Qaadku waa nooc ka mid ah geedaha loo yaqaan “Catha Edulis Forks”.  Waa geed gaaban oo caleemo cagaaran leh, oo noqda geed weyn caleemaha curdunka iyo curubyada. Geedka qaadka ayaa loo takhsiintaa in laga helo saameyn firfircoon ama marqaan.

Geedkaan ayay aaminsanyihiin dadka cunaa in ay ka helaan firfircooni sidoo kalena ay isaga ilaashaan welwelka iyo fikirka badan. Balse sida ay uhaystaan ma ahan, waayo geedkaan waa geed daroogo ah, lana dagaalama waqtiga, caafimaadka, dhaqaalaha IWM.

Geedka qaadka ayaa inta badan Soomaaliya ka soo gala labo waddan oo kala ah Itoobiya iyo Kenya. Itoobiya waxaa ka yimaada qaadka loo yaqaan “Hareeri”, geedkaana waa geed ka saamayn yar marka loo barbar dhigo geedka kale. Kenya waxaa nooga yimaada qaadka loo yaqaan “Miirow”, waana geed aad usaamayn badan, aadna ula dagaalama badqabka qofka cuna, dhaqaalaha. Waxaana aad ugu badan maandooriyaha khatarta ah ee maanka dooriya.

Qaadka waxa ku jira labo maado oo ah Katiin iyo Katinoon oo ku abtirsada qoyska maandooriyeyaasha ee Amfitamiinka. Waxay cunaan caleenta iyo laamaha curdinka ah ee qaadka, sababta ay u cunaana waa falkiisa maandoorinta. Inta maandooriyaha uu ku jiro qofka cunaa, wuxuu dareemayaa firfircooni iyo raaxo aan jirin balse in uu isagu aaminsanyahay.

Waxa uu ka qaadaa qofka cunaa qaadka waxa looyaqaan Xaraarad, midaasoo qofku uu ku qayliyo kolka uu yimaado qaadka iyagoo dhahaya “Soo dhacyay”, taas oo aad ka dareento xilli walba suuqyada iyo garoomada.

Marqaan waa xaalad qofka sida uu uqayilaayo uu gaaro heer ay maankiisa kala gadoomo, isagoo jooga dhulka in uu isku maleeyo in uu ku dul qayilaayo dayaxa dushiisa, waxayna sababtaa mararka qaar in uu dharka dhigo ama dawakhmo. Wuxuu doonana ayuu ku hadlaa inta uu ku jiro maandooriyaha.

Qarow: Marakan qofka waxa uu dareemaa in bahalo cayrsanayaan, shaydaamo ushidayaan filim horor ah, taas oo sababta in uu habeenkaas ama maalintaas oo dhan uu ku jiro xaalad aan wanaagsanayn, madax wareer iyo waali xaalad cayiman.

Sidee Soomaalida ku soo galay qaadka?

Siyaabooyin kala duwan ayuu ku soo galay qaadka Soomaaliya, waxaana ugu badan siyaabaha uu ku fiday qodobadaan soo socda:

  1. Culimada: Waxa isticmaali jiray waayadii hore culimada xerta ah, kolka ay rabaan in ay Qur’aan akhriyaan, si aysan uhurdoon. Walow aysan saa’id aysan u cuni jirin.
  2. Darawalada: Waxa aad u cuni jiray darawalada, si aysan hurdo u qaban xilliga ay ku jiraan safarka ilaa inta ay ka gaarayaan meesha ay u socdaan.
  3. Askarta: Waxa iyana aad ucuni jiray ciidamada ilaalada ka ahaa degsiimooyinka, si aysan u hurdoon inta ay ku gudi jiraan howlahooda shaqo.
  4. Waardiyaasha: Waxaa iyana sidaas silamida aad u cuni jiray waardiyaasha si aysan ululmoon inta ay waardiyaha ku jiraan.
  5. Waxaa kaloo jira siyaabooyin kale ee loo isticmaali jiray cunista qaadka.

Dhibaatada qaadka uu leeyahay

Sida aan ognahay, ma ahan mid halkaan lagu soo koobi karo dhibaatooyinka iyo mahadhada uu reebay ama hadda jirta. Waxaana soo qaadanaynaa dhowr dhibaato oo laga dhaxlay qaadka iyo saamaynta ay reebtay. Waxaana ka mid ah:

  1. Hurdo la’aan
  2. Madax xanuun
  3. Walwal/walbahaar
  4. Hadal badnaan
  5. Isku buuqid
  6. Garaaca wadnaha oo kordha
  7. Heer kulka dhiiga oo siyaada
  8. Waali xagga maskaxda ah
  9. Laab jeex joogto ah
  10. Saxarada oo ku dhegta
  11. Calool xanuun
  12. Dhabar xanuun
  13. Miisaanka oo is dhima
  14. Raashka oo ka xirma
  15. Kaadi dhiig
  16. Baawasiir
  17. Cagaarshow
  18. Caanaha naaska hooyada cunta qaadka oo yaraada
  19. Qoys burbur joogta ah
  20. Dhaqaale burbur
  21. Cibaado la’aan
  22. Waarid caasi
  23. Xanuun ilkaha ah

Waxaa jira saddex nooc ay u kala baxaan maandoorinta maskaxda Bini’aadanka. Waxayna kala yihiin:

  1. Muqadar sida xashiishada, daroogada, tubaakada, taabuugga IWM.
  2. Musakar sida khamrida iyo calaqa IWM.
  3. Muqayar sida qaadka IWM.

Sharciga muxuu ka qabaa?

Cunida qaadka waxay si buuxda uga hor imaanaysaa ujeedooyinka guud ee dhowridda sharciga loo jideeyay kuwaas oo ah:

  1. Dhowridda diinta: Illaahay SWT wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi {Dhab ahaan sheydaanku wuxuu doonayaa in uu idinka dhex rido colaad iyo caro, khamrada iyo khamaarka awgeed, iyo in uu idinka jeediyo xusidda Illaahay iyo salaadda ee matihiin kuwo reebtoomaya?}. waa in laga dheeraado wax kasta oo maanka doorinaya sida Alle inbadan ku soo celceshay aayaadkiisa.
  2. Dhowridda nafta: Waxaa waajib ah in qofka ilaasho naftiisa, tan dadka kale, si looga dheeraado xaaladaha sababi kara in la gooyo naf ama sabab looga noqdo in la gooyo.

Alle SWC wuxuu Qur’aanka ku yiri {Haku ridinina gacmihiina tahluko”.

Aayad kale wuxuu ku dhahay Alle SWC {Waxaa liibaanay qofka naftiisa dahiray}.

  1. Dhowridda caqliga: Illaahay SWC wuu idin abuuray abuuris tan uqurxoon, wuxuu idin yeelay maqal, arag, iyo caqli, waxyar ayaana Illaahay u shukridaan. Alle wuxuu adoomihiisa u abuuray suurad midda uquruxda badan, ha doorinina idinkoo adeegsanaya maandooriye IWM.
  2. Dhowridda hantida: Waxyaalaha qofka la waydiin doono maalinta qiyaamaha waxaa ka mida, hantida meesha ka keentay? Halka aad ku bixisay? Kawaran haddaad hantidii aad usoo dhididay ku bixisay qaad iyo maandooriye, waxa aad la hortagayso Alle SWC. Waa in qof walba oo Bini’aadan ah ka taxadaro waxkasta oo aakhiradiisa iyo adduunkiisaba uusan ku liibaanayn.
  3. Dhowridda sharafka: Alle SWC wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi “Waxaan karaamaynay Bini’aadanka”. Alle haddii uu karaameeyay Bini’aadanka, cirdigiisa iyo sharafkiisana meelna looga dhicin uu dhahay, maxaa kuu diidaya haddii Alle kaa fadilay noolaha kale in aad umahadceliso. Waa in aad alle utoobadkeento, ka cabsato, kana dheeraato waxkasta oo sharaftaada, cirdigaaga iyo tan dadkaba dhaawacaya.
  4. Dhowridda dhasha: Alle SWC wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi “Ha u dhawaanina sinada, iyadu waa faaxisho iyo qurun”. Markale Alle wuxuu ku dhahay Aayad {Saanigu ma guursado ilaa saaniyad mooyaane”.

Waa in laga dheeraado sinada, lana ilaasho shahwaadka, si looga dheeraado xaaraantana waa in aad guursato, iyadaa kuu ah dhowrsoonaan iyo taran Bini’aadane. Waa in aad ka fogaato sinada, si loo ilaasho taranka.

Side looga hortagi karaa qaadka?

Waxyaabaha looga hortagi karo waxaa ka mida :

  1. In la sameeyo wacyigelin guud oo joogta ah, dhammaan qeybaha bulshada oo dhan.
  2. In la xakameeyo qaadka soo galaya waddanka.
  3. In lagu soo rogo canshuur aad uculus.
  4. In la cayimo goobaha lagu iibinaayo.
  5. In laga mamnuuco goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan.

Ugu dambayntii, waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaya in ay iyagu iska joojiyaan, dadka cunana ay ka waantoobaan, kuna beddeshaan cunida salarka, khudradaha kale IWM.

Alle wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi “Illaahay qoomna ma dooriyo ilaa iyagu is dooriyaan”.

Gabaygaan waa qeyb kamida gabay dheer uu tiriyay Abwaan Abshir Nuur Faarax {Abshir Bacadle}, wuxuu yiri:

Boqolaal qorshoo wada qabyaa, qaadow adigaa leh

Qoryo raamso, quudkana yaree, qaadow adigaa leh

Qalbi olol marna qabo oo qaniin, qaadow adigaa leh

Qalbi guban sigaar lagu qanciyay, qaadow adigaa leh

Qatar caafimaad oo qarsoon, qaadow adigaa leh

Qabri ka hor qandho aan laga bogsoon, qaadow adigaa leh

Qabsimadu in ay kala xirmaan qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan qooraan wax tarin, qaadow adigaa leh

Qandareeye, kaadida ha qubo, qaadow adigaa leh

Macdan qubata, hawshoon la qaban, qaadow adigaa leh

Raggoo quusta, dumarkoo qawada, qaadow adigaa leh

Qamiis walaf, quluubtoo xasilin, qaadow adigaa leh

Qamiistiyo jimcaha yeyga qaban, qaadow adigaa leh

Magnad kugu qasbiyo qaad yabaal, qaadow adigaa leh

Iska qari, cidbaan kugu qabsane, qaadow adigaa leh

Inoo qeybi aan lagu qancayn, qaadow adigaa leh

Wax nin weyni qaado qawado, qaadow adigaa leh

Qeyrkaa shaxaad, hana qajilin, qaadow adigaa leh

Qof kaa hoosa labo qori ka tuug, qaadow adigaa leh

Dhallinyaro afkooduun u qoran, qaadow adigaa leh

Iska qaado qaantana ha bixin, qaadow adigaa leh

Shaluu qaatay maantana qafaal, qaadow adigaa leh

Kaga qaada qori caaraddii qaadow adigaa leh

Qayil oo cun reerkiina qadi, qaadow adigaa leh

Qoys laga dhixiyo qaaqlinimo, qaadow adigaa leh

Qoys dumiyo qayliyo huruuf qaadow adigaa leh

Qaraabo iyo ehelaan la tabin, qaadow adigaa leh

Is qandiiri kana qoomamee, qaadow adigaa leh

Dubaab lagu qarwoo, kugu qulqula, qaadow adigaa leh

Bisad ku quustay dabadeeda qabo, qaadow adigaa leh

Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh

Qanaaskiyo waswaaskaa qarsoon, qaadow adigaa leh


 

Facebook Comments