Socodka ama dhaq-dhaqaaqa jirka waxa uu qeyb lixaad leh ka qaata habsami u socodka wareegga dhiigga, dhinac kale qofka haddii uu dhaqaaqiisa yar-yahay, oo uu waqti badan istaagga ku qaadato waxa uu ka dhaxli karaa cudur loo yaqaano Xinjirowga Xididada Dhiigga.

Cudurka Xinjirowga xididada dhiigga waxaa Afka qalaad loo yaqaanaa (Deep Vien Thrombosis), waa xaalad caafimaad daro oo halis ah, waxa ayna dhacdaa marka ay xinjiro ku sameysmato xididada dhiigga qaadda. Waxay caan ku tahay badanaa oo lagu arkaa xididada hoose ee lugaha, wallow lagu arki karo dhammaan xididada kale.

Cudurkaan Waxaa Ugu Badan Oo Sababo Waxa Ay Kale Yihiiin:

  • Dhaq-dhaqaaq yarida,sida istaag badan ama fadhiga badan.
  • Dhaawac soo gaaro xididada dhiigga.
  • Daawooyinka qaar, oo kordhiyo xadiga xinjirowga.
  • Qaliimada lagu sameeyo xididada dhiigga.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Xinjirow Xididada Dhiigga?

• Barar lagu arko lugta ama qeyb waliba oo ay ka jirto xinjirowga xididada.
• Qoorta oo qofka xanuunto.
• Xanuun in uu dareemo qofka marka uu dhaqaajiyo lugta ama gacanta ay ka jirto xinjirowga xididada.
• Qofka oo ay garbaha xanuunaan.
• Meesha oo gaduudato ama baluug noqoto.
• Qofka oo wareer dareemo.
• Qofka oo istaaga ka dhaca.
• Neefsiga qofka oo yaraado.

Yaa Halis Ugu Jiro In Uu Ku Dhaco Cudurkaan?

• Dadka ay da’dooda ka weyn tahay 50 sanno.
• Dadka isticmaalo muqaadaraadka.
• Hooyada Uurka leh.
• Hooyada qaaddato daawada ilmaha lagu kale fogeeyo.
• Dadka aadka u cayilan.

Sidee Ayaa Ugu Hortagi karnaa Cudurkaan?

• Si joogta in aan u sameyno jimicsi sida in aad sameyso maalintii 10 daqiiqo oo socod ah.
• Miisankaaga haddii uu badan yahay in aad iska dhinto.
• In aan iska illaalinno istaaga badan, ama fadhiga badan.
• In aan maalin walib cabbno biyo badan.

Mahadsanid

Facebook Comments