Mowduucan waxaan uga faaloondoonaa Af-keena hooyo, doorka ay ka ciyaarikaraan dhallinyarada, waaridka iyo ilaalinta Af-ka si aan unoqono bulsho leh Af iyo dhaqan. Waddan walba waxa uu leeyahay dhaqan, diin, Af, Calan, waana astaanta lagu garan karo in uu yahay waddan jira.

Haddii dalkaasu lahayn Af, ma noqon karo waddan, waana sababta aan uga hadlaayo mowduucaan si aan uga dheeraano Af-qalaad iyo ilaalinta magaca iyo sumcaddeena mustaqbal.

Af-ku waa astaan uu leeyahay waddan, ugooniya, laga adeegsado, lagu hadlo. Waa Af ay bulsho kuwada xiriirto, isku fahanto, iskuna baaqaan kolka ay iswacayaan ama isku yeerayaan. Af-ka Soomaaliga waxa uu ka midyahay Afafka adduunka looga hadlo oo gaaraya inka badan lix kun iyo lix boqol oo luuqadood 6600  Af.

Af-ka Soomaaliga waxa uu ka midyahay bahda Kushiitiga, waana Af aad looga adeegsado geeska Afrika, gaar ahaan inta Soomaalidu degto. Waa Af hodan ah, aad qani ugu ah ereyada isku macnaha ah marka la barbar dhigo Afafka kale.

Tusaale ahaan, Af-ka loogu hadalka badanyahay adduunka waa Ingiriiska, haddii aan soo qaato kelmadda ah xaas, waxaa Ingiriiska lagu dhahaa {Wife}. Ma jirto kalmad kale oo lagu dhaho halka Soomaaliga laga helaayo ereyo aad ubadan sida “Xaas, Xilo, Afo, Maranti, IWM”.

Waddanka Soomaaliya ama guud ahaan inta Soomaaliya degto waxaa looga hadlaa hal Af bes. Waana tiirka isku xira bulsho kala joogta meelo badan, dunida qeybaheeda kala duwan. Waxaana heerkaas gaarsiiyay umadda Soomaaliyeed oo ku faro adaygay ilaalinta Af-kooda hooyo.

Dadka Soomaalieed iyo Af-koodu waa isku mid, isku si ayaa loo qoraa, waana waxyaalaha uga duwanahay waddamo badan oo caalamka ka jira. Af-keena hooyo waa tiirka ugu weyn ee walaaleeya ummadda Soomaaliyeed, waxaana soo raaca dhaqanka, jismiyadda IWM. Diinta waxaa nala haysta ummaddaha adduunka ku nool oo dhan balse anagu waxaan uga duwanahay hal Af ayaan kuwada hadalnaa Soomaali meel walba ay dunida joogaan.

Dhallinyaradu waxay ka qeyb qaadan karaan horumarinta AF-ka, waxayna ku horumari karaan in ay adeegsadaan, qoraan, aadna ugu faanaan. Haddii dhallintu ka tagto Af-ka waxaa imaanaysa in Af-keenu dhinto, lana waayo cid ku hadasha Afka.

Af-ku waa tarmaa, waana dhintaa ama suulaa haddii aan la isticmaalin, si uu san nooga dhiman waa in aan adeegsano, wax walbana u adeegsano, haddii ay noqon lahayd ku hadalkiisa, qoraalkiisa iyo ku hadalkiisa.

Af-ka waxaa la isku raaciyaa marka bah ahaan la sheegayo sida higgaadda, qaab qoraalka, ku dhawaaqida, naxwaha IWM. Waana sababta ugu weyn ee loogu daray Af-keena bahda Kushiitiga.

Af-ku waa tiirka aqoonta, waana asaasaha iyo jiritaanka dhaqanka, waana waxay bulsho ku horumarto, hadday ahaan lahayd dhaqanka, hadalka, iyo qoraalka. Af-ku waa isku xiraha ummaddaha ku hadasha iyo xarigga isku haya.

Af-ku waxa uu ka midyahay aaladda ugu xoogga badan, uguna weyn ee wax la isku gaarsiiyo.  Waana isgaarsiinta wax la isku faro, la isku sheego, waana aalladda lagu horumarin karo Afkeena hooya.

Af-keenu waxaa lagu lammaanshay Hooyo, waana sababta ahmiyadda kowaad looga dhigay, waxaana la siiyay ahmiyadda kowaad, labaad iyo saddexaad. Waxaana loo ilaashaa sida loo ilaaliyo hooyo, loogana taxadaro sida looga fikiro hooyo.

Waxaan tusaale usoo qaadanaynaa labo qolo oo kala ah, Yuhuuda iyo Karibiyaanka.  Waana tusaalaha ugu fudud ee aan soo qaadanayno, waxaad ila eegtaan wixii ku dhacay labadaan qolo.

Umadda loo yaqaan Maraykanka-madow ee “Karibiyaanka” waxay ahaayeen dad ku nool waddanka Maraykanka, waxayna lahaayeen Af, dhaqan, astaan ugooniya IWM. Waxayna ku dambeeyeen in uu baaba’o guud ahaan Af-koodii, kadibna markay ka tageen ku hadalka Af-kooda, qorida iyo dhaqankoodii. Waana suulay oo maanta Af-koodii waa dhintay.

Yahuuda waa qowmiyadda la xasuuqaayay in kabadan Shan kun {5,000” sano,waxaana laysku dayay in gabi ahaanba la cirib tiro balse ma aysan dhicin taas, waxay ku mitideen oo ku dhegeen Af-koodii, dhaqankoodii iyo diintoodii.

Meel walba oo ay tagaan waxay ku faro adeygeen Af-kooda, dhaqankooda iyo diintooda, waxayna dhaxal siisay in ay ahaadaan ummad siijirta ilaa ay maanta gaareen in ay xukumaan adduun weynaha, ayna noqdeen dad gaaraya inka badan shan milyan oo dad ah iyo waddanka ugu sirdonka badan.

Waxaan usoo qaatay tusaalahaan, haddii aad ka tagto Afkaaga, dhaqankaaga, calankaaga iyo diintaada in aad la mid noqonayso Maraykanka-madow ee loo yaqaanay “Karibiyaanka”. Haddii aad ilaashato intaas kor ku xusan xaqiiqdii waxaa ah in aad noqonayso waddan jira, leh Af, dhaqan iyo diin.

Yaa ubaahan in ay ku hadlaan Af-keena hooyo

  1. Waxaa ubaahan ummadda ku hadasha Af-ka.
  2. Waxaa ubaahan in ay ku hadlaan xubnaha qoyska oo dhan.
  3. In lagu dhigo xarumaha waxbarashada oo dhan.
  4. Waxaa ubaahan in ay tabiyaan qolyaha warbaahinta.
  5. Waxaana ubaahan in lagu ababiyo ubadka yar-yar.

Sidee ku burburi karaa Af-ka?

  1. In uu burburo dalka oo dhan.
  2. In aan wax lagu baran Af-ka rasmiga ah.
  3. Adeegsiga Afaf-ka qalaad ee waddanka looga hadlin.
  4. In xarumaha waxbarashada looga hadlin Af-ka, waxna lagu qorin.
  5. Dhallinta oo yasa Af-ka, kana taga guud ahaantiisa ama kaba faana in ay ku hadlaan.
  6. Waaridka oo nacsiiya ubadka yar-yar

AF-ku waxa uu ubaahanyahay hiil aad ubalaadhan, waxa uuna ubaahanyahay in la adeegsado, lagu hadlo, wax lagu qoro IWM. Waa in dhallinta Soomaaliyeed ay dhexda uxirtaan sidii loo dhowri lahaa Af-ka, dhaqanka iyo diinta. Waxayna dhallinteenu inooga baahanyihiin in aan dardargelino soo noolaynta Af-keena hooyo si aan unoqono ummad jirta.

Facebook Comments