Waqtigu wuxuu kamid yahay waxyaabaha qaaliga inagu ah noloshaan aduunka, sidoo kale waqtigu waa nolosha bani aadamka, sidoo kale waqtigu wuxuu kamid yahay waxyaabaha hadii ay ku dhaafaan ayne suurta gal noqoneynin in ay dib kuugu soo laabtaan.

Marka waxaad dareemi kartaa qiimaha uu leeyahay waqtigu, sidaa awgeed waxaanu maqaalkaan ku eegi doonnaa sida aan u maareyn karno waqigeenna, inkastoo inoo saa maxeynin in aan Waqtiga ku soo koobno hal maqaal baaxadda iyo qiimaha uu leeyahay awgeed. Nabigeena suuban NNKH wuuxu yiri “waxaa jira labo nimcood oo qiimo badan in badan oo dadka kamid ahine ay moogan yihiin waana Caafimaadka iyo Firaaqada”.

Waa maxay Waqti?

Waqtiga waxaa lagu qeexi karaa si cilmiyeysan oo ah cabirka saxda ah ee isbadalka dhacdooyinka nolosha, halkaasoo khubaradu ay ku qeexaan waqtiga sidii taxane isbadallo ku meelgaar ah oo dhacdooyinka laga soo bilaabo kuwii hore iyo kan hadda loo gudbayo mustaqbalka, sidaa darted waxaa xusid mudan in waqtigaasi yahay shay aan la arki karin ama la taaban karin laakiin laqiyaasi karo.

Waqtigu mu hiimadda uu u leeyahay bani aadamka

Waqtigu waa sheyga ugu muhiimsan ee qofku haysto noloshaan,balse dadku waxey daneeyaan meeleeynta “xisaabinta” hantidooda bangiga, hadane wali waxey gartaan muhiimadda waqtiga si wanaagsan, maadaama waqtigu ka qiimo badan yahay lacag maxaa yeeyalay waxaa loo isticaali karaa in lacag lagu sameeyo, halka lacagta aan lagu maal gashan karin inay wax badan oo waqti ah soo iibsato.

Waanooyin ku saabsan sida waqtiga loo maareeyo

Waxaa jira talooyin ku saabsan sida ugu habboon ee loo maareeyo waqtiga, sidaa awgeed akhriste waxaan kuugu soo gudbin donna maqaalkaan hababka aad waqtigaaga u maareyn karto.

  • U adeegso jadwalka ama “notepad app” si aad u ilaaliso dhammaan ballamahaaga adiga oo aan ilaawin.
  • Hubso inaad hesho hurdo kugu filan 7 ilaa 9 saacadood si aad ugu isticmaasho waqtiga haray wax ku ool ah.
  • Same dib u eegis todobaadle ah howlaha iyo guulaha kala duwan 7dii maalmoodba.
  • Same qorshe ballaaran oo lagu gaarayo afar saaxadood oo shaqo iyo wax laqabanayo maalin gudaheed.
  • U daji waqti cayiman howl kasta si aad u bartid nafsadda dhameystirka iyo joog teyntdafyadaada.
Facebook Comments