad aad uniyad jaba haddii howl ku guul daraystaan.

Cunada ku haboon qofka A-da ah

  1. Waxaa ku haboon in ay isticmaalaan khudrada.
  2. Waxaa ku haboon in ay cunaan hilibka cad sida kalluunka iyo digaaga.
  3. Ma jecla hilibka gaduudan sida kan xoolaha.
  4. Ma jecla caanaha balse waa iska cabaan.

Xanuunada unugulyahay qofka A-da ah

  1. Waxay daraasad la sameeyay sheegtaa in 75% dadka A-da ah ay ku dhacdo xanuunka Cansarka
  2. Waxaa ku badan xanuunada ku dhaca caloosha, waana dad unugul xanuunada.

Shaqada ku fiican dadka A-da ah

  1. Waxay ku fiicanyihiin xisaabaadka sida bangiyadda, xisaab xirka IWM.
  2. Waxay ku fiicanyihiin garyaqaanada.
  3. Waxay ku fiicanyihiin xagga ganacsiga.
  4. Waxay noqdaan dad qalin maal ah, waxaana ka soo baxa dadka qoraayada ah.

Qaabka ay useexdaan

Waxay u seexdaan qaab isdhaafsi ah, yacni waxay barkadaan gacantooda, midna madaxa ayuu saartaa, iyagoo soo laabaya lug.

Facebook Comments