Marka waxqabadka (performance) dhaqaalaha dalka la cabbirayo, waxa ugu horrayntabala xisaabiyaa tacabka ama wax soosaarka dalka idilkiis (Gross Domestic Product – GDP). GDP-gu wuxuu tilmaamaa qiimaha suuqa (market value) ee wadarta tacabka (total production) dalka. Qiimaha suuqa ee dhammaan badeecadda iyo adeegga waddanka gudihiisa lagu soo saaray muddo cayiman waxay ku siinayaan GDP-ga waddanka.

GDP-ga ama wadarta tacabka dalka inta badan looma adeegsado is-barbardhigga dhaqaalaha dalalka kala duwan ee adduunka maxaa yeelay dalalku waxay ku kala duwan yihiin tirada muwaadiniinta ku nool. Sidaasi darteed, si dhaqaalaha waddamada la isku barbardhigo, siday u kala horreeyaanna loo ogaado, waa in GDP-ga dalka loo qaybshaa tirada dadka ku nool si ay inoogu soo baxdo tacabka dalka ee qofkiiba ama saamiga qof kasta oo waddanka u dashay kaga soo hagaagaya tacabka dalka idilkiis (GDP per capita).

Tusaale ahaan, tirakoobkii ugu danbeeyey (World Economic Outlooke Database, October, 2015) ee ay soo saartay Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF, waxa GDP-ga waddanka Hindiya lagu qiyaasay $2,051,228, Hindiyana waxay sidaa ku noqotay waddanka sagaalaad ee adduunka ugu waxsoosaarka badan. Isla tirakoobkaasna, waxa GDP-ga waddanka Qatar lagu qiyaasay $210,109, waxayna Qatar noqotay waddanka Afartan iyo Sagaalaad ee adduunka ugu waxsoosaarka ama GDP-ga sarreeya.

Akhriste, faraqa GDP-ga labada dal u dhexeeya soo uma jeedid? GDP-ga Hindiya waxa uu kan Qatar ka badan yahay $1,841,119. Sidaas oo ay tahayna, waddanka Qatar ayaa intuu doono ka qanisan Hindiya.

Sababtu wax kale maaha ee tirada dadka labada waddan u kala dhashay ayaa cirka iyo dhulka isku jira! Hindiya waa waddanka labaad ee adduunka ugu dadka badan marka laga yimaaddo waddanka Shiinaha, waxana ku nool 1.252 Bilyan oo qof (World Bank, 2013). Halka dadka reer Qatar lagu qiyaaso 2.169 Milyan oo qof (World Bank, 2013).

Tirada dadka labada dal oo kala badan awgeed, isla sannadkaa waxa qofka reer Qatar, GDP-ga waddankiisa kaga soo hagaagayey lacag lagu qiyaasay$137,162, taas oo Qatar ka dhigtay waddanka koowaad ee adduunka ugu qanisan. Halka qofka Hindiyaanka ah GDP-ga waddankiisa kaga soo hagaagayey saami dhan $5,808,Hindiyana ay sidaa ku noqotay waddanka Boqol iyo Shan iyo Labaatanaad ee adduunka ugu qanisan (IMF, 2014).

Haddiiba aad si fiican u fahantey tacabka dalka idilkiis (GDP), waxaa kuu fududaanaysa inaad fahanto micnaha Koboca dhaqaalaha oo ah halka aynu beegsanayno. Koboca dhaqaalaha, kolka si fudud loo qeexo, waxa uu tilmaamaa isbeddelka muddo cayiman oo badanka hal sanno ah ku yimaada tacabka ama waxsoosaarka dalka idilkiis (GDP). Si kale haddii loo dhigo, koboca dhaqaaluhu wuxuu ka tarjumaa korodhka ku yimaadda waxsoosaarka guud ee dalka.

Haddii aynu koboca dhaqaalaha iyo waxa uu daaran yahay isla garanay, waxa is-weydiin mudan muhiimadda uu koboca dhaqaaluhu leeyahay. Haddiiba waddanku uu gaadho koboc dhaqaale oo sarreeya, waa maxay waxa laga dheefi doono?

Xaqiiqatan, haddii koboca dhaqaalaha iyo hantida ummada si isku mid ah loo qaybsado oo aanay koox, gobol ama reer gaar ahi gacanta ku hayn ilaha dhaqaaleed ee ugu muhiimsan dalka, dadka intooda kalena ka qatanayn, koboca dhaqaaluhu wuxuu xal u yahay dhibaatooyin dhaqaale oo bulshooyinka dalal badan oo keennu kamid yahay haysata.

Koboc dhaqaale oo sarreeya waxa uu ka tarjumaa fursado shaqo oo badan, shaqooyinkana waxa laga kasbadaa lacag ay muwaadiniinta dalku ku noolaadaan, dabadeed arrintaasi waxay keenaysaa in saboolnimada iyo cuddurada ka dhasha sida gaajada, biyo la’aan, hoy la’aanta, caafimaad darrada iyo waxbarasho la’aanta la tirtiro. Koboca dhaqaaluhu wuxuu sidoo kale keenaa in nolosha muwaadiniintu noqoto mid tayo leh. Dhaqaalaha dalka oo kobca waxa uu muwaadiniinta dalka u suurta-geliyaa inay daboolaan baahiyahooda kala duwan.

koboca dhaqaaluhu waa arrin aan laga maarmi karin haddii la doonayo in isku filnaanshe la gaadho, saboolnimada iyo cuddurada la halmaamana meesha laga saarro. Balse taas micneheedu maaha in aanay koboca dhaqaalaha ku lammaanayn dhibaatooyin kala duwan. Dhibaatada ugu tunka weyn ee koboca dhaqaalaha ka dhalata waa dhaawaca soo gaadha deegaanka. Warshadaha waaweyn ee badeecadda soo saara, waxa ay hawada ku sii daayaan qiiq.

Qiiqaasi waxa uu keenaa mushkiladda loo yaqaan “Wasakhowga hawada” iyo in cimiladu is-beddesho (Climate change). Cimilada adduunku, hawlaha dhaqaaleed ee sii kordhaya darteed, maalinba maalinta ka dambaysa waa ay sii kululaanaysaa. Kulaykaas ayaa keenaya in dhulalkii berefka ahaa ay dhaqaaqaan, ka bacdina biyo isu beddelaan oo ay ku darsamaan biyaha badda iyo webiyada. Taasi waxay sababaysaa in baddu ku soo durugto dhulka, sii jiritaanka magaalooyinka xeebaha ku teedsanna shaki galo!

Wasakhowga iyo dhibaatada deegaanka soo gaadhaysaa waxay kale oo keenaan in caafimaadkii dadku halis galo. Sidaasi awgeed, caqabadda ugu weyn ee iminka adduunka hortaallaa waa sidii loo xakamayn lahaa, xalna loogu heli lahaa dhibaatada deegaanka soo gaadhaysa ee ka dhalanaysa koboca dhaqaaleed ee ina Aadan ku talaabsaday qarniyadii ugu dambeeyey.

Marka laga hadlayo waxyaabaha sababa in dhaqaaluhu kobco, dhinacyo kala duwan ayaa laga eegi karaa. Qoraalkeenanse, waxaynu ku koobnaan doonnaa waxyaabaha keena in waxsoosaarka dalku bato maadaama aynu koboca dhaqaalahaba ku qeexnay isbeddelkaku yimaadda tacabka dalka. Afar qoddob; [Dhulka iyo keysada abuurta ah (Land and natural resources), shaqaalaha (Labour), maalgashiga gumarada (Capital investment) iyo horumarka tiknaloojiyadeed (Technological progress)] – oo sabab hor leh u noqon kara korodhka ku yimaadda waxsoosaarka dalka – ayaynu hoosta ka xarriiqi doonnaa.

Facebook Comments