Waxaa iska hoogay kii dadka kula hadlaa hadal been ah si uu uga xaraabeeysto “uga qosliyo” wuu hoogay! oo wuu hoogay! Mohamed SCW Mid kamid ah dhaacwayada carrabka ee ugu halista badan ayaa ah xumaanta beenta, waana mid kamid ah waxyeelada ugu xun, iyo tan ugu khattarta badan, maxaase aan u daneynaa?

Beentu waa wadada ugu dhaw ee cadaabta Eebbe lagu muteysto, taas oo ah sheegidda Beenta.

Waxaa soo arooray Aayado quran iyo Axaadith Nabiga ka sugnaaday kuwaas oo reebaya Beenta, sidoo kale beentu waxey kamid tahay tilmaamaha ugu xun ee qof ku sifoobo ee Eebbe uu u diyaariye ciqaab darran maalinta qiyaamaha.

Beenta waxaa lagu tiriyaa wax yaabaha qofka halaaga sidoo kalane bulshooyinka hoos udhiga, majiro Nabi, Rasuul, iyo Saxaabi ku sifoobay tilmaantaan qurunka badan illaa Nabiga loogu yeeray runlowga aaminka ah runtiisa darnideeda.

Waxaa jira nuucyo badan oo beenta kamid ah, tan ugu weyn ayaa ah in uu qofku ka been abuurto Eebbe iyo Rasuulkiisa,qofku been ayuu sheegaya si uu u xalaaleeyo wax la xarimay, ama Axaadiithta suubanaha ayuu been ku tilmaamaa, sidoo kale beenta waxaa kamid ah in aad dadka ku been abuurato, qofku been ayuu sheegayaa si uu labo qof u kala geeyo, balse islaamku wuxuu soo reebay marxalado uu qofku been sheegayo taasi oo ah in uu been sheego si uu u walaaleeyo labo qofood oo kala xanaaqsan, sidoo kale qofku in uu been sheego si uu u raali galiyo haweentiisa oo ka xanaaqsan.

Sidoo kale waxaa jira qeyba kale oo beenta kamid ah sida: Ballan kabaxa, been abuurka,dhaar beenaale, iyo in qofku been sheego si ula kac “si kas” ah u sheego si uu dadka uga xaraa beysto “uga qosliyo” taasoo ah mid kamid ah nuucyada uu nabigeena nnkh uu dadka kareebay.

Cirib Xumda Beenta Ee keeni karto,

  • Waxey horsedaa fasahaad dadka dhaxdoodaa iyo dhibaatooyin bulsho oo waxey ku keentaa akhlaq darri.
  • Qofka waxey ka dhigtaa mid dadka dhaxdooda aan sumcad iyo aaminaad aan ku laheyn xitaa hadii uu run sheego mar uun.
  • Waxey meesha ka saartaa sharafta iyo karaamada uu qofku lee yahay xitaa qofnimadiisu way xumaataa.
  • Waxey dhalisaa burburka guryaha iyo dhibaatooyin kale.
  • Qalibiga wey dishaa oo waxey ka dhigtaa mid aan kala sooci karin run iyo been.

Waa Nooyin aad isaga ilaalin Karto Beenta,

  • Waa in uu qofku ogsoonaadaa xumaanta ay leedahay iyo sida uu Eebe uu ciqaab xun ugu diyaariyey dadka beenta sheega.
  • Barbaarinta ubadka oo run lagu abaabiyo xiliga ay caruurnimada.
  • In leesku booriyo Runta iyo saameynta ay bulshada ku dhaxleedahay.
  • In aad nafta ku abiidido “barto” Runta iyo beenta oo ka ilaaliso xittaa kaftan haday tahay.
  • Been ha sheegin waligaa qaasatan marki aad lajoogto caruurta oo runta abaar si ay ula qabsadaan runta.
Facebook Comments