Orod oo aad ninki aad dulmisay, oo cafis weydiiso arinkaan waa ciqaab xagga Eebbe kaaga timid”. Waxaa lasoo wariey dhacdo dhacday xiligii Nabi Muse cs , kuna dhacday nin kamid ahaay reer Banii Israa’il. Waxaa jiray nin kamid ahaay masaakiintii reer Bin Israel, wuxuu na lahaay qoys, waxeyna shaqadiisu eheyd Kallun dabte oo Badda ayuu quutkiisa udoona jiray, si uu u maareeyo quutka Ehelkiisa.

Maalin ayuu ugaar u baxay, wuxuuna tuurtay shabaqi uu kalluunka ku daban jiray, waqti kadib waxaa shabaqi soo galay kalluun aad u weyn, ninkii aad uyuu ugu farxay, wuxuuna soo baxsaday kalluunkii , suuqa ayuuna geeyey, si uu lacag ugu badasho uguna adeeggo qoyskii uu u soo kalahay, balse nasiib darro!

Suuqa ayuu kula kulmay nin xoog weyn, Ninkii xoogga weynaa ayaa damcay in uu ninkaan kalluunka xoog uga qaato, balse wuu ka diiday, madaahine kacanta ayaa uu ku sitay ul “bud” ah hal mar ayuuna madaxa uga dhuftay, kalluun lihii wuu suuxay, isla markiiba wuxuu xoog ku sooqaatay kalluunkii, xaafadiisa ayuunna lasoo aaday.

Kalluunlihii wuu habaaray wuxuuna yiri “Allow mid liita ayaa iga dhigaty ninkaan xoolaheyga qaatay xoog ayaa u yeeshay, ee xoolaheyga ii ga qaad, wuu i dulmiyey, mana sabri karro ilaa qiyaamaha”, waad dareemi kartaa nin quutkiisii uu quudan jiray in waayey .

Xoog weynihii xaaskiisa ayuu u dhiibay kalluunkii si ay ugu soo kariso, balse ayadu ma oga siduu nin keedu kalluun kaan kuhelay! .

Wey u karisay, miiska ayeyna ubsaartay, balse marki uu damcay in uu soo qabsado kalluunka si uu u cuno ayaa farta waxaa kamuday lafihii kalluunka ee mudacyada ahaay, wuuna suuxay, xanuun dartii ilaa uu u tagay dhakhtar, dhakhtarki ayaa u sheegay, in uu qabo cudurka kanserka, loonna baahan yahay in la gooyo farta, si uu u faafin.

Waxaa lees ku raacay in la jaro farta, balse nasiib darro! maalmo kabacdi, waxaa soo laabtay xanuunkii, markale ayuuna u laabtay dhakhtarkii, mar labaad ayaana lajaray, sidoo kale maalmo kadib waxaa soo laabtay cudurkii, Ninkii wuxuu ulaabtay dhakhtarkiisi, balse dhakhtarku wuxuu u sheegay in ay arintaan cudur ka weyn tahay, wuxuu na wey diiyey marki horre waxa u ga dhacay, wuxuuna u sheegay dhacdadi dhaxmartay asiga iyo kalluun lihii, dhakhtarki ayaa ugu jawaabay, “Orod oo aad ninki aad dulmisay, oo cafis weydiiso arinkaan waa ciqaab xagga Alle kaaga timid”.

Ninki ayaa magaalada kabaadi goobay kalluunlihii, muddo kadib wuu arkay, wuxuna u sheegay arin kiisa, iyo sida uu u dhibaataysan yahay, lugaha ayuuna uga duub may cafis ayuuna weydiistay, Balse waxaa layaab noqotay ninki gacantiisii ayaa Alle u soo celiyey isla markiiba.

Sheekadda u jeedadeeda

  • Dulmanaha mar waliba waxaa lajira Eebe oo ducaddiisa waa laga ajiibaa.
  • Ciqaabta daalimka waa mid culus aduunka ayaa loogu soo dadajiyaa.
Facebook Comments