Waa maqaal ka hadlaya caqabadaha iyo culaysyada dawlad ka soo wajihi kara dayn qaadashada. Mashiinka dhaqaajiya dawlad waa dhaqaale, si ay dawladdu u qabato wajibaadka horyaal, bulshadeedana ay usiiso adeegyada ay u baahan yihiin waa in ay dhaqaale haysaa ay wax ku kala socodsiiso, dhaqaalaha ay dawladdu maamulayso ayaa sameeya eray-bixinada dawladnimada ku sidkan ee aynu had iyo jeer maqalno, sidda dakhli, kharaj iyo miisaaniyad.

Dhaqaaluhu wuxuu dawladda ku soo galaa habab kala duwan oo ay ugu horreeyaan canshuur qaadid, maalgalin, iyo dayn qaadasho.

Dayn qaadashadu waa hab kamid ah hababka ay dawladuhu dhaqaale ku helaan. Dayntu caadi ahaan waa dhaqaale aad u baahan tahay inaad cid kale ka amaahato si aad ugu qabsato baahi iyo dan markaas ku haysa oo aadan u hayn dhaqaale aad adigu leedahay oo aad baahidaada u isticmaasho. Dayn qaadashadu marka aan dhankaas ka eegno waa wax fiican, waana howl fududayn, maxaa yeelay haddii aysan dayn jirin qof (dawlad) walbana wuxuu ku khasbanaan lahaa in uu dhaqaalaha uu leeyahay un uu isticmaalo dad badan oo ay dayntu caawiso ayaa dhibane wax la’aan u noqon lahaa.

Dhan kale se marka aan ka eegno dayntu ma aha wax wanaagsan, dabcan dayn waxaa qaata qof ama dawlad baahan oo uusan dhaqaalaha ay markaas haysato ku filnayn baahiyaheeda, taas macnaheedu waxay tahay in mustaqbalka uu jiri doono xilli dawladaasi ay tabac aad u badan gali doonto iyada oo dhaqaalaheeda ka kordhinaysa baahiyaheeda si ay dib ugu gudo dayntii lagu lahaa. Haddii ay tabartaas yeelan waydana waxay galaysaa “dabin daymeed” (debt trap) ama waxaa fuulaya “culays daymeed” (debt burden).

Diblomaasiyadda deynta ayaa ah eray loo adeegsado dhaleeceynta siyaasadaha arrimaha dibedda ee dowladda Shiinaha. Dhaleecaynta ayaa sheegaysa in Shiinaha ay si ula kac ah u siiso amaah xad dhaaf ah ee wadamada Afrikaanka ah. Shuruudaha amaahda badanaa looma soo bandhigo dadweynaha lacagihii la amaahdayna waxaa badanaa loo isticmaalaa in lagu siiyo qandaraasleyaasha waddankii laga amaahday.

Nolosha casriga ah dawladaha dhaqaalaha xoogan leh iyo hay’ado gaar ah ba waxay baxshaan dayn ay dawladaha tabarta yar siiyaan, bal se dayntaas waxaa feer socda arrimo dhowr ah oo aan inta badan dalka dayn qaataha ah aan dan u ahayn:

1- qadarka lacageed ee daynta ay dawladdu qaadatay oo qudha soo celin maysee waxaa raacaya dul-saar badan, mar walba oo uu waqti kordhana sii kordhaysa.

2- had iyo jeer marka ay dawlad shaqo qabanayso qorshe ayay u dagsataa shaqadeedaas, bal se waxaa xaqiiqaa marka shaqada ay qabanayso ay ku fulayso dayn ay dawlado ama hay’ado kale bixiyeen qorshaha mashaariicdaas waxaa wax ka dhisayn gareeya dayn bixiyayaasha waana halka ay ka bilaabato faragalinta dhaqaale iyo tan siyaasadeed ee dawladdaha daynta qaata.

3- inta badan dawladaha daynta qaata waxay dhibane siyaasadeed iyo mid dhaqaale u noqdaan dawladaha daynta siiyay. Dayn bixiyayaashu waxay fara-galin ku sameeyaan arrimaha gudaha ee dalalka ay daynta siiyaan, waxay ku khasbaan in mashaariicda lacagtooda lagu fulinayo ay shirkadahoodu fuliyaan, iyagoo laba jeer saa ku faa’iida. Waxay siyaabo xun uga faa’iidaystaan baahiyaha iyo tabaryaraanta dalalka ay daynta siinayaan.

Halkaas ayaa waxaa ka dhasha khatar madax-banaanida iyo sharaftii dalka soo food saarta. Waa sababta ay maanta ugu jiraan ama halis ay ugu jiraan ugu yaraan 22 dawladood oo African ah mushkiladda “debt distress”.

4- waxaan ognahay dawlad walba in ay duruuf gaar ah ay la nooshahay marka ay daynta qaadanaysana ay doonayso baahiyo u gaar ah in ay ku xaliso, caqabada u wayn ee hay’adaha dayn bixiyayaasha ka soo wajahaysa waxay tahay in hay’adahaasi ay hal hannaan iyo shuruud cayiman ay dawladaha ay daynta siinayaan ku siiyaan, had iyo jeer na shuruuda ay ku xidhayaan iyo hannaanka dayn bixintooda ma aha mid tixgalinta koowaad siinaysa duruufaha gaarka ah ee dawladda daynta qaadanaysa ay la nooshahay iyo siddii ay dayntaani u samata bixin lahayd ee waxay tixgalinta koowaad siiyaan siddii ay dib ugu heli lahaayeen lacagta ay bixinayaan.

Halkaas ayaa waxaa mararka qaar ka dhasha is-waafaqsanaan la’aan ka dhex jirta hannaanka dayn bixiyaha uu dayntiisa u bixinayo iyo duruufaha dawladda daynta qaadanaysa, waana sababta keenta in dawlado badan ay xasarado hor leh iyo dhaqaalo xumo ka qaadaan daynta.

Dad badan waxay ku faraxsan yihiin dayn cafinta Soomaaliya loo samaynayo, waa sax waa arrin wanaagsan in lagu farxaana ay tahay in daynta la ina ka cafiyo, laakiin waxaysan dad badan ogayn in daynta oo la ina ka cafiyo ay xigi doonto inaan dayn qaadan karno, dawladeena oo sidaan u burbursan lacagtii soo gashaa na ay musuqmaasuq iyo dana shakhsiyadeed ku baxayso waad dareemi kartaa dhibaatada iyo culayska ay dayn cusub qaadashadeedu dalka ku keeni doonto.

Waxaa dhacaysa in dayn dalka ku magacaaban la qaato dayntaas na aan dalka wax loogu qaban, iyadoo ay jiraan culaysyadii iyo dhibaatooyinkii kale ee ay dayn qaadashadu lahayd, korna aan ku soo xusnay.

Waxaa hubaal ah dhaqaalaha daynta kugu soo gala in uu yahay dhaqaale aadan lahayn, mana aha dhaqaale aad ku tiirsanaan karto noloshaada. Cidda daynta kugu leh waxaad u nugushahay in le’eg inta aad u nugushahay cidda ku quudisa marka aadan quudkaaga heli karin.

Facebook Comments