Waa buug ka kooban 520 bog, waa buug si farshaxan cilmiyeysan leh loo qoray.

Sheeko weliba sheeh lehi, buuggani sheekada qarniga ee ‘Nasiibka Nolosha” waxay akhristeyaasha u soo gudbinaysaa dheeko dhacdooyin xariir ah, oo ku saabsan nolosha lammaanayaal dhawr ah, oo qaarba nasiibka iyo noloshu si u kulmiyey, deegaan iyo deris, goobo waxbarasho, shaqo iyo meelo kale oo ka tirsan dalka gudihiisa.

Qisada buuggaan ee la magac baxaday “Nasiibka Nolosha” waxay ka hadlaysaa waayo waayo iyo hab-dhaqankii nololleed ee dhalinta Soomaaliyeed ee wakhtigaas, sida uu ahaa xariirka ka dhaxeeyo:, waalid iyo ubadkiisa, marxaladaha iyo meertooyinka nololleed, qaraar iyo macaan, waana mid baraysa aqristaha waqti iyo waayo uusan joogin ama illaaway hadduu joogay.

Hilaadda sheekadu waa mid cabbir ka bixineysa heerkii nololleed ee 70meeyadii iyo kan maanta farqiga u dhaxeeyo, taasoo xiisa gelinaysa aqristaha.

Buuggaan “Nasiibka Nolosha” ayaa marka aad aqrinayso wuxuu noqon doonaa saaxiib wanaagsan, oo kaaga sheekeeyo sida ay ahayd bulshada Soomaaliyeed 70 meeyadii. Sidoo kale waxaad ka dhex helaysaa aqoon cilmiyeeed oo dhinacyo badan leh, sida sooyaalka nololleed ee dalka, habkii iyo hannaankii waxbarashada ee dalka, goobaha iyo gobollada kala duwan ee dalka sida ay isugu xirnaayeen, wuxuu kale oo aqoon weyn iyo iftiiminba kaa siinayaa dhaqammada kala duwan ee deegaammada dalka.

Qoraagga qoray buugga?

Qisada buugga ‘Nasiibka Nolosha’ Waa qiso dhalinteed badan xambaarsan, lagana dheehan karo dhacdooyin kala maan xambaarsan ee bulshada ka dhex dhaca, gaar ahaan meertooyinka ku xeeran ee kala ah:, jaceylka, ka helidda, jamashada, rabitaanka, doonista iyo kalgacaylka, kuwaasoo ay sii dhinac ordayaan, huruufka, diidmada, naceybka, colaada iyo waxa lamid ah ee aan qofka wax jecel hiillo u noqonayn.

Buugga waxaa qoray Axmed Mocoow Xaayoow. Wuxuu ku dhashay degmada Waaberi, bishii marso 12. 1958, dugsiga hoose wuxuu ugu baxay Xamar Jajab, dugsiga dhexana Raage Ugaas, sanad dugsiyeedkii 1979 illaa 1980 ayuu dugsiga uga baxay Macalin Jaamac, wuxuu maarso 15. 1986 ka qalin jebiyey kuliyada waxbarashada Lafoole, asagoo ahaa xisaab iyo fisikis.

Qoraagga waa nin jecel qorida buuggaagta iyo inay ummada Soomaaliyeed yeelato dhalinyaro badan oo wax qora, si dhaxal wanaagsan ugu tagaan ummadooda, waa macalin aaminsan waxa adduunyada kale nooga horumartay inay tahay dhigaalka qoran oo looga tegay, wuxuuna jecel yahay dhigaalka qoran oo looga tegay, wuxuuna jecel yahay innuu inta badan wax ka qoro arrimaha bulshada, si jiilka dambe ay u ogaadaan dhalinyaradii ka horeeysay iyo sida ay u noolaayeen.

Guud ahaan, buuggaan wuxuu akhristayaasha usoo gudbinayaa sheeko ama dhacdooyin xiriir ah oo ku saabsan nolosha lammaanayaal dhawr ah, oo qaarba nasiibka iyo nolosha si u kulmiyey, deegaan iyo deris, goobo waxbarasho iwm. Qisada buuggaan waxay guud ahaan ka hadlaysaa waayo waayo iyo habdhaqankii dhalinyaradii Soomaaliyeed. Gaar ahaan siduu uu ahaa xiriirka ka dhaxeeya waalid iyo ubadkiisa, marxaladaha wakhtigaas iyo meertooyinka nololleed.

Waa qiso dhalinteed badan xambaarsan, lagana dheehan karo dhacdooyin kala maan xambaarsan ee bulshada ka dhex dhaca, gaar ahaan meertooyinka ku xeeran ee kala ah:, jaceylka, ka helidda, jamashada, rabitaanka, doonista iyo kalgacaylka, kuwaasoo ay sii dhinac ordayaan, huruufka, diidmada, naceybka, colaada iyo waxa lamid ah ee aan qofka wax jecel hiillo u noqonayn.

Waa hubaal in akhriste walbo oo sheekadaan indhaha mariya in ay ku reebayso raad xasuus leh oo qalbigiisa dareensiisa waayihii hore iyo xilligii barbaarnimadiisa. Waa sheeko laga tusaalle qaadan karo marka dhinaca wanagga ah laga fiiriyo, hiillana u noqonaysa inta la ildaran mowjadaha jaceylka iyo kalgacalada, sidaa darteed waxaan qabaa in sheekadaani aan wax badan ka baran karno jiilkii naga horeeyay iyo guud ahaan sida ay nolosha u arkaayeen.

Facebook Comments