Kale-goys-yadda waxa ay isku xiran lafaha, waxa ayna ka qeyb qaataan dhaq-dhaqaaqa jirka. Mararka qaar waxaa ku dhaco caabuq guud ahaan kale- goys-yadda ama qaar kamid ah.

Caabuqa kale-goys-yadda inta badan waxaa lagu arkaa dadka da’dooda ay ka weyn tahay 6O sanno,waxaana u badan Dumarka marka loo eego Ragga,taas oo loo sababeeyo caadado oo ka go’ado, caadada waxaa ku jira hormoono ka qeyb qaato kor u qaadista caafimaadka lafaha iyo kale-goys-yadda. Mararka qaar caabuqaan waxaa lagu arkaa dhalintada ay da’dooda yartahay.

Maxaa Sababo Caabuqaan In Uu Ku Dhaco Dadka?

Wax-yaallaha ugu badan ee sababo waxa ay kale yihiin:

Dhaxal ahaan in kugu imaado.

Dhaawac soo gaaro kale-goys-yadda.

Infekshannada soo weeraro kale-goys-yadda.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Caabuqaan?

• Qofka oo xanuun ka dareemo kale-goys-yadda.
• Barar lagu arko kale-goys-yadda.
• Kale-goys-yadda qofka oo gaduuto.
• Qofka oo dhaq-dhaqaaq ay ku adkaato.

Yaa Halis Ugu Jiro Caabuqaan?

• Dadka da’doodu ay ka weyn tahay 60 sanno.
• Hooyada ku jirta xilliga caadada Og’a (Menopause).
• Haddii u qabo qof ka tirsan qoyska ama qaraabada, waxa aad halis ugu jiri kartaa in uu kugu dhaco caabuqaan,sababtoo ah waxa uu kamid yahay cudurada la kale dhaxlo.
• Dadka cayilkooda uu yahay xad dhaaf.
• Haddii uu jiro dhaawac hore ee ka gaaray kale-goys-yadda waxaad halis ugu jiri kartaa caabuqaan.

Sidee Ayaa Loo Daaweeyaa Caabuqaan?

Qof inan siinno daawoyinka kale ah:
 Xanuun baabi’yaal.
 Barar dajin.
 Jeermis diliyaal (Antibiotic).
Boomaatoyin kor u qaaddaayo caafimaadka kale-goys-yadda.
 Qaliin ayaa mararka qaar daaweynta kamid noqon karo.

Sidee Ayaan Looga Hortaggi Karaa Caabuqaan?

• Miisaanka culeeskaaga ku illaali inta u dhaxaysa 60_80kg.
• Iska illaali dhaawacyada soo gaari karo kale-goys-yaddaada.
Waxaa wanaagsan inaad badsato cunooyinka laga helo fitimiin D-ga,sida: Kalluunka,Ukunta iyo Beerka.
• Waxaa wanaagsan in aad laasimato jimicsi.

Mahadsanid

Facebook Comments