Wadamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ahi kuma xidhna da’da qarankaasi soo jiray. Taasi waxay daliil muuqda u tahay in wadamada India iyo Egypt kuwaas soo jiray 2000 oo sano ay hadana wali yihiin wadamada saboolka ah. Dhinaca kale Kanada, Australia, iyo New Zealand kuwaas oo 150 sano oo kaliya jiray ay maanta yihiin wadamada ugu qanisan adduunyada ama horumarsan.

Sidoo kale farqiga wadamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ahi kuma xidhna khayraadka wadankaasi yaala “Available of Natural Resource” Maxa yeelay dhulka Jaban 80% waa buuralay aan ku habboonayn wax soo saarka beeraha laakiin hadana Jaban waa wadamada ugu qanisan ee adduunyada wuxuu dhoofiyaa qalabka warshadaha. Switzerland kama baxo kookuhu”Cocoa” hadana waa wadanka ugu fiican ee shokolaatada soo saara.

Farqiga u dhexeeya wadamada saboolka ah iyo kuwa qaniga ahi waa hab fikirka dadka ama siyaabaha dadku u dhaqmaan “Attitude” Markaynu darisno ama cilmi baadhis ku samayno farqiga u dhexeeya wadamada qaniga iyo kuwa saboolka ah qodobadan ayay ku kale duwan yihiin:

  1. Anshaxa 
  2. Daacadnimada
  3. Masuuliyada
  4. Dhawrista sharciga iyo xeerarka 
  5. Sida shaqada loo jecel yahay
  6. Dhigashada iyo maalgashiga 
  7. Wax soo saarka
  8. Waqti go’an 

Ma nihin sabool maxa yeelay waxaan haysanaa khayraad dabiici ah, laakiin waxaa sabool ka nahay oo aan ka madhanahay hananka fikirka iyo sida ay dadku u fikiraan. Waa in aan badalnaa xaalada hadda aynu ku suganahay.

Dal marka uusan haysan khayraad dabiici ah oo badan, laakiin uu maalgashado khayraadka kujira dadkiisa, way u fududahay inuu qolo kale kasoo iibsado khayraadka dabiiciga ah, kadibna aqoontiisa iyo xirfadiisa u isticmaalo inuu wax-soosaar sameeyo. Kobaca dhaqaale ee Japan, Shiinaha, Koonfurta Kuuriya iyo Taywaan, ayaa tusaalayaal fiican u ah maalgashiga khayraadka kujira insaanka iyo mirodhalkiisa. Wadamadaan ma laha khayraad dabiici ah oo badan, laakiin inta Galbeedka kula jira tartan adag.

Balse waxay kalsooni ku qabaan inay haystaan dad si fiican u carbisan, leh aqoon iyo xirfadobadan oo kala nooc ah, qaban kara shaqo-badan, isla markaana leh kala danbeyn iyo is-maqal. Meesha wadamada qaar ay ka buuxan khayraad-dabiici ah, laakin dadkoodu ay ka gaajaysan yihiin, waayo waxsoosaar majiro, sababtoo ah waxaa ka maqan ama kuyar aqoontii, xirfadii, kartidii waxqabad, carbisnaantii iyo kala-danbeyntii shaqo ee khayraadkaas kamiro dhalin lahaa.

Taasna waxaa u sababa khayraadka la haysto midkii ugu muhiimsanaa ayaa la dayacay oo ah maalgashiga dadka. Kadib waxaad arkaysaa wadankaas oo khayraadkiisa dabiiciga ah ay dadyow xirfad leh u kala tartamayaan inay ku helaan bilaash ama raqiis. Dadyowgaas kale oo doonaya inay ka sameeyaan wax-soosaar balaaran iyo faa’iido badan, kadibna dib loogu soo celiyo dadkii faqriga ahaa ee waxba soo saran karin, oo xattaa markaa laga yaabo inaysan alaabtaas tayaysan iibsan karin.

Sidaa awgeedna loo soo sameeyo alaab udhigmata tayadooda maskaxeed iyo jeebkooda raqiiska ah, Arintan oo natiijadeedu noqonayso inay alaabtaas si dhakhso leh ku burburto, si’ay u ahaadaan suuq marwalba ooman oo laga faa’iido, waligoodna wareegaas nololeed ayay ku jirayaan iyaga iyo jiilashooda danbe, hadii aysan dadkooda maalgashan. Sunnadii Nabi Muxamed (scw) Wadamadaas danbe marwalbaway shakisan yihiin oo waxay aaminsan yihiin in la dhaco ama la boobo, dabcan si xikmad iyo caqli kudheehan iyo baahi iyaga haysa awgood, waxna aysan samaysan karin, ayaa loo dhacaa, iyagoo la khasbin.

Laakin waxba kama qaban karaan, waayo duruufta ay kujiraan ayaanan isbedalayn, sidaa awgeed duruuftaas u saamixi mayso inay wax kaqabtaan. Wadada keliya ee ay ku badbaadi karaana, waa inay wax u ogolaadaan oo badbaadsaan jiilashooda soo koraya xag tarbiyad, qiyam-akhlaaqiyaad, aqoon, xirfad ku qottonta baahiyahooda iyo khayraadkooda dabiiciga ah. Waxbarasho tayaysan iyo dadka oo laga saaro mugdiga, loona kaxeeyo meel uu iftiin ka shidan yahay , ayuu horumarka bulshadeed kuxiran yahay. Waxaana hoos laga wada xariiqay waxbarasho tayaysan inay tahay mashiinka horumarka u keena bulsho walba iyo waxsoosaarkeeda.

Arinkaana waa uu ufuli karaa qaab shakhsi shakhsi ama qoys-qoys, laakin qaabka saameynta leh iyo hirgelintiisa dhabta ah waa midka ay fuliso dowlad.

Dhaqaalayahanadaan kahor intaysan aragtidaan fahmin, waxaa arinkaan qorshihisa hirgeliyay oo tusaal fiicaan ka muujiyay Rasuululaah Muxamed (scw), markii uu shardi uga dhigay xoreynta dadkii lasoo qafaashay, inay baraan caruurta Madiino wax-qorista iyo waxakhriska. Arinkaan oo uu Rasuulka Alle rajaynayay in xirfadaas oo lagu daray qiyamka-diineed ay dunida ku hanan doonaan, wayna dhacday.

Human Capital Kariibiyaanka Waxay sidoo kale dhaqaalyahanada dunida maanta tusaale usoo qaataan wadamada la isku yiraahdo CARICOM (Caribbean Community) nations oo ka kooban 15 dal oo Kariibiyaan ah Latin Ameerika, dadkooduna yahay 55 malyan, ayaa waxaa 2002 kudhacay hoos udhac kobacii dhaqaalaha, shaqo la’aan korodhay, waxsoosaar eber ah ama liita, faqri xaddhaafa.

Kadib waxay ku khasbanaadeen inay fuliyaan qorshe ka koobnaa dhawr qodob oo uu ugu muhiimsanaa, uguna miro-dhal badnaa qodobka maalgashiga (Human Capital), iyadoo la tayeeyay waxbarashada, waxsoosaarka iyo hal-abuurka.Sidaa darteedna natiijadu waxay noqotay dhaqaalaha oo kobca, wax-soosaarka oo batta, hadana tayaysma iyo fursadaha shaqo oo furmo.


 

Facebook Comments