Aqoontu waa fahamka barashada shay ama ashyaa badan, waxaana loo bartaa si aad wax uga ogaato arrin jirta ama cusub, si loo daraaseeyo walax. Aqoontu waa iftiinka Aadanaha waana halka ay Soomaalidu ka tiraahdo “Aqoon la’aani waa iftiin la’aan”.

Aqoontu waxay salka ku haysaa in wax cusub adduunka lagu soo kordhiyo ama barashada wax horay ujiray ama cusboonaysiinta arrin horay ujirtay. Aqoonta waxaa lagu qeexaa wax aad baratay ama xirfad aqooneed aad leedahay ama aad baratay. Aqoontu waa isha keliya ee aad wax ku aragto, waana ilayska meel mugdi ah kuu bidhaansha si aad wax u aragto ama kugu haga waddada toosan.

Aqoontu waa fikrado la uruurshay, laysku keenay, laga sameeyay warbixin, maqaal, buug, manhaj IWM. Tusaale ahaan, hawada nagu xeeran, waxay ka kooban tahay Ogsijiin, Carboon dhay-ogsaydh iyo Naytarojiin.

Waxbarashada: Waa furaha nolosha, aqoon la’aan waa iftiin la’aan, waa aqal iyo ileys la’aan. Dhammaan ummadaha adduunka ku nool waxay ku suganyihiin marxalado kala duwan oo dhanka nolosha iyo aqoonta ah.

Dunida maanta aynu joogno waxay uqeybsantahay labo qeybood oo kala ah: Duni horumartay iyo duni aan horumarin. Dunida horumartay waxay ku horumartay waa aqoon, cilmi iyo cilmibaaris iyo dhaqan gelin. Halka dunida dambaysa ay sababtay aqoon la’aan iyo hirgelinta hadafkooda khibradeed ama waxay barteen.

Waddamada horumaray waa waddamada leh waxbarasho tayoleh, manhaj midaysan, waxbarasho salka ku haysa tajriibin dhab ah, tayaynta iyo kor joogtaynta waxbarashada iyo wax soo saarista jiil leh hadaf waxbarasho, mid aqooneed iyo mid hoggaamineed.

Waddamada aan lahayn waxbarasho tayaysan, waxbarasho aan midaysnayn, waxbarasho aan lahayn tajriibin, mid khibradeed IWM. Waddanba waddanka uu ka waxbarasho wanaagsanyahay waa uu ka horumarsanyahay, waana ka horeeya xag aqooneed, khibradeed iyo xag fahan.

Cilmiga caafimaadka, tiknoolijiyadda, badda, deegaanka, beeraha, injineerada, falagga, ganacsiga, siyaasadda, hoggaanka iyo maaraynta iyo maamulka IWM. Dhammaan waxaas aan ka soo sheegnay waa barashada cilmiga, waana aqoonta dhabta ah ee la sheegaayo. Aqoontu ma ahan wax qeexid cayiman leh balse waa waxkasta oo la fahmayo assalkiisa, wuxuu ka samaysanyahay ama ka koo banyahay, faa’idadiisa, waxtar la’aantiisa IWM.

Aqoontu waa sheyga keliya ee Bini’aadanku ku horumari karaan, waxayna lagama maarmaan utahay nolosha Aadanaha, manasina dadka aqoonta leh iyo kuwa aan aqoonta lahayn.

Alle SWT wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi “Miyay simanyihiin kuwa aqoonta leh iyo kuwo aan aqoonta lahayn”.

Bal qiyaas muhiimadda ay leedahay aqoonta, heerka ay diinta islaamku gaarsiisay iyo sida Bini’aadanku isaga dhego tirayaan aqoonta. Waxaa qof kasta oo dunidaan casriga ah wax ku sookordhiya uu yahay aqoonyahanka dhabta ah. Qof jaahil ah, aan weligiis waxbaran, mala oran karaa waa aqoonyahan?

Waxbarashada waa asaaska noolaha oo idil, waana turxaanbixinta dhabta ah ee nooluhu ku noolyahay, waana isha kala soocda arrin cakiran ee la fahmi waayay qun ahaanteeda.

Allaylehe Qira’ada cilmigu, waa iftiin baxaye

Umadaha ilayskaa ka qada, aayatiin malahe

Hadba qoon awood gaaban baa,  soo adoonsada’e

Anfacada la quutiyo ma helo, oon la dhuunyado’e

Arrad bay la wada qaawanyiin, aaran iyo dooge

Ubadkooda qawlaysatiyo, oorfanaw badane

Astaantoodu waa Qaanso iyo, Eebo iyo Leebe

Ambadkiyo qasaaraha umiga, waan ogsoonahaye

Omoskaa qodxaha badan intaan, nalagu aafaynin

Orda qaata buugtoo jahliga, xidha albaabkiisa

Qofka waxbartay waa qofka leh haybadda iyo cisiga, waana qof leh xirfad uu ku maarayn karo noloshiisa, tan bulshada uu ku xeeranyahay. Qofka waxbartay waxa uu samayn karaa horumar balaadhan, mid shakhsiyadeed, bulsho iyo waddanba. Waana halka ay Soomaalidu ka dhahdo Allow aqoon daro hanagu cadaabin, eexna hanooga tagin. Aqoontu waa midka kuu iftiimisa wax mugdi kaaga jiray, mugdigana kaa saarta si aad horumar ugaarto, waxaad ubaahan tahay la falgalidda waxbarashada.

Waxbarashadu aad bay ubalaadhantahay, mana lahan xaddi ama meel cayiman balse waxay leedahay maqaan ama heer lagaaro oo shakhsigu ku samayn karo daraasad wax cayiman oo laysla garanaayo.

Qofku wuxuu yeelan karaa aqoon heer dugsi hoose, dhexe, sare iyo mid Jaamacaddeed. Qof walbana heer buu ka joogaa, waana silsiladda aqoonta. Waxaa jira qof leh khibrad walax balse aqoon ahaan garanayn assal ahaantiisa, taasi waa Cilmi-dhagood. Waxa uu maqlay sheyga, kadibna wuxuu sameeyay iskuday taasna waxayna keentay in uu waxka fahmo waxaas, waa khibrad leh tajriibin ama falgal.

Faa’idada aqoontu leedahay

  1. Waxay dhistaa maskaxda iyo garashada qofka.
  2. Waxay yaraysaa welbahaarka, khibrad yarida.
  3. Waxay meesha ka saartaa jahliga.
  4. Waxay soo kordhisaa wax cusub, dib uhabayn wax jiray.
  5. Yaraynta khataraha aadanuhu sameeyo.
  6. Soo kor dhinta Hal-abuur cusub.
  7. Hurumar bulsheed sida caafimaadka, tiknoolijiyadda, dhaqan-dhaqaalaha, siyaasadda, iyo qeybaha cilmiga.
  8. La dagaalanka xagjiriinta, kala garashada xaqa iyo baadilka.
  9. Iyo arrimo kale oo badan.

Aqoontu waxay dhistaa maskaxda bulshada, qofka aqoonta leh wuxuu si sahlan ku curin karaa aragti ama fikrad horumarin karta nolosha Aadanaha guud ahaan ama noloshiisa gaar ahaaneed.

Aqoonta dhabta ah waxay dadka siisaa kalsooni buuxda, kalsooniduna waxay dadka ufududaysaa in uu si hagaagsan uguto waajibaadka saaran. Aqoon la’aantu waxay bartaa qofka in uu ka baqo wax kasta oo ku cusub noloshiisa taasoo sababta in uu ka horyimaado waxkasta oo horumar keeni kara diidmo qayaxan iyo baqdin isbarkan.

Fariinta ugu weyn ee ay aqoontu xambaarsantahay ayaa ah isbeddel dhinac kasta ah oo taabanaya qaabka loo noolyahay markaas. Markasta oo aqoontu korarto waxaa badanaya isbeddelka xagga nolosha ah, mar kasta oo isbeddel jirona waxaa fududaanaya in la horumaro.

Aqoonta waa hantida keliya ee ay dhaxli karaan Da’yarta si ay usii horumariyaan noloshooda iyo heerkooda aqooneed. Haddii ay dhallinyaradu dhaxlaan aqoon yari waxaa mugdi galaya horumarkooda mustaqbal taasoo sababta in da’yartu ku hodmaan wax aan faa’ido ugu jirin iyaga iyo dalkoodaba.

Aqoontu waxay dhistaa guri aan tiir lahayn, jaahilnimadana waxay burburisaa guri dhidibadiisu aasan yihiin, dadkiisuna ay ku noolyihiin farxad iyo sharaf. Si taas looga dheeraadana waa in ubadkeena aan barno aqoonta, jahligana aan kala dagaalano. Horumarkeenuna waxa uu ku dhisanyahay waa inta uu leegyahay aqoonteena, waana in aan ku dadaalno waxbarashada si aan barwaaqo ugaarno insha Allaah.

Facebook Comments