Maaddaamaa hadal haynta cusub ee korona fayrus ku faafay adduunka oo dhan, oo kiisas cusub la soo sheegaayo maalin walbo, waxaa muhiim ah inaad garato sida loo badbaadiyo naftaada. In kasta oo cilmi-baarayaashu ay weli baranayaan sida saxda ah, ee fayrasku u fido, bal aan dib u eegno waxa illaa hadda la ogaaday. Waxaana isweydiin mudan cudurkaan ma yahay mid loo dhiman karo?

Faafitaanka fayraska korona wuxuu saameeyay dalal badan oo adduunka ka mid ah, dadkuna waxay isweydiinayaan su’aalo muhiim ah sida: Ilaa heerkee ayaa la kala qaadaa cudurka? Sideen uga difaaci karnaa nafteena, sideese cudurka u faafaa? Miyaa loo dhiman karaa fayruskaan? iwm

Lataliyeyaasha arrimaha seyniska ee Dowladda UK waxay aaminsan yihiin in fursadda ah in qof uu u dhinto fayruska korona ay u dhexeyso boqolkiiba 0.5 illaa 1. Taasi waa tiro aad uga hooseysa kiisaska dhimashada ee caalamka oo dhan la soo weriyay – Taas oo ah boqolkiiba 4% dunida oo dhan sida ay WHO sheegtay – Sababtoo ah dhammaan kiisaska la xaqiijiyay laguma ogaanin baaritaan caafimaad. Dal kasta wuxuu leeyahay hannaan u gaar ah oo la xiriira qofka laga baarayo fayraska korona, hadabba tirada dhimashada ee dalalka waxay noqon kartaa mid aan sax ahayn.

Sidoo kale heerka dhimashada waxaa la xiriiro xaqiiqooyiin kale sida da’da iyo heerka caafimaadka guud iyo sidoo kale daaweynta uu qofka heli karo. Odeyaasha iyo dadka xanuunada kala duwan qaba, waxay u badan tahay in ay dhintaan haddii uu korona fayrus ku dhaco. Qiyaasta hadda laga helaayo Machadka Imperial College London, heerka dhimashada waxay toban laab ku badan tahay dadka ay da’dooda ka weyn tahay 80 sano, waxayna ku yartahay kuwa da’dooda ay ka hooseyso 40 sano.

Lataliyaha dhanka caafimaadka ee dowladda Britain, Prof. Chris Whitty, wuxuu sheegay in inkastoo kiisaska ay ku badan yihiin duqeyda, haddana “intooda badan kiisaska lagu arkay waa kuwo caadi ah ama dhexdhexaad ah”. Wuxuu sidoo kale ka digayaa in an loo qaadanin in xanuunkan uusan dooneyn dhallinyarada, wuxuuna tilmaamay in ay jiraan dhallinyaro badan oo xaalad halis ah galay.

Xaaladdu ma ahan in fayraska uu raadsado da’da qaar. Falanqeyntii ugu horreysay ee lagu sameeyay illaa 44,000 oo kiis oo Shiinaha lagu arkay, ugu yaraan shan-jibaar waxay dadka ahaayeen kuwa qaba xanuunka Macaanka, Dhiig-kar, wadna-xanuun ama dhibaato dhanka neefta ah. Dhammaan arrimahan waa kuwo isla xiriira, welina ma cadda xogta dhameystiran ee qof kasta iyo halista gaarka ah ee uu wajihi karo. Inta badan kiisaska fayraska lama diiwaangeliyo, sababtoo ah dadka qaar lama xiriiraan dhakhtar marka ay isku arkaan calaamado iska caadi ah.

Maxay dalalka ugu kala duwan yihiin heerka dhimashada?

Sida lagu sheegay baaritaan uu sameeyay machadka Imperial ee London, Sababta kala duwanaanshaha waxay tahay in dalalka qaar aysan ogeyn dadka aysan xaaladdooda xumeyn ee qaada fayraskan, taas oo adkeyneysa in la xisaabiyo. Dalalka si kala duwan ayay u baaraan fayraska. Qaar way kala awood badan yihiin, shuruuc ahaanna way kala duwan yihiin marka laga hadlayo yaa baaritaanka xaq u leh. Dhammaan arrimahaas ayey suuragal tahay in ay isbedelaan.

Tusaale ahaan, Dowladda UK waxay markii hore qorsheyneysay in maalintii la baaro 10,000 oo qof, iyadoo ujeedadu ahayd in illaa 25 kun la baaro afar isbuuc gudahood. Hadda waxaa lagu koobay dadka cisbitaallada kujira oo keli ah.

Dhanka Jarmalka, waxay awood u leedahay baaritaanka illaa 20 kun oo qof maalintii kuwaas oo lagu arkay calaamado iska fudud oo la xiriira coronavirus. Marka waxaa suuragal ah in xisaabtooda la xaqiijiyay ay ka duwanaato midda dalalka kale.

Sidoo kale daweynta uu qofka helayo waxay ku xiran tahay sida uu adeegga caafimaadka diyaar u yahay ama qofka loosoo gaarsiin karo. Taas bedelkeeda, waxay arrinta ku xiran tahay heerka uu xanuunka gaarsiisan yahay. Haddii hannaanka caafimaad uusan xamili karin tirada dadka u baahan gargaarka degdegga ah, markaas tirada dhimashada way badan kartaa.

Seydey seynisyahannada u eegayaa heerka dhimashada?

Seynisyahannada waxay isku darayaan cadeymo kala duwan oo la xiriira su’aalahan oo dhan si ay muuqaal guud uga qaataan heerka geerida. Tusaale ahaan, waxay qiimeynayaan kiisaska dadka xaaladdooda ay fiican tahay, waxayna barbar-dhigayaan kooxda D oo ah kuwa sida dhow loola socdo ee halista ku jira.

Marka taas waxay jawaab yar u noqoneysaa cadeynta la eegay, isku darkoodana wuxuu isbedel weyn ku noqonayaa muuqaalka guud. Cadeyntana way isbedeleysaa xilli kasta. Paul Hunter, oo ku taqasusay dawada, waxna ka dhiga jaamacadda East Anglia, wuxuu tilmaamay in heerka dhimashada ay sare u kici karto ama hoos u dhici karto.

“Marka Ebola la eego, Hoos ayey u dhaceysay maadaama dadka laga daweynayay xanuunka” sidoo kale halista sare way u kici kartay: “Haddii hannaanka caafimaadka uu xamili waayo tirada kiisaska, haddaba geerida way badaneysaa”.

Facebook Comments