Inta badan dadyowga ku nool daafaha caalamka waxa ay guryahooda ku xanaaneyaan xayawaano badan sida: Bishada,Digaaga Ayga IWM. Cudurada laga qaaddo xayawaanada waxa ay ku gudbi karaan qaab toos ah sida in ay ku soo gaaraan dheecanada xayawaanka ama wax ay ku gudbi karaan qaab aan toos aheyn, sida in aad taabato agabka uu wax ku cunnay xayawaanka xanuunsan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka cilmi baaris ay sameysay waxa ay ku sheegtay in sanadkiii ay la xanuunsadaan 1 bilyan oo qof cudurada laga qaado xayawaanada, halka si sanad la ah ay ugu dhintaan dad ay tiradooda gaareyso malaayiin qof.

Cudurada ugu caansan ee laga qaaddo xaywaanada waxaa kamid: Raabiyo oo laga qaaddo qaniinyada Eyga xanuunsan.sidoo kale waxaa kamid ah cudurka loo yaqaano Buruseela oo sababo in ay Hooyada uurka leh ay dhiciso, Cudurkaan waxaa laga qaaddaa Caanaha lo’da oo cayriinka ah iyo hilibka lo’da oo si wanaagsan aan loo karinin.

Sidoo kale waxaa kamid ah cudurka safmareenka ku ah adduunka ee malaayinta dad ah galaaftay noloshooda ee loo yaqaana karoona fayrus.

Cudurka Ebolla waxa uu kamid yahay cudurada laga qaaddo xayawaanada. Sidoo kale cudurada laga qaado xayawaanada waxaa kamid ah: Duumada, kaduudiyaha,Hergab doofaarka IWM.

Sidee Ayey Ku Faafaan Cuduradaan?

Hawada waa lagu kale qaaddi karaa.
Cunista hilibka xayawaanka xanuunsan.
Qaniinyda xaywaanka.
U dhawaashanha xaywaanka xanuusan.

Yaa Halis Ugu  Jiro Cuduradda Laga Qaaddo Xayaawanada?

Hooyada Uurka leh.
Dadka da’dooda ay ka weyn tahay 65 sanno.
Dadka qabo cudurka Aydhiska.
Dadka qabo kansarka.
Dadka uu difaacooda liito.

Sidee Ayaan Ugu Hortaggi Karnaa Cudurdaan?

Gacmaha in aan si joogta ah u dhaqanno.
Maro kaneeco in aan isticmaalno.
In ka fogaano u dhawaanshaha xaywaanada xanuunsan.
In aan iska illaali in aan cunno cunooyinka ay taabteen xayaawanada xanuunsan.
Caanaha lo’da in aan karkarinno watiga cabitaanka ka hor.

Facebook Comments