Waligaa ma maqashay heblaayo way dhashay oo waa ay waalatay?! Ma is weeydiisay hablaha qaar marka ay dhalaan maxay u waashaan? Aqriste kaallay aan isla oggaanee  Waalida Lagu  Arko Hooyada Marka Ay Dhasho Ka Dib ee  Afka qalaad loo yaqaano  (Puerperal Psychosis).

Hooyada marka ay dhasho waxaa ku dhaca isbadalo badan oo muqaal ahaan iyo maskax ahaanba saameya, maskaxda Hooyadana waxa ay soo deysaa hormoono badan oo aan horey loo soo deyn jirin.

Hooyada marka ay dhasho waxa ay u nuglaata wax-yaallo badan sida Waalida, Infekshannada, Niyad jabka IWM.

Calaamadaha Lagu Garto Cudurkaan Waxa Ayna Kale Yihiin:

  • Hooyada oo uu muqaalkeeda ka muuqdo niyad jab.
  • Hooyada oo lagu arko oohin xad dhaaf ah.
  • Hooyada oo canuggeeda diido ama ka cabsto!!
  • Hooyada oo qoyska iyo asxaabta iska gooni yeesho kaligeed.
  • Cunno xumo lagu arko Hooyada.
  • Hooyada oo mar waliba daalan.
  • Hooyada oo ay ka tagto hurdada .
  • Hooyada oo nacdo wax-yaallihii ay jecleyd,sida haddii aqriska jecleyd oo kale in ay nacdo.
  • Hooyada oo lagu arko xanaaq badan.
  • Hooyada oo wax-yeelleyso nafteeda ama canugeeda sida in canuggeedi yaraa in ay ceenjiso oo kale, ama ay sun cabto IWM.
  • Caafimaadka Hooyada oo hoos u dhaca ku imaado.
  • Hooyada oo rajo la’aan dareento ama inay tahay Hooyo xun.
  • Hooyada oo lagu arko isku dhex yaac.
  • Hooyada oo maqasho ama aragto wax-yaallo aaney arkeen dadka la joogo.

       Maxaa Sababo Cudurkaan?

Isbadalada hormoonada ku dhaco Hooyada marka ay dhasho ka dib waxa ay sababi karaan cudurkaan.

Hurda la’aanta badan ee ku dhacado Hooyada marka ay dhasho ka dib waxa ay  keeni kartaa kacsanaanta maskaxda iyo walwelka oo Hooyada ku siyaado, taaso sababi karto Hooyada in ay ku dhaco Cudurkaan.

Jug xoogg leh oo Hooyada ugu dhacdo madaxa.

Hooyadee Halis Ugu  Jirtaa  Cudurkaan?

Hooyada uu cannugga naaska ka diido welwalka ay ka welsho haddii uu aad u bato waxa ay halis ugu jiri kartaa cudurkaan in uu ku dhaco.

 Haddii uu xariirka qoyska uu xumaado, Hooyada waxa ay halis ugu jiri kartaa cudurkaan.

Dhaqaalaha yarida qoyska waxa ay ka qeyb qaaddan kartaa  in  Hooyada ku dhaco cudurkaan.

Hooyada oo caawinaad fiican helin xilliga umusha waxa ay halis ugu jiri kartaa in uu ku dhaco cudurkaan.

Sidee Looga Hortaggi Karaa Cudurkaan?

Hooyada in la siiyo caawinaad buuxdo, Bulshadeenna Soomaaliyeed waa ay ku ammaanan tahay in ay aad uga taxadaraan una caawiyaan gabdha marka ay dhasho.

Hooyada  in laga illaaliyo hadalada xanafta leh,  oo niyad jabka ku keeni karo.

In la waanaajiyo xariirka qoys oo qeyb lixaad leh ka qaaddan caafimaadka maskaxda Hooyada.

Guriga hooyada ay ku nooshahay in laga dhigo mid dagan oon buuq badneyn.


 

Facebook Comments