“waan heesay balse waan ku cunta waayey”

Waayadii hore waxaa jiray, tuke ku noolaa keyn aad u fog, keyntane waxaa ka buuxay geedo, dhulkana waxaa ku xar dhanaay ubaxyo aad u qurux badan.

Tukahaan wuxuu ka duwanaay kuwa kale oo wuxuu ahaay mid ka wanaagsan kuwa kale ee ibna’aadamka hilibka ka xada, sidoo kale wuxuu ahaay mid leh cod aad u fool xun, xayawaanada oo idilne way necba naayeen codkaan, sidaa ayuune u noolaay kaligiis.

Maalin maal maha kamid ah ayaa dawaco aad u gaajeysan soo ag martay geed uu saran yahay tukahaan, tukuhu ne uu afka ku sito cad hilib ah, dawacadi ayaa aragtay cadka hilibka ee ku jira afka tukaha, isla markiiba waxey go,aan satay sidii ay uga soo qaadan laheed tukaha cadka hilibka ee afkiisa kujira, nasiib darro!

Geedku aad ayuu u dheer yahay ayadune kor u ma kori karto,balse waxaa waajib ku ah in ay raadiso arin kale ay hilibkaa dhulka ugu sooridi karto ayadoona kor u korin,waxaana ku soo dhacay arin aad u khattar ah, waxeyne ku tiri tukaha: iska waran, anigu waxaan ahay saaxiibaddaa dawaco,

Tukahii ayaa ku yiri: soo dhawaaw dawacooy, halkee igu garatay, maxaase iga dooneysa?

Dawacadii ayaa ugu jawaabtay: “Xayawaanada oo idil waxey is weydiinayaan codkaada waxeyna dhahayaan waa fannaan? waa heesaa? Ee miyaad hal hees ii qaadi?

Tuke hi ayaa run mooday hadalka dawacada wuxuuna bilaabay in uu ku heeso codkiisi xumaa, hase yeeshee afka mu uusan furin illaa waxaa kasoo dhacday cadkii hilibka ahaay, waxaana dafay dawacadii weyna la carartay, balse tukihii wuu murugooday oo wuu ciishooday, laakiin wuxuu kabartay darsi ay san mardambe dadka koytada ah “dadka cusub” aysan ku gaadi doonin, uusan aamini doonin xitaa haday sheeganayaan naxariis iyo jilic sanaan ilaa uu ka hubsado.

Darsiga sheekadaan laga bara naaya ayaa ah in aan had iyo jeer aana aaminin dadka ay nagu cusub tahay barashadooda, ilaa aan la dhaqanno, oo i noo cadaato wanaagooda iyo xumaantooda, hadii uu yahay mid wanaagsan aan ku kalsoonaanno, hadiise uu mid xun yahanne aan uga fogaano, tani waa sidi uu ka fahmin tukuhu ujeedka dawacada kadibne uu aaminay, sidaanne ay ugu fududaatay dawacada in ay si fudud u xaddo tuka ha hilibka uu afka kusito.

Sidaa darted insaanka waxaa u habboon in uu iska ilaaliyo dadka ay ku cusub tahay dhaqankooda , yowsan la dhaqmin illaa uu iska hubiyo waxa ay damac san yihiin, hadii kale waxaa ku dhacaaya talidi Tukaha.

Facebook Comments