Wadahadalladii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Masar ee ku aaddan mustaqbalka mashruuca quwadda korontada biyaha laga dhaliyo ee Webiga Nile laga fulinayo ayaa ka billowday magaalada Washington, ee dalka Mareykanka. Sanadkii la soo dhaafay kulan kama dambeys ah oo loo qabtay 15-ka bishan January ayaa lagu doonayay in lagu xalliyo xurgufta muddada dheer u dhaxaysa labada dal, balse wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadalladaas ayaa is afgaranwaa ku soo dhammaaday.

Marka la dhammeystiro, Biyo-xireenka Grand Renaissance, ee ay Itoobiya dhiseyso, wuxuu noqon doonaa barta ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo quwadda korontada ee biyaha. Dhismaha biyo-xireenkan ayaa sanadkii 2011-kii laga billaabay Webiga Blue Nile ee waqooyiga dhulalka sare ee Itoobiya, kaasoo biyihiisa ay 85% ka yimaadaan wabiga Nile. Si kastaba, biyo-xireenkan ayaa khilaaf ka dhex abuuray Masar iyo Itoobiya, iyo sidoo kale Suudaan oo dhex u gashay, murankaas oo ay dadku qaar ka baqayaan inuu dagaal horseedo.

Itoobiya iyo Masar ayaa isku mari la’ dhammeystirka biyo xireen weyn oo ay dowladda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Abiy Axmed ka dhiseyo dhinaceeda.

Mowjad cusub oo khilaafka ah ayaa soo laba kacleysay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, kaddib markii ay Itoobiya ka baaqay shir heshiis lagu kala saxiixan lahaa oo ka dhacayay magaalada Washington. Xukuumadda Addis Ababa ayaa Mareykanka ku eedeysay in uu qaatay door uusan ku lahayn arrinta, uuna ka gudbay kaalintiisii ahayd dhexdhexaadnimada. Arrintan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu sheegay in dhismaha biyo-xireenka aanan la dhameystiri karin ilaa iyo inta heshiis rasmi ah laga gaarayo.

Jaamacada Carabta waa urur kulmiya wadamada carabta. Waa urur kulmiya wadamo kuyaala Afrika iyo Aasiya xubnaha kujira waxaa loo yaqaanaa dawladaha Caraba. Waa dawlado wadaaga arimo dhaqaale iyo arimo siyaasadeed. waxaana ka dhexeeya xiriiro aad iyo aad ubadan Wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta waxay daboolayaan in ka badan 13,000,000 km2 (5,000,000 sq m) iyo waliba laba qaaradood oo kala duwan: Afrika iyo Aasiya. Goobtaasi waxay ka kooban tahay lamadegaanka, sida Sahara. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale ku jira dhulal badan oo aad u sarreeya sida Dooxada Nile, Dooxada Jubba iyo Dooxada Shebelle ee Geeska Afrika, Buuraleyda Atlas ee Makhreb, iyo Bariiska Fertile ee sii fidiya Mesopotamia iyo Levant. Aagga ayaa ka kooban kaymo dheer oo ku yaal koonfurta Carabta iyo qaybo ka mid ah webiga ugu dheer dunida ee Niil.
Jaamacadda Carabta, oo sidoo kale loo yaqaano Heshiiska Jaamacadda Carabta, ayaa ah heshiiskii aasaasay ee Jaamacadda Carabta. 1945-kii la aqbalay, waxa uu dhigayaa in “Ururka Jaamacadda Carabtu uu ka kooban yahay Dawladaha Carbeed ee madaxbannaan oo saxiixay Heshiiskan.

Jaamacadda Carabta, oo ay ku mideysan yihiin dalalka Carbeed ayaa dhawaan soo saartay qaraar ay ku cambaareyneyso dowladda Itoobiya oo ku gacan seyrtay dhexdhexaadinta uu Mareykanka ka muranka biyo xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso qeyb ka mid ah Wabiga Nile. Hase ahaatee Soomaaliya oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay muranka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, oo in muddo ahba soo jiitamayay, haddana u muuqda inuu meel xasaasi ah taagan yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedu Andargachew, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta “The Reporter” ku sheegay in aysan dhag jalaq u siineynin cambaareynta ka timid Jaamacadda Carabta, ayna u arkaan inay garab taagan yihiin Masar. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka dalbatay Soomaaliya iyo Jabuuti inay caddeystaan mowqifkooda. “Wada xiriir dhinaca warqadaha ah oo na dhex maray waxay ku sheegeen in qaraarka Jaamacadda Carabta uusan ahayn mid ka turjimaya xal u helista dhibaatada balse uu uga sii darayo xaaladda,” ayuu yiri Gedu.

Hadalka diblomasiyadeed ee hadana loo fasiran karo diblomasiyad qaldan ee ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaal lala galo Masar uusan xal noqoneyn oo loo baahan yahay in wax walba wadahadal lagu dhammeeyo, balse haddii ay suurageli weydo dalkiisu uu hayo malaayiin dhalinyara ah oo “dagaal geli karta”.

Diplomasiyada sideedaba waa mid xalka raadiso, hadalkaas waxaa loo fasiran karaa hanjabaad ku aadan xasuuqida shacabka Masar, laakiin nasiib xumo suurta gal maanta uma ahan. Maxaa yeelay Itoobiya waxay caado u leedahay dalkii ay u aragto inay ka xoog badan tahay inay faro gelin ku sameyso sida ay horeyba ugu sameysay dalal ay Soomaaliya kaalinta koowaad kaga jirto. Sidoo kale, hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya iyo Jabuuti waxay u muuqaa in in Itoobiya labada dalba ay ka warqabto xaaladahooda siyaasadeed, faro gelin toos ahna ay ku sameyn karto haddii loo baahdo.

Ihaanadii ugu darayd ee ay askarta Itoobiyaanku u geystaan Diinta Islaamka iyo sharaf dhacii ugu xumaa ee loo geysto shacabka Muqdisho ka dhacday intii u dhexeysey November 4 ilaa December 8, 2007 xilligaas oo ciidamada Xabashidu ay galeen masaajidda kuna saxaradoodeen, sidaas waxaa yiri oday booqday aaggii ay ka baxeen ciidamada Itoobiyaanku, weydiisteyna in aan magaciisa la sheegin. Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yiri: “Arrinta ugu ba’an ayaa ka dhacday xaafadihii ay xoogga ku qabsadeen ciidamada Itoobiyaanku, gaar ahaan aagga jidka Wershedaha iyo jidka Soddonka, halkaas oo markii ay ka baxeen (Dec 8, 2007) la arkay kutubtii Masaajidda tiil oo ay saxarada iskaga tireen, arrintaas oo ah ihaanadii ugu xumayd ee abad loo geystey Kitaabka Kariimka ee muqdaska ah oo dhex yaal qowmiyad Islaam ah.” Xasuuqii ugu xumaa ee ciidamaada xabashidu u geysteen shacabka Muqdisho waxay ahayd intii u dhexeysey Nov 4-10, 2007, xilligaas oo wararku tibaaxeen in hal maalin ay qowrac iyo rasaas ku dileen 50 Soomaali ah. Lix kun (6000) oo Soomaali ah ayaa la diiwaan geliyey in ay dhinteen sannadkan 2007 oo ah intii ciidamada Itoobiya ay ku jireen ciidda Soomaaliyeed.

“Arrimahaas ay geysteen, ciidamada Xabashidu, gaar ahaan xasuuqa shacabka, iyo in ay ku saxaroodeen masaajidda dhexdooda iyo in ay Qur’aanka Kariimka iskaga tireen saxaradooda najaasada ah, waxay muujineysaa in aysan wax caddayn ah u baahnayn waxay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagoo boqolaal sano ku taamayey in ay mar uun sidaas u galaan..” ayuu yiri odayga Soomaaliyeed oo xaafadiisii ka qaxay, balse bil ka dib kulaabtay oo arkay sida ay Itoobiyaanku u galeen aaggagii ay ka baxeen. Waxana uu intaas ku daray “Falalkaas foosha xun ee ay Xabashida cadownimada dheer ka dhexeyso Soomaalida ay u geysteen Kutubta Quraanka iyo Masaajida oo ah Beydka Allah waa wax laga murugoodo oo aan loo dul qaadan karin.” Odayga Soomaaliyeed oo wixii uu xaafadiisii ku soo arkay ka warbixinayey ayaa yiri: “Muddo bil ah markii aan ka maqnaa xaafaddii aan deganaa kaddib ayaan hadda ku laabtay bal in aan soo eego gurigaygii, waxaan la kulmay in guryihii xaafaddaas ku yiil ay Xabashidu ka dhigeen qaar ay bililiqaystaan iyo qaar wixii yaal intii ay qaadi waayeen ay burburiyeen, wixii kumbuyuutarro iyo aalado kale ah iyo qalab xafiis ee xaafadadahaas yiil waa rarteen, wixii buugaag ay heli karaan qaarna waa rarteen qaarna waa jeexjeexeen..” waxana uu intaas ku daray isagoo qiiraysan “haddii aad arki-lahaydeen sida Itoobiya u gashey xaafadii dadku deganaan jirey waa yaabi lahaydeen, xitaa masaajidadii bay ku saxaroodeen oo weliba ay isaga tireen saxarada kutubka Quaanka kariimka.”

Ciidamada Itoobiya waxay magaalada Muqdisho galeen December 28, 2006, wixii xilligaas ka dambeeyey waxaa maalin walba sii kordhayey tacadiyada ay u geysanayeen shacabka Soomaaliyeed iyo xasuuqa, iyo ihaanada ay ku hayaan Diinta Islaamka iyo hadda oo ay u soo dhigteen Quraanka Kariimka oo ay u adeegsadeen sidii xaashiyo ay saxarada iskaga tiraan, taas oo meel ka dhac weyn ku ah Qowmiyadda Soomaaliyeed ee Islaamka ah iyo Diinta Islaamka.

Muranka Itoobiya iyo Masar maxaa la gudboon Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda?

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta maxalliga ah, ayaa sheegay ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd in xal rasmi ah loo helo muranka.

“Khilaafka wabiga Nile, Soomaaliya waxay ka taagan tahay dhexdhexaad, waxayna ku baaqday in dalalkaas ay khilaafkooda xalliyaan, haddii loo baahdana Soomaaliya waxay gacan ka geysaneysaa sidii loo heli lahaa xalka khilaafkaas iyo isu soo dhawaanshaha dalalka ay arrintan khuseyso. Marka kaalinteennu waa dhexdhexaadnimo iyo suurtagalinta in khilaafkaasi uu soo afjarmo,” ayuu yiri Cawad.

Barfasoor Afyare Cabdi Cilmi oo culuunta amniga ka dhiga Jaamacadda Qatar, ayaa BBC-da u sheegay in hadda taageerada ay Masar ka heli jirtay gobolka Geeska Afrika ay sidii hore iska baddaleyso. “Marka si guud loo qiimeeyo arrinta waxaa soo baxeysa natiijo ah in uu isbaddalay wajiga uu lahaan jiray murankii mudadada dheer u dhaxeeyay Masar iyo Itoobiya. Hadda waxaa muuqata in ay isbaddaleen mowqifyada dalalkii ay Masar maalgashiga ku sameysan jirtay ama taageerada ka kasban jirtay ee gobolka, gaar ahaan dalalka muslimiinta ah ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan. Sababtu ha noqoto noocey doonto, laakiin waxaad mooddaa in Masar hadda looga adkaanayo Geeska Afrika,” ayuu yiri Afyare.

Mar uu sharraxaad ka bixinayay waxa uu ka dhigan yahay hadalka Soomaaliya ayuu yiri: “Xogta dhabta ah ee la xiriirta sababta ay dowladda Soomaaliya u baddashay go’aankeedii hore ee ay ku garab taagnaan jirtay Masar iyo waxa ay dalkaas ku qoonsatay, ama ay Itoobiya kaga baddalaneyso go’aanka noocaas ah, waxaa la weydiinayaa madaxda dowladda. Laakiin marka si guud loo indha-indheeyo waxaa ii muuqda in Masar ay dabacday oo ay lumisay saameyntii ay ku lahayd gobolka iyo dalalka ku teedsan badda Cas, caalamka Islaamka oo ay markii hore Sacuudiga kula tartami jirtayna waxaa uga awood roonaaday dalal kale”.

Maxaa xal noqon kara marka loo baahan yahay in xal laga gaaro go’aanada noocaan oo kale, ma waxaa la fiiriyaa danaha mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed mise dano kale oo aan la fahmi karin. Jawaabta adiga akhristaha ah ayaan kuu dhiibnay.

Facebook Comments