Korona fayrus waa koox cudur-dhaliyayaal ah kuwaas oo khatar baahsan gaadhsiin kara nolosha dadka iyo xayaankaba isla markaana si fudud iskaga gudbi kara qaaradaha dunida. Haddaba, novel (new) korona fayrus ( 2019-nCoV) oo ah qayb hoosaad ka mid ah fayraskan isla markaana ah nooca maanta (2020) dunida khatarta baahsan ka gaystay (Pandemic disease) ayaa waxa markii u horraysay lagu arkay bukaan uu haleelay bishii December ee 2019 magaalada Wuhan ee dalka China.

In kasta oo aan si cad loo xaqiijin halka uu uga soo gudbay cudurku bukaankan (Mode of transmission) haddana waxa la aaminsan yahay in uu uga soo gudbay quudashada shimbiraha nooca loo yaqaan fiidmeerta (bats) oo uu fayraskani jidhkeeda ku jiro isaga oo aan wax dhibaato ah ku lahayn.

Cudurkan oo ah mid dunida ku cusub oo aan hore looga haynin wax xog ah ayaa noqday mid galaaftay nafo badan isla matrkaana hoos-u-dhac wayn ku keenay dhaqaalihii dunida, waxa uu xannibay isku isku socodkii dunida, waxa uu albaabada u laabay dhamaan ilihii ganacsi ee dunida.

Qayb hoosaadka fayruskaan 

Waxa ilaa hadda la diwaan-geliyay in uu fayraskani leeyahay 7 qaybood iyada oo lagu daray noocan cusub (2019-nCoV) ee maanta dunida oo dhan khatarta geliyay.

1.229E (alpha coronavirus)

  1. NL63 (alpha coronavirus)

3.OC43 (beta coronavirus)

  1. HKU1 (beta coronavirus)
  2. MERS-CoV (the beta coronavirus that causes Middle East Respiratory Syndrome, or MERS)
  3. SARS-CoV (the beta coronavirus that causes severe acute respiratory syndrome, or SARS)
  4. 2019 Novel Coronavirus (2019-nCoV)

Sida aanu ka soo xiganay ilo xog-ogaal ah waxa uu cudurkani iskaga gudbay oo uu wada gaadhay maanta (29.March.2020) 199 dal oo dunida daafaheeda ku yaal, tirade guud ee uu ku dhacay cudurku waxa ay maraysaa 664,192 qof (Coronavirus confirmed cases), tirada ilaa hadda u dhimatay cudurkani waxa ay gaadhay 30,888 qof (Deaths), halka tirada ka bogsatay ama ka caafimaadday cudurku ay tahay 142,364 (Recovered).

Haddii aynu si kale u dhigno tirada maanta uu hayo cudurku waxa ay maraysaa 490,940 qof (currently infected), 95% dadkaasi waa kuwo xaaladoodu fududahay lana rajaynayo in ay ka kacaan cudurka (In mild condition), halka 5% oo u dhiganta (25,207) oo qof ay tahay tahay xaaladoodu mid halis ah (Serious or critical cases).

Sidii aynu hore u soo xisnay in uu yahay cudurkani mid xawli ku faafaya oo wada gaadhay dunida inteeda badan 199 dal (199 countries), haddana waa ay ku kala duwan yihiin khatarta oo gaystay marka loo eego dalalkaas.

Shanta waddan ee uu saamaynta ugu badan ka gaystay waxa ugu horreeya dalka Maraykanka (USA) oo uu saameeyay 123,774 qof, kaalinta 2aad waxa ku jira dalka Talyaaniga (Italy) oo uu isna ka haleelay 92,472 qof, waxa darajada 3aad isna ku jira dalka China oo ah halkii uu cudurkani ka bilaabmay inkasta oo aan dalkaas hadda wax bukaan ah oo cusub laga diwan-gelin, haddana dadkii uu hore u saameeyay waxa ay tiradoodu gaadhay 81,439, dalka 4aad ee cudurkani saamaynta ba’an ka gayntay ayaa isna ah dalka Spain oo uu marayo 73,235 qof, kaalinta 5aad-na waxa ku jira dalka Germany oo uu ka haleelay 57,695 qof.

Haddii aynu u soo degno qaaraddan Afrika cudurku waxa uu soo gaadhay 46 dal, tirada bukaan ee rasmiga ah isla markaana ilaa hadda la xaqiijiyay waxa ay maraysaa 3,243 qof (confirmed cases), waxa u dhintay cudurka 83 qof, waxaana ka bogsaday ilaa hadda 254 qof.

Waddamada qaaradda Afrika ugu sarreeya cudurkan illaa iminka waxa ay kala yihiin dalka Algeria, Morocco, Burkina Faso, Ivory Coast, Ghana iyo dalka South Afrika.

Dhinaca kale dalalka ku yaala geeska Afrika haddii aynu soo qaadano xogtii u dambaysay ee laga qoray maanta (29.March.2020) waxa ay sheegaysaa in Dalka Ethiopia laga xaqiijiyay 16 qof, Dalka Kenya 31qof, Dalka Djibouti 11 qof , Dalka Eretria 6 qof, Dalka Uganda 14 qof iyo Dalka soomaaliya oo ilaa hadda la hayo 2 qof oo cudurkani soo ritay (Somaliland ilaa hadda ma jirto bukaan rasmi ah oo loo xaqiijiyay cudurkani in uu hayo).

Qaababka uu ku gudbo cudurkaani

Cudurkani waxa uu ku dhacaa oo xidhiidh la leeyahay hab-dhiska Neef-mareenka isla markaana waxa uu ku gudbi kara qaababkan hoose.

  1. Qufaca

2.Hindhisada iyo hawada tooska ah

  1. Taabashada tooska ah
  2. Quudashada hilibka iyo ukunta aan si fiican loo karin.

Astaamaha lagu arki karo bukaanka cudurku haayo 

Bukaanka cudurkani hayo waxa uu astaamo lagu garto ku muujin karaa mudo u dhaxaysa 10-14 cisho, balse mudadaas ka hor waxa uu gudbin karaa cudurka wakhtiga uu cudurku jidhkiisa ku jiro. Astaamha ugu muhiimsan ee cudurkani leeyahay waxa ka mid ah:

  1. Qandho sare
  2. Qufac joogto ah
  3. Hindhiso
  4. Hawo- qaadashada oo ku adkaata bukaanka.
  5. Neef-qabataw
  6. Kaliyaha oo shaqada joojiya
  7. Dhimasho.

Ka hortagga iyo ka feejignaanta cudurkaan

Inkasta oo aanu lahayn wax daawo ah noolaha keenay cudurkani, haddana waxa jira habab badan oo looga gaashaaman karo cudurkan khatartiisa caafimaad, waxaana ka mid ah tallaabooyinkan hoose:

  1. In la joojiyay isku socodka dalalka cudurkan laga xaqiiyay iyo kuwa fayaw
  2. Nadaafadda gacmaha oo aad loogu dedaalo
  3. Gacan qaadka dadka oo la joojiyo
  4. Afka iyo sanka oo la daboolo
  5. Meelaha saxmaddu ka jirto oo aan la fadhiisan.
  6. Ukunta iyo hillibka oo si fiican la iskaga kariyo.
  7. Dadka cudurku haleeyay oo la karantiimo.
  8. Waxa habboon in qof kastaaba sugnaado gudigiisa haddii aysan jirin wax daruuri ah oo ku khasbaya in uu suuqa iyo banaanka u baxo.

 

References

https://www.worldometers.info/coronavirus/

https://www.africanews.com/2020/03/27/coronavirus-in-africa-breakdown-of-infected-virus-free-countries/?fbclid=IwAR1SVk3AmzLA5_aB8dGlwl55yYCMP8f7Bem32Dm_7CmCXMi8aIqBqoDZBcA

https://edition.cnn.com/2020/03/23/asia/hong-kong-coronavirus-quarantine-intl-hnk/index.html

Facebook Comments