Qofka bani aadamka ah waa noole bulshaawi ah dabeecd ahaan, kaasoo u baahan inuu lanoo laado oo la dhaqmo dadka, lamacaamulidda dadka waa xirfad muhiim ah, sidoo kale waa farshaxanimo uu qofku lee yahay, maxaa yeelay?

Taas waxaa u sabab ah kala duwanashaha dabeecadaha iyo dhaqamada, taas oo ka dhigeysa habka qancinta iyaga iyo helitaanka ixtiraam kooda, balse waxaa lagu gaaraa arinkaa geedi socod adag oo u baahan tallaabooyin iyo xirfado dhaqameed.

Saameynta xiriirka wanaagsan ee uu lalee yahay dadka ayaa laga dheehan karaa qofnimadiisa marka hore, maxaa yeelay? waxaad dareemi kartaa jaceylka iyo sida ay ugu tartamayaan saaxiib tinimadiisa dhaqan wanaagiisa owgeed, sidee baa ula macaamilee dadka? Tani waa waxa uu maqaalkani ka hadli doono hadii uu Eebbe inoo ogolaado.

  • Sida loola macaamilo dadka

Waxaa jira habab badan oo loola dhaqmi karo bani aadamka, balse waxaan maqaal keygaan kuugu soo gudbin doona qeyba kamid ah hadii uu eebe idmo:

  • Dhag raaricinta wanaagsan

Dadku waxey jecel yihiin in loo dhagraariciyo marki ay hadlayaan, marki uu qofku wanaag u muujiyo uuna dareensiiyo muhiimadda ay aktiisa kulee yihiin, waxaa fududaaneysa in qofkaas uu hanto la dhaqmidda dadka

  • Dhoola cadeynta badan

Dhoolo cadeyntu had iyo jeer waxay soo jiidataa qalbiyada dadka, sidoo kale qofka waxaa u habboon in uu dhoolo cadeeyo marxaladihiisa oo dhan intii suurta gal ah, maxaa yeelay? taasi waa waxa ay dadku ku jeclaa daan una raadiyaan latacaamul kiisa.

  • Marwaliba dhanka wanaagsan wax kaday

Qof kastaba wuxuu lee yahay wanaag iyo ceebo, waxaa haboon qofka wanaagsan ee doonaya in uu ku guuleysto jaceylka dadka, waa in uu had iyo jeer diiradda saaraa wanaagga iyo quruxda dhan waliba siduu ula macaamili lahaa dadka, xittaa hadii uu doonaya in uu ka hadlo ceebaha qofka, waa inuu u soo bandhigaa si xeelad leh, sida inuu uga hadlaayo asiga oo hortiisa taagan.

  • Iska ilaali labo wajiile nimada

Inta badan dadku ma jeclo qofka labo wajiilaha ah, kuwaas oo dadka u muujiya dhowr wajiyoow, dadku waxey daneeyaan qofka tacaamul kiisu cad yahay, inkasta oo hadafkoodu meel maro dadka labo wajiilayaasha ah, hadane maalin ayey waayayaan cilaaqada kala dhaxeysa dadka.

  • Illaalinta ballamaha

Dadku waxey jecel yihiin qofka ballamahooda wanaajiya, waayo? ilaalinta ballamaha dadka ayaa sahlaya in ay sii waarto xiriirka uu dadka la leeyahay.

Dhaqamiida Suubanaa ee Nabigeena scw

Hadii aad akhrido nolol maalmeedkii nabigeena Mohamed scw waxaad kaheli doonta dhaqamo iyo xiriiro wanaagsan uu dadka lalahaa, oo ay ku jiraan qoyskiisa, asxaabtiisa, wax yaabahaas oo aan kabarnkarno siyaabaha dadka loola tacaamulo:

  • Aisha, hooyada Mu’miniinta allah ha ka raali noqdee – waxey dhahday: Rasuulkii Eebbe naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato “waligii gacantiisa muusan ku dhufan Haweeney iyo waliba adeegahiisa illaa in uu Eebbe wadadiisa u hal gamaayo mooyee”
  • Anas bin Malik- Eebe ha ka raali noqdee – wuxuu yiri:

Inti aan masaajidka nabiga kula joognay, ayaa soo galay nin reermii ah kadibne wuxuu ku dhax kaad shay masjidka, Asxaabti rasuulka ayaa ku tiri: “jooji kaadida” Rasuulka ayaa markaa yiri: “Ha ku jarina kaadida, ee kataga ilaa uu ka dhameysto xaajadiisa”

Si guud ayuu nabigu u baraarujiye wuxuuna yiri “Masaajiddaan kuma haboona kaadi iyo wasakh toona balse xuska Eebbe iyo salaadaha, akhrinta Qur’anka ayaa u mudan in laga dhax ooggo” sidaa ayuu nabigu idmay mid kamid ahaa asxaabta in uu nadiifiyo meeshi ay kaadidu gaartay.

Facebook Comments