Umulisanimada waxa ay kamid tahay xirfadaha caafimaadka ee baahida weyn ay u qabto Bulshadeenna.Umulisadu waxa ay daryeel buuxdo siisa Hooyada iyo dhalaankeeda. Sidoo kale waxa ay tallooyin caafimaad siisa Hooyoyinka.

Haddaba Waa Su’aalle Yaa Umuliso Noqon Kara?

Umuliso waxaa noqon karo qofkii laga helo qoddobaddaan soo socdo:

  • In aadan ka cabsan dhiigga, maadaama ay tahay xirfadaan mid dhiigg la’daris ah.
  • In aadan shaki badneyn,dadka qaar marka ay dhiigg iyo wixii lamid ah arkaan waxa ay ka haajiraan cunnada.
  • In aad tahay qof aqoon buuxdo u leh  xirfadaan.
  • In aad ku kalsoon tahay naftaada.
  • In aad tahay qof karti badan.
  • In aad tahay qof u taagan hormarinta xirfadaada.

Inaa tahay qof qaaddan karo go’aan ku haboon xaalada Hooyada hadba meesha ay mareyso. Umulisada waxaa laga raba in ay go’aan ka gaari karto xaalada Hooyad haddii dhali karto iyo haddii aysan caadi u dhali karin.

In aad tahay qof xalaada bukaanka dajin karo, sida haddii ay Hooyo aad ugu walwaleyso qalliin ay galeeyso, in aad dajiso ood u sheegto inay tahay arin caadi ah, dhib saas u buurana aan lahayn. In aad tahay qof xakameyn karo shucuurtiisa.

Tusaalle marka aad argto bukaan xaalad addag ku jiro in aad ooydo oo kale, ama qaraabadii bukaanka ay qalqal kuabuurta marka ay arkaan shucuurtaada.Waxaa wanaagsan in aad xakamayso shucuurtaada,bukaanka iyo ehelkiisana aad dajiso, sidoo kale  in aad isiiso bukaanka daryeel wanaagsan.

  • In aad tahay qof jecel xirfadaan, kuna qancsan ku shaqeynteeda.

  • In aad tahay qof naxariis badan, hadal jilicsan, una dhimmriyo bukaanka.

  • In aad tahay qof dulqaad badan, marka aad bulshada u adeegaysid waxaad la kulmaysaa dad badan oo leh dabeecada kale duwan, qaar ayaa laga yaaba inay ku cayaan, marka waxaa laga rabaa in aad noqoto qof u dulqaato dadka.

  • In aad tahay qof dadaal badan oo u taagan mar waliba sida u bad-baadin lahaa Hooyada iyo dhalaanka.


 

Facebook Comments