“Hadii aad lakali noqoto gudcur “mugdi” naftu waxey ku baaqdaa caasinimo , kaxishoo aragtida Eebbe, una sheeg in uu arkayo kii gudcurka abuuray”

Imam Al-Qahdani

Waa maxay Muraaqabada alle “ilaalinta allah?

Muraa qaba waa kalmad carabiyad ah micne ahaanne ah “ilaalin”.

Tusaale: waa in aad wax kasta oo aad sameyneyso aad u sameysaa sida alle oo kuu jeeda taa badalkeeda ayaa ah anagu waxaanu ilaalinnaa “iska ilaalinnaa” marki aan rabno in aan waxyaabha qaar sameyno dadka markaas ina ag jooga.

Akhriste waxaan maqaalkaan kuugu soo gudbin donna

Halista Danbiyada qarsoodida ah

Qof kasta waa inuu mararka qaar naftiisa la kali noqdo, u jeedakasto ha ahaato,dadka waxaa kamid ah naftooda kuwa kula kooda isla xisaabtan iyo eedayn ay ku tacaalayaan naftooda, waxaa kaloo kamid ah dadka kuwa kula kooda naftooda alle caasintiisa, maxaa yeelay dadku uma jeedaan, qofkii dadka in yar ka fogaada “kali noqda” wuxuu inta badan ku dadaalaa wixi naftiisa faa iido u leh oo meesha waa kabaxday istus tuskii, sidaa ayey dadku uka la qeybsamaan marki qofku kalinimo ku sugan yahay.

Kani waa xadiith halis ah qofki ku talaxtago waxyaabaha alle xarimay ‘diiday’. Alle iska ilaalin maayo balse wuxuu iska ilaalinaa dadka aan wax dhib iyo dheefba toona u tareenin, wuxuuna iska hilmaamay Rabbigii maqlaayayey arkaayane.

Thoban waxaa laga wariyey in Nabigeena suuban nnkk uu yiri “waxaan garanayaa dad Ummadayda kamid ah oo qiyaamaha iman doonnna ayagoo wato acmaal ‘xasanaat’ ama ‘wanaag’ la eg buuraha sida ukuntane u cad, markaasne alle uu ka yeeli donna wax aanba jirin “wuu tirtiri’

Thoban ayaa yiri “ Rasul allow inoo til maam kuwaas si aan ayaga uga mid noqonin , maanu garaneyno anaguye”! Nabiga ayaa yiri “ ayagu waa walaalihiin sidaa wanaagga u raadsataan ayey ayagune u raadsadaan hase yeeshee hadii ay kaliyoo baan waxey ku talax tagaan waxyaabihii alle xarimay”.

Miyaadan ogeyn walaalkeygow in hadii aad hal saacad ama il biriqsi aad kali ahaato uu alle weyne kuu jeedo, kuwa ku eegaya kan ugu liita alle haka dhigin ,hadii aad sidaas sameyso, kadib waa geleeysaa khattar iyo dambi weyn.

Hadii aad maleysay alle in uu ku arki karin sidaa waa gaalnimo ee ogow, waayo adigu waxaa diiday sifo weyn oo alle tilmaamihiisa kamid ah, waxaa lagu xusay kitabka iyo sunnada xittaa culumadu wey xustay waana “Alle waa mid maqal iyo arak badan”.

Faa’iidada laga helaayo Eebbe oo la ilaaliyo:

  • Indha indheyta alle ayaa kamid ah sababaha jannada lagu galaayo.
  • Waxaa lagu gaaraa raali ahaan shaha alle
  • Waxey kamid tahay wax yaabha loo adeegsado cibaadada alle
  • Waxaa lagu helaa gargaarka alle
  • Waxey kuugu kaalmeysaa katagidda dambiyada
  • Waxey kamid tahay iimaanka meesha ugu sareysa
  • Aduunka iyo aakhiraba waad ku liibaanee

Allow naga yeel kuwa u cabsada sida ayagoo ar kaya rabbigood

Facebook Comments