“Waxaan e heeyn kuwa dulleysan kadibne islaamka ayaa nawanaajiye , hadii aan sharaf karaadinno meel aan islaamka eheyn waan dulloobeynaa”

Horaantii sanadkii shan iyo tobnaad ee hijriga, ayaa lawariyey qiso dhax martay Omar in khattaab iyo hogaamiyihii u talinaaye Bayt Al-Baqdas “Qudus” , isla markaasne la doonaaye in fura yaasha Qudus lagu soo wareejiyo khilaafada Omar uu u taliyo ayadoo wax dhiiga ah uu san daadan.

Wuxuu u diray hogaami ya yaasha ciidamadda Boqorkii ka talinaaye Magaalada Qudus si ay ula soo wareegaan furayaasha Baytul Maqdas , kadib marki uu u baahday in uu amaan helo, oo dagaal lagu soo qaadin, balse wuu u diiday in uu ku wareejiyo furayaasha hogaamiya yaashii la oran jiray Amr bin Al-Aas ama Sharhabeel bin Hassan ama Abu Ubaidah Amir bin Al-Jarrah oo uu soo diray Omar bin Khattaab.

Badriyaariti Safroniyuus “Patrioti Sefronius” ayaa ku yiri hogaamiya yaashii uu Cumar bin khattaab soo diray “waxaan ka akhrine kitaabka naga tilmaamaha qofka mudan in loo dhiibo furayaasha Qudus balse adinka idinka ma aragno tilmaamahaas”.

Waxaa loo diray Amiirki islaamka Cumar binu Al-khattaab si uu u soo qaado furayaahsa, taliskii Qudus ayaa codsaday in uu lakulmo si ay ugu dhiibaan furayaasha, madaama aysan dooneynin dagaal, ay doonayaan si ammaan leh in ay u dhiibaan furaha.

Cumar bin khattaab u jiheestay dhinaca Qudus asigoo watto wiilkiisi yaraa, asiga iyo wiilkiisuba waxey isku bad-badalayeen fuulidda faraska “qofba mar ayuu faraska koraaye” ilaa ay u soo dhawaadeen hareeraha magaalada Shaam,balse magaalada sham waxaa ka da’ay Roob xoogan, oo meel waliba waxaa harreeye biyo, sidaa darteed waxaa ku halaabay dhooqo “dhiiqo” hareera tiilay togga “Camwaas” umaddan aamin keedi “Abu-Ubaidah” ayaa ku yiri “ cagahaaga dhoobo ayaa haleysay , dharkaadune inbadan wuu dulduleelaa , dadka aad lakulmi rabtane waa madax iyo boqorro jecel nadaafada , ee adigu miyaadan dhiiqada iska dhaqeynin? dharkane badalaynin? , waayo adigu waxaa tahay tahay qof sharaf iyo maamuus ku dhaxleh muslimiinta dhaxdooda”.

Cumar bin Khattaab ayaa yiri “waxaanu e heeyn anagu kuwa dulleysan kadibne islaamka ayaa nawanaajiye , hadii aan sharaf karaadinno meel aan islaamka eheyn waanu dulloobeynaa” alle ayaan ku dhhartee hadii ay qof aa adiga e heyn I oron laheed hadalkaan waxaan jarilahaa qoortiisa, wiilkii ayaa galay Magaalada asigoo fuushan halka omar uu ahaa mid lu geynaayo,marki ay gaareen halki uu ku sugnaay hogaamiyaha Qudus , Sefronius ayaa fiiriye Omar iyo dharka uu wato asigoo hogaaminaaya faraska uu wiilkiisu saaran yahay, isla markiiba Sefronius ayaa omar u dhiibay furaha Bayt Al-Maqdas wuxuuna ku yiri,

waxaanu ka akhrinay tilmaamahaaga buuga nagi in aad soo gali doonto Magaalada adigoo lugeeynaya halka wiilkaa dune fuushan yahay, maradaadune ay dhowr meelood kajeexan tahay

Markii omar furaha lagu wareejiye Sujuud ayuu la dhacay, habeen kiisine oohin ayuu ku dhameystay, marki la weydiiye maxaad la ooyday? Wuxuu yiri “waxaan la ooyay in aad aduunka milkidaan ‘lawareegtaan’ deedne qaarkiin qaarka kale inkiro, markaasne dadka Samada joogga ay idin in kiraan”

Facebook Comments