Seef la boodnimada waxaa lagu macneeyaa in laga gudbo raxmadda, caddaaladda, iyo maqaasidda shareecada iyo fidrada aadaminimo iyadoo la sheeganayo jihaad iyo diin u dirir. Sida la wada ogyahay mushkilad walba marka la rabo in si dhab ah loo diraaseeyo waxaa lagama maarmaan ah in la isdul taago sababaha keenay mushkiladdaasi, haddaba seef laboodnimada oo ah mushkilad Soomaali dhib badan u gaysatay waa muhiinm in la ogaado sababaha keenay iyo sida lagu dawayn karo.

Marka hore waxaan qaadaa dhigaynaa sababaha dadban iyo kuwa tooska ah ee keena seef laboodnimada.

Sababaha dadban:

  • Caburinta iyo ku tumashada xuquuqda sida in la xiro ama la cayrsado ama xannibaad dhaqaale ama mid siyaasadeed la saaro dad gaar ah iyadoo dano siyaasadeed la leeyahay, inta badan waxaa adeegsada digteetarada carabta.
  • Qaab hadalka diineed (الخطاب الديني ) ee ku dhisan caadifadda wuxuu ka qabay qaataa ama u gogol xaaraa seef laboodnimada, sida in wadaad war jira moog ah iska soo hor fariisto xertiisa oo uu oga sheekeeyo dhibta muslimiinta haysata iyo sharta gaalada ay ku hayaan, iyo sidi bari samaadkii ay ahaayeen muslimiinta ilaa ay ka jalboodaan kadibna uu warka kusoo gabgabeeyo hala jihaado isagoon is waydiinin yaa lagu jihaadayaa, goormee la jihaadayaa, maxaa ka dhalan kara dhib iyo dheef, waqtigu munaasib ma yahay, jihaadka ma in qori laqaata oo keliya ama qaabab kaloo badan oo loo jihaadi karo ayaa jira.

Amaba in lasoo hadal qaado masaa’il gaar ah sida: dimuqraadiyadda, dastuurka, xeerarka aadamaha ay degsadeen iyo kuwo la halmaala iyadoo looga hadlayo si kala dhiman oo ay caamadu ku wareerayso, kadibna xugun guud la saaro.

  • Faragelinta ajnabiga: waxay qayb wayn ka tahay seef laboodnimada, waayo marka ay arkaan da’yarta muslimiinta gaalada oo kusoo duushay dhulka muslimiinta kana gaysanayso burburin iyo gabood fallo xun, sida ka dhacday ciraaq, afgaanistaan iyo waddamo kaloo badan iyo waxa ay israa’iil ku hayso falastiin, taasoo ay sii dheertahay dhibka iyo dagaalka ba’an ee lagu haayo islaamiyiinta qunyar socodka sida lagula kacay kuwooda xakumayay masar iyo meelo kaleba, waxaan shaki ku jirin in qofka aan lahayn aqoon iyo caqli uu isku miisaamo uu halis u yahay inuu noqdo seef labood.
  • Loollanka afkaarta: waxaa sii xoojinaya seef la boodnimada afkaarta diin la dirika ah ee ka soo horjeedda dowrka diinta ee nolosha aadamaha ku leedahay, waxaad arkaysaa qolyahaas iyaga oo mar walba duraya diinta, gefka iyo qaladaadka ay ku kacaan muslimiinta qaarna u tiirinaya diinta, kuna andacoonaya in mushkiladda asalkeedu tahay diinta, waxaa iyana ka soo horjeeda qolyo kale oo keligood muslin ah oo cid kasta u haysta inay tahay dabadhilif u adeegta gaalada, loollanka labaas fikir ee lidka isku ah iyo kala jiidashadooda dhalinyarada ayaa iyana abuurta xagjirnamada iyo seef laboodnimada.
  • Aqoon yari diineed : inaan la fahmin lana dhuuxin maqaasidda shareecada, fiqina aan loo yeelana waaqica jira iyo sida loola falgelinayo waxyiga Alle ayaa iyada in badan waxay ka qayb qaadataa in si deel qaaf ah wax loo laqbeeyo, iyadoo weliba la cusjinayo fatwooyin culimo hore ay ku dabiibeen waaqicoodii iyadoo la iska indha tirayo farqiga u dhexeeya goobta iyo goorta ay ku noolaayeen iyo midka aan ku noolnahay.
  • Dhaqaalo yarida sida faqriga, shaqa la’aanta, iyo firaaqada badan ayaa iyana kamid ah wax yaabaha dhalainyarada ku xambaara seef laboodnimada.
  • Burburka ku yimaada bulshada sida in la waayo kaalinta barbaarin ee qoyska, iskuulka, iwm waxay saamayn nafsiyadeed ku yeelataa hab dhaqanka ubadka taasoo horseedda in looga faa’iidaysto dambiyada iyo tacaddiyada seef la boodnimada.
  • Warbaahinta ayaa iyadana qayb wayn ka qaadata seef laboodnimada, ugumaba sii jirto xilligan oo horumarka teknoolijayada heer sare uu gaaray, waxaa si sahlan ku baahaya afkaarta xagjirnimada ee da’yarta ku qaadaysa seef laboodnimada.
  • Dhaqanka bulshada ayaa isaguna qayb wayn ku leh seef la boonimada, soomaalida oo lagu tiriyo dabci ahaan bulsho reer miyi ah oo qalqalafsan aqoontuna ku yartahay, muddo dheerna ku noolaa fowdo iyo kala dambayn la’aan ayaa fikirka seef la boodnimada waxaa sahlanaatay in si fudud ugu baaho.

Sababaha tooska ah ee u horseeda da’yarta inay noqdaan seefla bood way fara badan yihiin waxaana ugu muhiimsan:

  • Warbaahinta ay kuwada xiriiro bulshada (social media): sida whats app iyo youtube ka ayaa door wayn ka ciyaara in dhalin yarta lagu qanciyo inay ku qancaan fikirka seef laboodnimada iyadoo loo soo marinayo muuqaallo iyo dhambaallo suuq geyn u samaynaya da’yartana ku qancinaya inay qaataan fikradahan.
  • Saaxiibada: sida badan da’yarta qaadata fikirkan waxaa loosoo maraa asaxaabtooda horay ugu biirtay iyagoo ku qanciya inay kusoo biiraan sidooda oo kale.
  • Qoyska: ka warqab la’aanta qoyska ee u badka ayaa iyana waxay door wayn ka ciyaartaa in ubadku uu noqdo ugaar u gacan gasha shabkadaha ku lugta leh arrimah seef laboodnimad.

Sidee looga hortagi karaa:

Seef laboodnimada waa mushkilad qoto dheer, xal in loo helaana ay u baahantahay in mas’uuliyaddeeda dusha loo wada rito, qof walibana uu qaato kaalinta kaga aaddan.

  • Mas’uuliyadda qofeed: waxaa qof waliba ka saaran arrintan ma’uuliyad haba u sii kala badnaato ma’uuliyadda hadba booska, muhiimadda, khibradda iyo cilmiga uu qofku leeyahay.
  • Mas’uuliyadda dowladaha: mas’uuliyadda ugu wayn waxay ku dhacaysaa dowladaha; waayo waxay u haystaan awood iyo dhaqaale aanay heli Karin dadka kale, mana ahan inay mas’uuliyaddooda kusoo koobaan xal amni ah oo keliya ee waa inay u raadiyaan dawooyin kaloo fara badan ayna furto kannaalo kale oo ay samayso arrimaha soo socda:

A -wada shaqayn: in lala yeesho shacabka wada shaqayn, meeshana laga saaro darbiga cabsida ee u dhaxeeya dadka iyo dowladda, dadkana laga dhaadhiciyo inay qaataan kaalintooda.

B -caddaaladda oo la adkeeyo ayaa iyana waxay qayb katahay kaalinta dowladda, mar kasta oo caddaalad laga heli waayo dhanka dowladda waa mar kasta oo ay sii badato fursadaha uu ku sii jiri karo fikirkan.

C -Dib u heshiisiin: in mar walba aan laga quusan inta ay suurta galka tahay in la furo wada hadallo iyadoo loo muujinyo dadka lala hadlayo inay yihiin dad shirko kula ah masiirka dal iyo dad oo aanan loo muujinin inay yihiin dad liita oo aan istaahilin in laga tala geliyo masiirka waddanka.

D – in laga qayb geliyo siyaasadda: qofkasta oo ka yimaada in fursad loo siiyo inuu ciyaaro kaalin siyaasadeed oo an la xirin lana juujuubin mar haddii uu ka tanaasulo fikirkiisii hore, iyadoo aan ognahay in hoggaamiya kooxeedyadii hore marka la siiyay masaaxo ay kaga qayb qaadan karaan siyaasadda in wax badan ay ka tartay in la helo xal kumeel gaar ah.

E- in la dhiso lana dardargeliyo haydaha bulshada rayidka: maadaama dowladda keligeed aynan ku filnayn waa inay xoogga saartaa sida loo heli lahaa hay’do bulsho rayid oo xoog leh kuwaasoo qaadan kara kaalintooda kaga aaddan arrimahan, si loo qaybsado mas’uuliyadda una baahdo.

F- in laga garaawo qaladaadka siyaasdeed, dhaqaale iyo bulsho ee laga tirsanayo dowladda, ayna la timaado siyaasado dib loogu saxayo qaladaadka iyo mugdiyada ka dhex jira qaybaha kala duwan ee bulshada.

G- siyaasado shaqo abuur: waxaa la gudboon dowladda inay dejiso siyaasado iyo istiraatiijiyad lagula tacaalayo shaqa la’aanta baahsan ee ka jirto, sida in la furo macaahid lagu barto xirfadaha kala duwan iyo in shirkadaha ajnabiga ee ka shaqeeya wadanka shardi looga dhigo inay shaqaalaysiiyaan dhalinyarada wadanka halka ay dibadda ka keensan lahaayeen shaqaale.

Dowrka culimada: culimada mas’uuliyad wayn baa ka saaran la dagaallanka seef laboodnimada, kumana filna hal mar ama dhowr mar oo laga hadlay ee waa in dhinacyo badan ay ka qaadaa dhigaan iyaga oo u maraya wadiiqooyin kala geddisan taasoo lagula hadlayo bulshada qaybaheeda kala duwan, sida inay is dul taagaan oo ay furfuraan shubhooyinka ku xambaaraya kooxahan fikirkan seef laboodnimada iyaga oo u diraaseenaya si cilmiyaysan oo xikmadi ku dheehantahay.

Waxaana shardi ah qaab hadalka culimadu inuu ku sifoobao siyaalaha soo socda: waa inuu yahay mid aan dhanna u xaglinaynin ee keliya uu yahay mid la safan xaqa diinta iyo xuquuqda shacabka, oo ka fog xadgudubka, sidoo kale waa inuu yahay mid waaqica la fal galaya, kana shaqeynaya danta dadwaynaha, oo ay ku dheehantahay Alle ka cabsi, sidoo kale waa inuu yahay mid madax bannaan oo aan waxba loo meerinaynin, kana duulaya aragtida sharciga oo keliaya.

Sidoo kale qaab hadalka culimada waa inuu yahay mid xeerinaya duruufaha dhaqan dhaqaale iyo siyaasad ee bulshada iyo halka ay tabarteeda la egtahay iyada oo aan dusha laga saaraynin umadda wax aysan ka bixi karin waqti xaadirkaan iyadoo loo cuskanayo hadalka Alle ( فاتقو الله ماستطعت).

Sidoo kale waa in la xeeriyo sunnooyinka Alle ee xagga sharciga iyo koonka ee ku aadan haggaajinta umadaha, waana in dhalin yarada loo bayaaniyo bari samaadkii tegay oo ay naawilayaan iyaga oo ka duulayo tagtadii quruxda badnayd iyo taariikhdii hore inaysan ahayn sida ay sawiranayaan oo ah mid ka maran mashaakil oo dhan balse waa in laga dhaadhiciyaa in ay ku xeernayd duruufo iyo mashaakil u munaasab ahaa xilligoodoo ayna u raadiyeen xal u munaasib ahaa duruufahaas, innagana nalooga baahan yahay in aan la nimaadno xal u munaasib ah waaqica aan ku nool nahay ee la jaan qaadayo xilligeenan lana fal galayo dunida nagu hareeraysan, ugu dambaynna culimada.

Waana inay beddelaan aragtida laga haysto oo ah inay yihiin kooxo iyo firqooyin is hertinaya oo kala matalaya afkaar ay marti u yihiin ee waa in ay maskaxdooda shiilaan, waaqicoodana iyagaa garanyaee ay si hoose u diraaseeyaan iyagoo indho iyo caqli Soomaaliyeed leh cid kalena aysan marti oga ahaanin, biyahana ay ka cabaan halki ay ka cabeen kuwa ay wax kasoo min guurinayaan oo waa inay si toos ah kitaabka iyo sunnada iyo madaahibta fiqihiga ay uga biyo cabaan oo aysan cid kale oo aan nala waaqic iyo duruuf ahayn aysan marti oga noqon, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhacdooyinka ugubka ah ee ummadeenan soomaliyeed kala gaartahay umadaha kale.

Maqaalkan waxaan ka soo dhugtay buugga su’aalaha seef laboodnimada ( أسئلة العنف ) ee uu qoray Dr. Salmaan Al-cowdah.

Facebook Comments